Saturday, September 13, 2014

Diyaarado Maraykanku leeyahay oo ku burburay Galbeedka Badweynta Pacific

London, 13 Sept, 2014 (Himilo)- Laba diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada Badda ee Maraykanka, ayaa ku bur-buray galbeedka Badweynta Pacific, iyada oo la’ yahay mid ka mid ah duuliyeyaashii waday diyaaradahaas.
Labada diyaaradood oo noocoodu yahay F/A-18 Hornet oo nooca dagaalka ah, kuwaas oo ka qayb-qaadanayay dhoola-tus milatari oo Ciidamada Maraykanku ka samaynayeen galbeedka Badweynta Pacific, ayaa midkiiba qiimaheedu yahay $57 Milyan.
diyaaradaSida ay sheegeen ciidanka Badda ee Maraykanka, Duuliyaha la badbaadiyey ayaa xaaladdiisa caafimaad lagu baxnaaninaya Markab dagaal oo labada diyaaradood ka duuleen, haseyeeshe waxa ilaa hadda la la’yahay burburka labada diyaaradood.
Lama oga sababta keentay shilka, haseyeeshee saraakiisha ciidamada Badda ee Maraykanku waxa ay sheegeen inay baadhayaan qaabka uu u dhacay burburka labada diyaaradood.
Laba diyaaradood ayaa la sheegay inay ku duullayaan inta u dhaxaysa Galbeedka waddanka Australia iyo Galbeedka iyo Badweynta Hindiya, halkaas oo ah meeshii hore loogu waayey diyaarad laga leeyahay dalka Malaysia horaantii sannadkan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment