Sunday, February 1, 2015

Wasiir Katirsan Xukuumadda Maraykanka Oo Ganaax Lacageed La Saaray

Boston:Feb,01,2015(Himilo)-Wasiirka Arrimaha Dibadda u qaabilsan Dalka Maraykanka, ayaa ciqaab lacageed waxa duldhigtay Dawladda Hoose ee Magaalada Boston, kadib markii uu iska bastin waawyey baraf buux dhaafiyey aqalka uu deggen yahay.

U.S. Secretary of State Kerry gestures as he asks reporter to repeat question during news conference with Indian Foreign Minister Khurshid at Hyderabad House in New DelhiXaafada uu degan yahay John Kerry ee magaalada Boston oo lagu magacaabo, “Beacon Hill”, ayaa lagu ganaaxay konton dollar oo lacag ah sida uu cadeeyay Maayarka Magaalada Boston, Martin Walsh, oo ka hadlay ganaaxan la saaray John Kerry.

John Kerry ayaan wali wax jawaab ah ka bixin ganaaxan la saaray, waxase la filayaa inuu u hoggaansami doono lacagta la duldhigay oo aanu hadal ka keeni Karin.

Inta badan dalalka horumaray ee maraykanku ka mid yahay ayaa sharcigu yahay mid loo siman yahay, waxana dhacda in qofka xilka haya iyo midka miskiinka ahba si iskumid ah uu sharcigu u qabto.

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment