Tuesday, March 31, 2015

Madaxweynaha Somaliland Oo Xilka Qaadis iyo Magacaabis Sameeyay

Hargeysa (Himilomedia)-March-31-2015-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Xilkii ka Qaaday Safiirkii Somaliland ee Kenya iyo Kii Jabuuti, waxaanu xilalkaasi u magacaabay masuuliyiin Cusub.
Digreetada Xilka qaadista ayaa u dhignayd sidan

WAR-SAXAAFADEED


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3129/032015 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey wakiilada Somaliland u fadhiya Dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka Jabuuti & Kenya;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.
2. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya.



Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

1.Ku: Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir),
Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Kenya Nairobi
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Hargeysa

Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.

2.Ku: Mudane, Maxamed Xirsi Qalinle,
Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Jabuuti Jabuuti
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Hargeysa

Mudane
waxaan gartay in aan kaa aqbalo codsigaagii ahaa warqada shaqo ka fadhiisinta ee xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.



ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.
Himilomedia
Hargeysa

Dooni ay Saaran yihiin Yemeniyiin Ka soo cararay Qalalaasaha dalkooda oo Xalay u dhaxday Duleedka Dekedda Berbera iyo Tirada Qaxoontigii u horreeyey oo Sabtidii Yimi

Berbera, 31 March, 2015 (Himilo)- 45 Qof oo isugu jira Yemeniyiin iyo Soomaali ka soo cararay qalalaasaha ka taagan dalka Yemen, ayaa todobaadkan soo gaadhay Somaliland, waxaanay ka soo degeen dekedda magaalada Berbera.
Sidoo kale, Dooni ay saaran yihiin Dad aan tiradooda iyo haybtooda doonta la xaqiijin, ayaa makhribnimadii shalay soo gaadhay duleedka dekedda magaalada Berbera, kuwaas oo la filayo in maanta la xaqiijiyo cidda ay yihiin iyo waddamada ay u dhasheen, kaddib marka ay halkaas gaadhaan wefti ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha Qaxoontiga ku-shaqada leh oo gelinka hore ee maanta la filayo inay gaadhaan magaalada Berbera.
Dadka ka soo cararay Qalalaasaha Yemen ee Sabtidii soo gaadhay magaalada Berbera oo u badan Yemeniyiin isla markaana ay ku jiraan tobaneeyo qof oo u kala dhashay Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa la socday Markab nooca Xoolaha ka qaada Dekedda Berbera, kaddiib markii ay muddo 12 saacadood ah ku soo jireen badda, waxaana la sheegay inay ka yimaaddeen magaalada Ticis oo dhowaan gacanta u gashay kooxaha Xuutiyiinta ee xukunka kala wareegay Dowladda Yemen.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo Wargeyska Himilo khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay isaga oo jooga magaalada Berbera, waxa uu sheegay inay Sabtidii todobaadkan dekedda Berbera ka soo dageen 45 qof oo intooda badani u dhasheen dalka Yemen.
Badhasaabka oo aanu weydiinay jiritaanka dadkaas Qaxoontiga ah, waxa uu ku jawaabay, “Qaarna immikaanu u diyaar-garoobaynaa, qaarna waa joogaan. Qolada joogtaa waxay yimaaddeen Dorraad (Sabtidii), qolada kalena gabbal-dhicii (shalay) ayay yimaadeen, in kastoon tiradooda laysoo sheegin oo mar-dhawayd uun ay doontu soo istaagtay. Waxaanu immika ku hawlan-nahay inaanu samaynayo meel dadka marka la qaabilo lagu baadho caafimaadkooda iyo waxa ay yihiin si hay’adaha dowladda qolo-waliba qaybta ay leedahay uga qayb-qaataan, taas ayaanu ku hawlanahay oo diyaarin-garaynaynaa,” ayuu yidhi Fahmi Cabdi Bidaar.
Badhasaabka oo aanu weydiinnay tirada Dadka ka yimi waddan Yemen ee Sabtidii todobaadkan soo gaadhay dalka, waxa uu ku jawaabay, “Horta dadku waxay isugu jiraan laba qolo. Qaar waa Yemeniyiin Carab ah iyo Soomaali ka soo kala jeeda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland, markaa guud ahan waxay ahayeen 45 qof. Dhowr qof oo Soomaalida kale ah mooyaane, wixii kale waxay ahaayeen Somaliland iyo Yemeni.”
Guddoomiye Fahmi oo aanu weydiinnay Sida ay Xukuumad ahaan u qaabileen Qaxoontiga ka soo barakacay dalka Yemen, waxa uu ku dooday inaanay maamul ahaan u diyaar-garoobin qaabilaadda Qaxoonti ka yimaadda dalka Yemen oo kediso ay ku noqotay, balse ay ka war-sugayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha Caalamiga ah eek u shaqada leh Qaxoontiga oo Salaasada maanta tagaya gobolka Saaxil.
“Intii Somaliland u dhalatay way soo gudbeen oo nin waliba xaafaddiisii ayuu qabtay, wixii Yemeniinta ahaa qaarkood Hargeysa ayay u soo baxeen, qaarna halkannay joogaan, Yemeniyiintuna waxay iska ahaayeen qoysas wax haysta oo ladan,” ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo aanu weydiinay inay goobo lagu daryeello u diyaariyeen Dadka Qaxoontiga ah, waxa uu ku jawaabay, “Waxay ahayd Kediso, laakiin waxa soo socday oo imanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qolooyin kale oo hay’ado ah oo Berri (maanta) imanaya, markaasaanu u qorhaynaynaa.”
Badhasaabka Gobolka Saaxil waxa kale oo uu Wargeyska Himilo u sheegay inay jiraan Qaxoonti kale oo saaran Dooni ka timi dalka Yemen, taas oo xilli habeennimo ah oo xalay ahayd soo gaadhay meel u dhow duleedka dekedda Berbera, waxaanu yidhi, “Dadkaasi waxay saaran yihiin Doon, lagamana soo dejin wali, markaas Berri uunbaanu ogaan doonaa tiradooda, waxay yihiin iyo dhalashadooda,” Sidaas ayuu ku jawaabay badhasaabka Saaxil.
Guddoomiyaha oo la weydiiyey sababta dadka qaxoontiga ah looga dejin waayey Doonta, waxa uu ku dooday maadaaama oo ay tahay xilli habeenimo ah inaanay suurta-gal ahayn inay ku soo xidhato dekedda Berbera maadama oo ay u baahan yihiin baadhitaanno lagu sameeyo, isaga oo xusay inay maamul ahaan u door-bideen xaaladda ammaan maadaama aanay kala aqoonsan karin xaaladdooda iyo cidda ay yihiin.
“Sidaas waxaanu u samaynay anigoo ilaalinaya nidaamka, haddii ay habeen tahayna, Dooni ama Markab ha ahaatee, waa in loo diyaariyo boos ay dekedda ka soo gasho, markaa sidaasaan ugu deynay dibadda inay ka joogto.Maalinta Berri (maanta) waxaanu la sugaynaa wasaaradda iyo hay’adp wada-socda oo Hargeysa ka soo bixi doona.”
Dhinaca kale, Dadka Qaxoontiga ah ee todobaadkan ka soo degay dekedda Berbera waxa ka hadlay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoonta ee UNHCR oo bartooda Twitter-ka ku baahiyey warkan, kuwaas oo ay ku sheegtay inay yihiin 32 qof oo u dhashay dalka Yemen oo waayeel iyo Carruur u badan, waxaanay hay’addu intaas ku dartay inay yimaaddeen magaalada Ticis oo u dhaxaysa Caasimadda dalkaas ee Sanca iyo magaalo-xeebeedda Cadan.
“Kooxihii u horeeyey ee ka soo qaxa qalalaasaha Yemen ayaa soo gaadhay Somaliland, xafiiska UNHCR waa heegan, waxaanu isu-diyaarinayaa inuu ka qayb-qaato isla markaana ka hawl-gala meelaha Xeebaha ah,” Sidaas waxa lagu sheegay farriin lagu faafiyey shalay barta twitter-ka ee hay’adda UNHCR.
Hay’adda UNCHR waxa ay xaqiijisay in dadkaasi muddo 12 saacadood u soo kala safrayeen xeebaha Yemen iyo Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa

Dalka Jabuuti oo ka macaashay dagaallada Yemen, una diyaargaroobay qaabbilaadda Kumannaan Qaxoonti ah

Jabuuti, 31 March 2015 (Himilo)- Dalka Jabuuti ayaa macaash ka helay dagaallada ka socda waddanka Yemen, ka dib markii dhinaca Cirka iyo Badda waxii Maraakiib iyo diyaarado ku socday u soo weecdeen dhanka Jabuuti.
Dekedda Jabuuti ayaa ku mashquulsan rogitaanka badeecado boqollaal tan sare u dhaafay oo Maraakiib sidday u soo weeciyeen dalkaas, ka dib markii ay gaadhi kari waayeen Dekedaha Yemen dagaallada ka socda awgood.
Marsada dalka Jabuuti ee magaalada Jabuuti oo xilligan ay taagan yihiin toddoba Markab ayey laba ka mid ahi sidaan Xamuulka ganacsi oo kala duwan, halka shanta kalena Shidaal ku raran yahay. “Waan awoodnaa inaan siinno dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin ee rogitaanka badeecadaha kala duwan iyo Shidaalka ku socday Yemen ee Maraakiibtu ku rogayaan Jabuuti.” Sidaa waxa yidhi Masuul Saraakiisha Dekedda Jabuuti ka tirsan oo la hadlay Telefishanka Aljazeera. Waxaanu intaas ku daray; “Maraakiibtu maalmo badan ma sii taagnaan karaan, oo kharash gaadhaya illaa konton kun ayaa ku baxa, sababtaa ayey ugu rogayaan badeecadihii Yemen halkan (Dekedda Jabuuti).”
Magaalada Jabuuti oo ku taal afaafka marinka Baabal-mandab oo inta badan ganacsiga Adduunka boqolkiiba 40% ugu badnaan ay isticmaalaan ama maraan marinkan, ayaa masuuliyiinta Dekedda Jabuuti sheegeen inay filayaan Maraakiib badan oo maalmaha soo socda soo gaadha Dekedda, isla markaana ay leeyahiin imkaaniyaad ay ku rogaan.
Sidoo kale, Duullimaadyada Diyaaradaha ee Madaarka Jabuuti ku soo degaya, ayaa la sheegay inay kordheen, ka dib markii Boqortooyada Sucuudiga iyo xulufadiisa Jaamacadda Carabtu xidheen isticmaalka Hawada sare ee waddanka Yemen oo ay Duqaymo ka wadaan, inta badan diyaaradihii ku socday Yemen waxay u leexdeen dhanka Jabuuti, halka sidoo kale diyaaradii Qaranka Yemen loo soo weeciyey Madaarrada Jabuuti, taasoo boqollaal Rakaab Muwaaddiniin reer Yemen ahi ku xanniban yihiin.
“Wallaahi, dhibaato ayaa na haysata, waxaannu wadannaa Carruur iyo dad xanuunsanaya oo Masar ka yimi, waxaan waddamada Carabta iyo Madaxweynaha Yemen ka codsanaynaa sidii naloo gaadhsiin lahaa Yemen.” Sidaa ayay yidhaahdeen Dadka Rakaabka ah ee u dhashay waddanka Yemen ee iyagoon dalkooda gaadhin la xidhay hawada waddankooda, isla markaana Jabuuti socoto xanniban ku ah oo la hadlay Saxaafadda.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa sheegtay inay u diyaargaroobayaan qaabbilaadda boqollaal Qaxoonti reer Yemen ah oo la filayo inay soo gaadhaan Jabuuti maalmaha soo socda, isla markaana uga diyaariyeen magaalada Obokh Xero Qaxoonti oo qaadaysa illaa Shan Kun oo qof.
Shaqaalaha Hay’adaha gargaarka, ayaa sheegaya in tirada intaa ka badnaan karto, maaddaama boqollaal kun oo Soomaali ah oo qaxoonti ku ahaa Yemen la filayo inay dib ugu soo qaxaan dalka Jabuuti oo waddan ahaan ugu dhaw Yemen.
Himilomedia
Hargeysa

Wasiirro Xambaarsan Jawaabta Socdaalkii Xeebaha ee Madaxweynaha oo gaadhay Sanaag

Jabuuti, 31 March 2015 (Himilo)- Dalka Jabuuti ayaa macaash ka helay dagaallada ka socda waddanka Yemen, ka dib markii dhinaca Cirka iyo Badda waxii Maraakiib iyo diyaarado ku socday u soo weecdeen dhanka Jabuuti.
Dekedda Jabuuti ayaa ku mashquulsan rogitaanka badeecado boqollaal tan sare u dhaafay oo Maraakiib sidday u soo weeciyeen dalkaas, ka dib markii ay gaadhi kari waayeen Dekedaha Yemen dagaallada ka socda awgood.
Marsada dalka Jabuuti ee magaalada Jabuuti oo xilligan ay taagan yihiin toddoba Markab ayey laba ka mid ahi sidaan Xamuulka ganacsi oo kala duwan, halka shanta kalena Shidaal ku raran yahay. “Waan awoodnaa inaan siinno dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin ee rogitaanka badeecadaha kala duwan iyo Shidaalka ku socday Yemen ee Maraakiibtu ku rogayaan Jabuuti.” Sidaa waxa yidhi Masuul Saraakiisha Dekedda Jabuuti ka tirsan oo la hadlay Telefishanka Aljazeera. Waxaanu intaas ku daray; “Maraakiibtu maalmo badan ma sii taagnaan karaan, oo kharash gaadhaya illaa konton kun ayaa ku baxa, sababtaa ayey ugu rogayaan badeecadihii Yemen halkan (Dekedda Jabuuti).”
Magaalada Jabuuti oo ku taal afaafka marinka Baabal-mandab oo inta badan ganacsiga Adduunka boqolkiiba 40% ugu badnaan ay isticmaalaan ama maraan marinkan, ayaa masuuliyiinta Dekedda Jabuuti sheegeen inay filayaan Maraakiib badan oo maalmaha soo socda soo gaadha Dekedda, isla markaana ay leeyahiin imkaaniyaad ay ku rogaan.
Sidoo kale, Duullimaadyada Diyaaradaha ee Madaarka Jabuuti ku soo degaya, ayaa la sheegay inay kordheen, ka dib markii Boqortooyada Sucuudiga iyo xulufadiisa Jaamacadda Carabtu xidheen isticmaalka Hawada sare ee waddanka Yemen oo ay Duqaymo ka wadaan, inta badan diyaaradihii ku socday Yemen waxay u leexdeen dhanka Jabuuti, halka sidoo kale diyaaradii Qaranka Yemen loo soo weeciyey Madaarrada Jabuuti, taasoo boqollaal Rakaab Muwaaddiniin reer Yemen ahi ku xanniban yihiin.
“Wallaahi, dhibaato ayaa na haysata, waxaannu wadannaa Carruur iyo dad xanuunsanaya oo Masar ka yimi, waxaan waddamada Carabta iyo Madaxweynaha Yemen ka codsanaynaa sidii naloo gaadhsiin lahaa Yemen.” Sidaa ayay yidhaahdeen Dadka Rakaabka ah ee u dhashay waddanka Yemen ee iyagoon dalkooda gaadhin la xidhay hawada waddankooda, isla markaana Jabuuti socoto xanniban ku ah oo la hadlay Saxaafadda.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa sheegtay inay u diyaargaroobayaan qaabbilaadda boqollaal Qaxoonti reer Yemen ah oo la filayo inay soo gaadhaan Jabuuti maalmaha soo socda, isla markaana uga diyaariyeen magaalada Obokh Xero Qaxoonti oo qaadaysa illaa Shan Kun oo qof.
Shaqaalaha Hay’adaha gargaarka, ayaa sheegaya in tirada intaa ka badnaan karto, maaddaama boqollaal kun oo Soomaali ah oo qaxoonti ku ahaa Yemen la filayo inay dib ugu soo qaxaan dalka Jabuuti oo waddan ahaan ugu dhaw Yemen.

Wasiirro Xambaarsan Jawaabta Socdaalkii Xeebaha ee Madaxweynaha oo gaadhay Sanaag
Ceerigaabo, 31 March, 2015 (Himilo)- Wefti ka kooban Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaad, Waxbarshada, Kalluumaysiga iyo Wasiirul-dowlaha Maaliyadda, ayaa socdaal ay ku timaameen inuu jawaab u yahay safar maalmod qaatay oo madaxweynuhu ku maray deegaannada Xeebaha waxa ay ku gaadheen gobolka Sanaag, halkaas oo ay u dhagax-dhigeen mashaariic hor leh.
Afarta Wasiir oo ay weheliyaan Masuuliyiinta heer gobol ee Sanaag, waxa ay mashaariic ka dhagax dhigeen Degaannada Conqor, Xiis iyo Maydh, kuwaasi oo laga hirgalin doono Qaboojiyeyaal ay isticmaalaan kalluumaysatada degaannadaasi.
Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglotoosiye,Wasiirka Waxbarashada Prof Faarax Geedoole, Wasiirka Kalluumaysiga Cali Buureed iyo Wasiiru dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid, waxa ay deegaannadaas u dhagax-dhigeen mashaariic lagu horumarinayo wax-soo-saarka kheyraadka badda, gaar ahaan kalluumaysiga, iyada oo dadka kalluumaysatada ah laga taageerayo adeegyo wax ka tari doona horumarinta wax-soo-saarkooda.
Wasiir Geedoole oo bulshada kula hadlay degmada Xiis, oo ay ka dhagax dhigeen Qaboojiyeyaal Kalluumaysatadu u adeegsato Kaydinta Kalluunka, ayaa sheegay in Mashruucaasi degmada ku soo celin doono Kaluumaysatada, “Insha Allah Mashruucani wuxuu noqon doonaa mid dadkii Kalluumaysatada ahaa ku soo celiya Magaalada, Horumarkuna wuu soo kala horeeyaaye dawladdeenu waxay hadda ku talo jirtaa inay meel kasta wax ka qabato,” ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadu.
Weftiga ayaa sidoo kale gaadhay Degmada Maydh oo Xukuumaddu ka fulinayso mashruuc lagu hirgelinayo Qaboojiyeyaal iyo dayax-tirka Dekedda Maydh, waxaana halkaasi ka hadlay wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac Buureed, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dekeddaas oo Talyaanigii Sameeyay oo Looxyadaasi ugu dambeeyeen cid ka dambeysayna aanay samayn, waxaynu maanta meesha u joognaa inaynu gaadhsiino halka Doonyahaasi joogaan oo Doonyuhu ku soo xidhaan” ayuu yidhi Wasiirka Kaluumaysigu.
Wasiir Xaglotoosiye, ayaa isna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi, “Warkaanu wadno iyo Mashaariicda aanu wadno waa kuwo la xidhiidho Socdaalkii Madaxweynuhu ku maray gobolkan. Madaxweynuhu markuu arkay Baahida rasmiga ah ee Goboladan taala wuxuu muhiimadda koowaad siiyay Gobollada Sool iyo Sanaag oo aad uga dambeeya Gobolada intooda kale.”
Waxgaradka degaannadaasi iyo Maamulka Sanaag ayaa ka mahadceliyay mashaariicda Xukumaddu degaannadaasi ka qabanayso oo ay uga mahad-celiyeen.
Himilomedia
Hargeysa

Heshiis lagu Cidhib-tirayo Nukliyeerka Iran oo loo muddeeyey qalin ku duugistiisa iyo qodobbada ugu adag

Lausanne, 31 March 2015-(Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Maxamed Jawaad Thariif, ayaa Isniintii shalay dalka Switzerland kula kulmaya Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Jarmalka, isla markaana waxay isku dayayaan inay heshiis gaadhaan ka hor xiliga kama dambeysta ah si ay isula meel-dhigaan heshiiska muddada dheer laga dhur-sugayey Barnaamijka Nukliyearka ee Iran.
Gelinka dambe oo Salaasada Berri, ayaa diblomaasiyiintu doonayaan inay gaadhaan qaab lagu hubanayo in Iran aanay sameysan doonin Hubka wax gumaada ee Nukliyeerka, iyada oo taas loogu beddelayo in cuna-qabateynta laga qaado.
Cuna-qabataynta Reer Galbeedka iyo Maraykanku saareen waddanka Iran, ayaa dhaawac weyn u geysatay dhaqaalaha dalkaas, taasoo ah wax la doonayo in loogu beddelo joojinta samaysiga Hubka Nukliyeerka ee Iran si looga qaado markay heshiiskaas lagu cadaadinayo fuliso ka dib. Hannaan dhameystiran oo heshiiskan ku saabsan ayaa la filayaa dhammaadka bisha June ee 2015-ka inuu si rasmi ah u hirgelo.
Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa Isniintii shalay sheegay in aan wali go’aan laga gaadhin sida loo burburinayo Keydka Macdanta Yuraaniyoonta la naaxiyey ee Iran ee laga sameeyo Nukliyeerka, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in dawladdaasi ay muujisay in waxyaabahaas dalka dibeddiisa la geeyo.
Waxa uu Sarkaalkaas oo sii watay hadalkiisa, intaas ku daray oo sheegay in dhoofinta qalabkani uu ahaa mid ka mida qodobbada ay labada dhinaca muddo bilo ah ka doodayeen ee aadka la isugu mari la’aa, balse immika u muuqata in la isaga soo dhawaanayo sidii hore oo uu hirgeli karo heshiiskaasi.
Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, ayaa gelinkii dambe ee shalay isagu ka baxay shirkaas ka socda magaalada Lausanne ee dalka Switzerland, hase-yeeshee Afhayeen u hadlay, ayaa sheegay inuu soo laaban doono haddii laga gudbo qodobbada hadda la isaga dhadhaw yahay ee caqabadda ku ah hirgelinta heshiiska gelinka dambe ee Salaasada Berri u muddaysan.
Himilomedia
Hargeysa

Wasiirro Xambaarsan Jawaabta Socdaalkii Xeebaha ee Madaxweynaha oo gaadhay Sanaag

Ceerigaabo, 31 March, 2015 (Himilo)- Wefti ka kooban Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaad, Waxbarshada, Kalluumaysiga iyo Wasiirul-dowlaha Maaliyadda, ayaa socdaal ay ku timaameen inuu jawaab u yahay safar maalmod qaatay oo madaxweynuhu ku maray deegaannada Xeebaha waxa ay ku gaadheen gobolka Sanaag, halkaas oo ay u dhagax-dhigeen mashaariic hor leh.
Afarta Wasiir oo ay weheliyaan Masuuliyiinta heer gobol ee Sanaag, waxa ay mashaariic ka dhagax dhigeen Degaannada Conqor, Xiis iyo Maydh, kuwaasi oo laga hirgalin doono Qaboojiyeyaal ay isticmaalaan kalluumaysatada degaannadaasi.
Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglotoosiye,Wasiirka Waxbarashada Prof Faarax Geedoole, Wasiirka Kalluumaysiga Cali Buureed iyo Wasiiru dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid, waxa ay deegaannadaas u dhagax-dhigeen mashaariic lagu horumarinayo wax-soo-saarka kheyraadka badda, gaar ahaan kalluumaysiga, iyada oo dadka kalluumaysatada ah laga taageerayo adeegyo wax ka tari doona horumarinta wax-soo-saarkooda.
Wasiir Geedoole oo bulshada kula hadlay degmada Xiis, oo ay ka dhagax dhigeen Qaboojiyeyaal Kalluumaysatadu u adeegsato Kaydinta Kalluunka, ayaa sheegay in Mashruucaasi degmada ku soo celin doono Kaluumaysatada, “Insha Allah Mashruucani wuxuu noqon doonaa mid dadkii Kalluumaysatada ahaa ku soo celiya Magaalada, Horumarkuna wuu soo kala horeeyaaye dawladdeenu waxay hadda ku talo jirtaa inay meel kasta wax ka qabato,” ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadu.
Weftiga ayaa sidoo kale gaadhay Degmada Maydh oo Xukuumaddu ka fulinayso mashruuc lagu hirgelinayo Qaboojiyeyaal iyo dayax-tirka Dekedda Maydh, waxaana halkaasi ka hadlay wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac Buureed, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dekeddaas oo Talyaanigii Sameeyay oo Looxyadaasi ugu dambeeyeen cid ka dambeysayna aanay samayn, waxaynu maanta meesha u joognaa inaynu gaadhsiino halka Doonyahaasi joogaan oo Doonyuhu ku soo xidhaan” ayuu yidhi Wasiirka Kaluumaysigu.
Wasiir Xaglotoosiye, ayaa isna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi, “Warkaanu wadno iyo Mashaariicda aanu wadno waa kuwo la xidhiidho Socdaalkii Madaxweynuhu ku maray gobolkan. Madaxweynuhu markuu arkay Baahida rasmiga ah ee Goboladan taala wuxuu muhiimadda koowaad siiyay Gobollada Sool iyo Sanaag oo aad uga dambeeya Gobolada intooda kale.”
Waxgaradka degaannadaasi iyo Maamulka Sanaag ayaa ka mahadceliyay mashaariicda Xukumaddu degaannadaasi ka qabanayso oo ay uga mahad-celiyeen.
Himilomedia
Hargeysa

Ban Ki-moon iyo Xasan Sheekh oo isla-qaatay qorshe lagu daad-guraynayo somalida ku dhaqan Dalka Yeman

Sheikh, 31 March 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa kulan ku wada yeeshay magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar, kaasoo ay kaga wadahadleen qodobbo ay ka mid yihiin sidii Soomaalida Qaxoontiga ku ah waddanka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Yemen looga soo daad-gurayn lahaa, inta aan la daad-gurayn ammaankooda iyo xaaladdooda nololeed ay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa ula socon lahayd, nabadgelyada Soomaaliya, la-dagaallanka Al-Shabaab iyo higsiga 2016-ka ee dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Xoghaye Ban Ki-Moon u sheegay in Dawladda Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo suuro-gelinaya in si buuxda loo fuliyo barnaamijyada la xidhiidha Hiigsiga 2016, isla markaana aanay jirin qorshe muddo-kordhin ah. Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa kulanka ka sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay ka shaqeyn doonto sidii Guddiyada muhiimka ee barnaamijka Hiigsiga 2016-ka ku hawlan ay u heli lahaayeen agabka iyo wax walba oo suuro-gelinaya fududeynta hawshooda.
Kulankaas ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu ku aqbaley codsi uu u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo ahaa in si deg-deg ah loosoo daad-gureeyo Qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku xanniban dalka Yemen ee ay dagaallada sokeeye ka socdaan.
Mr. Ban Ki-moon, ayaa sheegay in Hay’adda Qaxoontiga u qaabbilsan Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNHCR ay deg-deg u qiimeyn doonto qaabka ugu sahlan ee qaxoontiga Soomaalida ah ee Yemen ku xayiran looga soo saari lahaa, dibna loogu celin lahaa dalkooda Soomaaliya, inta ka horreysa daad-gurayntaasna ay si dhaw Hay’addaasi ula socon doonto ammaanka iyo xaaladdooda nololeed ee ay ku sugan yihiin.
Soomaaliya, ayaa qayb ka ah dalalka Jaamacadda Carabta ee Shirku uga socday magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar, halkaas oo la iskula qaatay in Ciidammo ay ku midaysan yihiin dalalka Jaamacadda Carabtu la dhiso iyo sidoo kale, la-dagaallanka Kooxda dagaalka kula jirta dawladda Sharciga ah ee Yemen, isagoo dagaalkaan ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen Sucuudiga oo ay waddamo kale weheliyaan bilaabay Arbacadii inna dhaaftay oo ay diyaarado ku duqeeyeen Saldhigyada Malleeshiyada Xuutiyiinta iyo magaalooyinka ay ku badan yihiin, markii ay xaaladdu gaadhay in xataa Madaxweynihii dalkaasi baxsado ka dib.
Himilomedia
Hargeysa

Heshiis lagu Cidhib-tirayo Nukliyeerka Iran oo loo muddeeyey qalin ku duugistiisa iyo qodobbada ugu adag

Lausanne, 31 March 2015-(Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Maxamed Jawaad Thariif, ayaa Isniintii shalay dalka Switzerland kula kulmaya Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Jarmalka, isla markaana waxay isku dayayaan inay heshiis gaadhaan ka hor xiliga kama dambeysta ah si ay isula meel-dhigaan heshiiska muddada dheer laga dhur-sugayey Barnaamijka Nukliyearka ee Iran.
Gelinka dambe oo Salaasada Berri, ayaa diblomaasiyiintu doonayaan inay gaadhaan qaab lagu hubanayo in Iran aanay sameysan doonin Hubka wax gumaada ee Nukliyeerka, iyada oo taas loogu beddelayo in cuna-qabateynta laga qaado.
Cuna-qabataynta Reer Galbeedka iyo Maraykanku saareen waddanka Iran, ayaa dhaawac weyn u geysatay dhaqaalaha dalkaas, taasoo ah wax la doonayo in loogu beddelo joojinta samaysiga Hubka Nukliyeerka ee Iran si looga qaado markay heshiiskaas lagu cadaadinayo fuliso ka dib. Hannaan dhameystiran oo heshiiskan ku saabsan ayaa la filayaa dhammaadka bisha June ee 2015-ka inuu si rasmi ah u hirgelo.
Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa Isniintii shalay sheegay in aan wali go’aan laga gaadhin sida loo burburinayo Keydka Macdanta Yuraaniyoonta la naaxiyey ee Iran ee laga sameeyo Nukliyeerka, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in dawladdaasi ay muujisay in waxyaabahaas dalka dibeddiisa la geeyo.
Waxa uu Sarkaalkaas oo sii watay hadalkiisa, intaas ku daray oo sheegay in dhoofinta qalabkani uu ahaa mid ka mida qodobbada ay labada dhinaca muddo bilo ah ka doodayeen ee aadka la isugu mari la’aa, balse immika u muuqata in la isaga soo dhawaanayo sidii hore oo uu hirgeli karo heshiiskaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, ayaa gelinkii dambe ee shalay isagu ka baxay shirkaas ka socda magaalada Lausanne ee dalka Switzerland, hase-yeeshee Afhayeen u hadlay, ayaa sheegay inuu soo laaban doono haddii laga gudbo qodobbada hadda la isaga dhadhaw yahay ee caqabadda ku ah hirgelinta heshiiska gelinka dambe ee Salaasada Berri u muddaysan.
Himilomedia
Hargeysa

Wafti Kasocday Xukuumadda iyo Golayaasha Qaranka Oo Xaflad Soo Dhaweyn Loogu Sameeyey Magaalada Bermingham

decBermingham:Mar,31,2015(Himilo)-Waftigii kasocday Xukuumadda iyo Golayaasha qaranka, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Bermingham ee Dalka Ingiriiska, waxana munaasibad qado-sharaf ah u sameeyey jaaliyadda Somaliland ee Magaaladaas ku nool.

Waftigan oo ay xubno ka yihiin wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xassan, G.ku xigeenka golaha wakiilada Baashe Mohamed Farah iyo, Wasiir ku xigeenka wasaarada kaluumaysiga, Waxaa isna wafdiga la socday safiirka Somaliland ee UK, Ali Adan Awale.

Waftigan ayaa Dalka Ingiriiska u tegay ka qaybgalka Aqoonsigii ay dhawaan Somaliland ugu deeqeen Golaha Deegaanka Cardid, waxana ay kadib socdaallo gaagaaban ku tageen Deegaano kamid ah Boqortooyada Britain.

Xafladan ayaa waxaa ka hadlay oo hadalo soo dhawayn ah halkaa ka jeediyey qaar ka mid ah odayaasha Jaaliyada Birmingham.Mudane Adan Salah ayaa ku hadlay magaca Jaaliyad Somaliland ee Birmingham, waxaa iyaguna hadalo koobkooban halkaa ka yidhi Yusuf tarabi weyd, Mohamed Idriis iyo Abdi khaliq M sh Osman, Waxana ay dhamaantood halkaa hambalyo aan la sookoobi Karin u direen jaaliyada Somaliland ee Cardiff.

Abwaanka caanka ah Mawliid Qolqol ayaa isaguna goobta ka gaystey wacdaro aadna u ruxay dhegaha dadkii halka ku sugna isagoo halkaa ka tiriyey gabayo gubaabo ah.

Madaxda xukumada ayaa ka dib hadalkii la wareegay iyagoo uga waramay jaaliyada xaalada dalkii ku sugan yahay iyo wada hadaladii ka dhexeeyey dalka Somaliland iyo Somaliya. Waxay aad ugu adkeeyeen jaaliyada inay ku daydaan jaaliyadaha ka midha dhaliyey arimaha ictiraafka sida Cardiff iyo Shefield.

Waftigu Waxay aad ugu amaaneen jaaliyada Birmingham oo muujisay isku duubnaan samaystayna gudi jaaliyadeed oo midaysan iyo gudi nusdanbeeda oo ka kooban odayaasha West Midland. Qaadhaankii Waddada Ceerigaabo iyo inay reer Birmingham soo gabagabeeyaan hawshaas ayey ku dhiirigeliyeen, waxana Wasiir Xirsi oo Halkaas ka Hadlay Ka Markhaati furay doorkii Reer Bermingham ku lahaayeen Qaadhaanka Waddada Ceerigaabo iyo hawlaha kale ee Dibu dhiska waddanka.

 

Himilo Media

Shaqaalaha Qasriga Boqortooyada Reer Ingiriis Oo Ku Baaqay Shaqo-joojin ay Kaga Cabanayaan Mushahar Yaraan

casoLondon:Mar,31,2015(Himilo)-Warbaahinta Caalamka, ayaa si weyn wax uga qoraysa Arrin la xidhiidha cabasho ay muujinayaan qaarkamid ah Shaqaalaha Qasriga Boqortooyada ingiriiska oo la xidhiidha mushaharkooda oo aad u yar.

Shaqaalahan oo ka shaqeeya Qasriga loo yaqaan Windsor Castle ayaa sheegay in dhamaadka bisha soo socota ee April ay sameyn doonaan shaqo joojin ay ku muujinayaan sida ay uga gadoodeen mushahar yarida heysata.

Shaqaalahan ayaa intooda badan ka shaqeeya qeybta ugu hawsha badan qasriga boqortooyada UK oo ay dad badan booqdaan, waxayna sheegeen in hawlo badan oo dheeraad ah qabtaan isla markaana aan wax lacag ah lagu siin.

Mushaharka ay qaataan shaqaalahan ayaa ka bilowda 19.000Pound sanadkii iyo Waxoogaa dheeraad ah, taasi oo aad uga hooseysa mushaharka ay qaataan shaqaalaha lamidka ah.

Waa markii ugu horeysay oo ay shaqaalaha boqortooyada shaqo joojin noocan ah sameeyaan, waxaana Isniintii shalay si weyn arrintan uga hadlay warbaahinta dalkaasi.

Mawduucan, ayaa soo jiitay indhaha dadka wararka jecel, waxana maskaxdooda kusoo noqnoqonaya sida ay dadka Aqalkaas ka dhex shaqeeyaa uga qatan yihiin Khayraadka aqalkaas maamulo.

Himilo Media

Gabadh Dacwad Ooge Ka Ahayd 13-Xubnood Oo Shabaabnimo Lagu Xidhiidhiyey Oo Lagu Toogtay Magaalada Mampala

atoreKampala:Mar,31,2015(Himilo)-Kooxo Hubaysan oo aan Habtooda la aqoonsan, ayaa toogasho ku dilay Haweenay Dacwad ooge ka ahayd Dembi lagu haystay Xubno lagu tuhunsanaa inay Al-shabab xidhiidh la leeyihiin Magaalada Kampala ee Wadanka Uganda.

Haweenaydan, ayaa gacanta ku Haysay dacwadda xubno tiradoodu tahay 13 oo la aaminsan yahay inay Ururka Al-shabaab katirsanyihiin, kuwaas oo haatan gacanta ugu jira Dawladda Waddanka Uganda.

Afhayeen u hadlay booliska Uganda ayaa sheegay in Joan Kagezi ay toogteen dabley hubeysan oo saarnaa dhugdhugley xilli ay ku sii jeeday gurigeeda, Waxayna dhimatay intii loo sii waday isbitaalka ugu wayn dalkaasi.

Taliyayaasha booliska iyo milateriga ayaa gaadhay goobta uu dilku ka dhacay si ay dusha ugala socdaan baadhitaanka.

Mrs Kagezi waxa ay hogaaminaysay laanta la dagaalanka argagixisada ee xafiiska dacwad oogaha Uganda.

Waxa ay hormuud u ahayd ololaha maxkamdeynta rag ku eedaysnaa in ay ka qeyb qaateen qaraxyo ay kooxda Al-shabaab ka gaystay caasimadda Uganda ee Kampala 2010-kii, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen 70 qof.

Himilo Media

Xilliga Dib Loo Furayo Suuqii Shabaabku Weeraray ee Westgate Oo La Shaaciyey

gartNairobi:Mar,31,2015(Himilo)-Xilliga dib loo furayo Suuqii Sanadkii 2013-kii ay kooxda Shabaab Weerartay ee Westgate, ayaa la iclaamiyey muddo dheer kadib.

Guddoomiyaha Degmada Nairobi ayaa sheegay in besha July ee sanadkan dib loo furi doono xarunta Westgate oo xidhneyd tan iyo bishii September 2013, kadib markii ay xaruntaasi weerareen kooxo ka socda Al Shabaab oo halkaasi ku dilay dad ku dhaw 70 qof.

Burbur xoogleh ayaa soo gaadhay qeybo kamid ah xaruntaasi oo uu dab qabsaday, balse waxaa la sheegay in dib u dhis baaxadleh lagu sameeyey xaruntaasi isla markaana dadka loo ogolaan doono inay booqdaan wixii ka danbeeya bisha 7aad ee sanadkan.

Xarunta Westgate, ayaa caan ka noqotay gebi ahaanba Dunida aynu ku noolahay, waxana magaceedu gaadhay meel aanu waligeed gaadhin, inkastoo khasaare laxaad lihi ku yimi baaxadda Meheradihii ku yaallay oo badidooda aan muddadaas dib loo furin.

Himilo Media

 

Monday, March 30, 2015

Somaliland: Madaxweyne la waayey!-W/Q Cabdirasaaq Askar

Isbedelada dhaqan-dhaqaale iyo horumarineed ee dunida ka dhaca guud ahaan ama gaar ahaan dalalba, in wax laga tilmaamo lana taxliiliyo isbar-bardhigna la sameeyaa ummaddana loosoo bandhigo waa lagama maarmaan muhiimadeeda ayeyna leedahay. Warbaahinta kala duwana waa mid uu xil ka saaran yahay.
Haddaba, halkan waxaan idiinku soo gudbinayaa qisooyin xusid mudan oo dalkeena ka dhacay. bal xusuusta aynu dib ugu celino 23sanno ka hor arrintii ka dhacday Qasriga looga talinayey Jamhuuriyada Somaliland oo ah Madaxtooyada hadda dalka laga maamulo. Waa axdigii Xukuumaddii uu Madaxweynaha ka ahaa (AHN ) Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, ku-xigeena uu ka ahaa Muj; Xasan Ciise Jaamac. waxa dhacay maalin ka mid ahayd muddadaa aynu sare kusoo xusnay. Akhristayaal, ha iga degdegina, aan ka yara horeeysiiyo intaanan qisadan u galin waxoogaa guud mar ah oo ku aadan Xukuumadii wakhtigaa. May 1991 ayaa lagu doortay Shirweynihii Beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland iyada oo la doortay muddo laba sanno ah. Xukuumadaasi waxay hirgalisay in dadku ku midoobo dawlad Somaliland ah, ha noqdaan dadkii halganka iyo kuwii kasoo horjeedayba. Waxay isku keentay beelihii Somaliland oo dhan si qaran cusub loo yagleelo, waxay ka hortagtay wakhtiyadda inay dhacdo wax aargoosi la yidhaa taasoo aynu maanta midheheedii hayno. inkasta oo habsami u socodkii maamulkii wakhtigaa ay saamayn ku yeelatay kala qaybsanaantii ururkii SNM. haddaba, aan hore usii socda, oo aynu usii dhawaano qisadii wakhtigaa dhacday. Maalin maalmahaa ka mid ahayd ayaa waxa Qasriga Madaxtooada kasoo baxay Madaxweyne xigeenkii wakhtigaa oo markaa ahaa ku-sime Madaxweyne, Maadaama oo Madaxweynihii dalkuna uu Dibeda kusii maqnaa, ayaa waxa uu usoo jarmaaday dhinaca suuqa, markuu saacado sii maqnaa ayaa waxa yimid wefti balaadhan oo dibeda ka yimid, waxay ku ciirtay masuuliyiintii Madaxtooyada waxaana ku adkaatay inay helaan meel ay ugu hagaagaan wayna jahawareereen, illeen wakhtigaa madaxweynaha iyo ku-xigeenkuba iyaga oo kali kali ah ayay suuqa isaga soo bixi jireen oo may jirin baabuur iyo illaalo badan oo daba yaacdaaye; intaa kadib, waxa suuqa usoo baxay kooxo hawlwadeenadii Madaxtooyada ah oo baadi-doon ah waxa laga raadinaayey meelihii uu fadhiisan jirey, way isqaybiyeen oo kooxiba dhinac ayey magaaladii ama suuqii ka gashay iyaga oo baadigoobaya Madaxweynihii, saacado badan ayaa la raadinaayey oo meel walba laga eegay, markii dambe goobihii ay tageen dadkii joogay ayey weydiinayeen “waar Madaxweyne xigeenkii ma aragteen” iyo waakii mar dhaweyd halkan lugaynaayey, waar idinku ma aragteen? iyo maya….! Goor aan goor ahayn ayaa lagasoo helay meel agagaarka hotelka Hadhwanaag ah isaga oo la fadhiya odayaal ay isku SNM ahaayeen iyaga oo ku guda jiray sheeko ku saabsan Dagaaladii halganka. “Waar Madaxweyne xigeen wefti baa kuu yimid oo intaas oo saacadood ku sugaayey anaguna meel walba waanu kaa eegnay” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ragii baadi-goobka madaxweynaha ku hawlanaa. halkii bay iska raaceen illaa madaxtooyadii si uu ula kulmo Waftigii yimid dalka.
Haddaba, waxa lagayaabaa akhristayaal inaad isweydiisaan miyaan la ogeyn weftida dalka imanaayey. Balse jawaabtu waxa weeyi; isgaadhsiin la iskula soo xidhiidhaaba ma jirin. Cidda telefoon u baahata waxay u safri jirtay Jigjiga iyo Djibouti. Intii aan macluumadka maqaalkaygan aan ku guda jiray ayaa waxaan la kulmay nin ii sheegay inuu Djibouti u tagay telefoon. Oo markuu gaadhay halkaa nin ka mid ah dadkii uu ku dagay weydiiyey “ Maxaad u timid halkan (Djibouti)” waxaan ugu jawaabay ayuu yidhi “ Telefoon aan dibeda kula hadlo ayaan u imid” dankale maan lahayne!
Gabagabdii, walaw ay jireen Shirkaddo telefoon oo dalka ka shaqayn jirey oo markii dambe xidhmay. Waxa runtii xusid mudan Maamulka iyo hawlwadeenada SHIRKADA TELESOM ee Inaga haqab tiray Baahiyaha isgaadhsiinta casriga ah iyo waliba tiro aad u badan “features” oo lagama maar maan u ah isgaadhsiinta casriga ah. In la bogaadiyo ayay dhab ahaan mudan yihiin, waxaana marka hore Mahada aynu u celinaynaa ALLE (SW) marka xigtana Khuburada hogaanka u haysa shirkada TELESOM oo koobsaday aqoonta qaybeheeda kala duwan mid maamul iyo mid farsamo intaba. Mar labaad waxaan leeyahay waad mahadsantihiin Ummadda iyo dalkana waxaad u qabateen iyo sidaad adeegyadiina kala duwan uga haqabtirteen abaalkeeda waa la idiin hayaa. Dawlad kasta oo dalka ka talisa mida joogta iyo kuwa iman doonana waxaan leeyahay hala dhiiri galiyo, wixii caqabado ku yimaadana halaga qaado. Waxa kale oo iyana xusid mudan SHIRKADA SOMTEL oo sanadihii u dambeeyey dalka ka hirgashay adeegyo badan oo muhiimana dalka kusoo kordhisay.

Cabdirasaaq Askar(Halsan Media Group)
Hargeysa , Somaliland
Himilomedia.com

Madaxwayne Siilaanyo Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Wakiilada Somaliland Oo Geeriyooday

TACSI MADAXWEYNE…..IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargaysa (Himilomedia)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo maanta 30/03/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay masuul qaran oo muddo dheer ka soo shaqaynaayey danta ummadda iyo ta qarankaba kana mid ahaa odayaashii ka qaybqaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka door muhiimana ku lahaa xeer dejinta dalka, isaga oo marxuumku ka mid ahaa xildhibaanadii u horeeyey ee dalku yeesho oo uu ilaa wakhtigana ka mid ahaa golaha baarlamaanka somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo

Himilomedia

Hargeysa

Xildhibaan Miigane Oo Geeriyooday iyo Gudoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Shaqsiyadii Uu lahaa.

Hargeysa (Himilomedia)-March-30-2015-Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane, oo ka tirsnaaa Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku geeriyooday Magaalada Boorama. Xildhibaanka ayaa sidoo kale ahaa Bare aqoonta Jaamacaddaha kaalin mugleh ka soo qaatay.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland, ahna hogaamiyaha Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa tilmaamay shaqsiyadda Marxuumka Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun:
Allaah ha u naxariisto Marxuum Xildhibaan Prof. Xil Mohamed Barkhad Miigane, oo hadda ku geeryooday Magaalad Boorama.
Marxuumku wuxuu ahaa Xildhibaan Qaali ah oo waxbadan kasoo qaybqaatay dhismaha Wadankan & Haykalka dawladnimo, sidoo kale wuxuu ahaa Professor & Bare-sare oo kasoo qayb-qaatay Waxbarashada Jaamacada Somaliland.”  Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Gudoomiyaha Wakiilada ayaa Ehelka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida Marxuumka“Ehelkiisii, Qaraabadiisii, Asxaabtiisii, Ardaydiisii iyo Golaha Wakiilada & dhamaan Shacabka Somalilandba Ilaahay Samir & Iimaan haka siiyo, Marxuumkana Illaahay ha siiyo Dembi-dhaaf & Janatul-firdowsa. Aamiin.Aamiin

Himilomedia

Hargeysa

Laba Kamid ahaa Ciidanka Booliska Sucuudiga Oo Dablay Hubaysani Ku Dhaawaceen Gudaha Magaalada Riyad

saoRiyadh:Mar,30,2015(Himilo)-Laba kamid ahaa Ciidamada Booliska Dalka Sucuudiga, ayaa dhaawacyo la gaadhsiiyey, kadib markii kooxo Hubaysani Rasaar ku fureen Gudaha Magaalada Riyad.

Sida uu sheegey afhayeen u hadley Boolisku, labadan Askari, ayaa dhaawacyo culus la gaadhsiiyey, waxana loola cararay dhinaca Cisbitaalka oo lagu dabiibayo.

Weerarkan ayaa imanaya kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga Mohammed bin Nayef uu ku dhawaaqey in la qaato tallaabooyin dheeraad ah oo amniga lagu sugaayo ciidamada Booliskuna kor u qaadaan joogitaankooda dariiqyada.

Tuhunka Falkan ayaa ku aroora inay ka dambeeyaan Shiicada waddanka Sucuudiga ku Nooli, iyadoo maanta lagu hayo inuu jiro hujuum xooggan oo Sucuudigu hoggaaminayo oo lagu qaaday Shiicada Xuutiyiinta waddanka Yemen.

Waxaa la aaminsan yahay in falkani yahay mid la xidhiidha duqeynta diyaaradaha dagaalka ee Sucuudigu ka wadaan Yemen. Shiicada dalka Sucuudiga ee ku badan bariga dalkaas ayaa marar badan fuliya weeraro caynkan oo kale ah.

Dhanka kale Sucuudiga ayaa qayb ka ah hawlgalka looga soo horjeedo kooxda Daacish kuwaas oo la aaminsan yahay in ay taageerayaal ku leeyihiin gudaha Sucuudiga.

 

 

Himilo Media

Duqayntii Sucuudigu ku Hayey Dalka Yemen Oo Loo Hakiyey Daad-guraynta Pakistaniyiin Dalkaas Ku Sugan

ruucSanca:Mar,30,2015(Himilo)-Sucuudigu waxay shaaciyeen inay muddo kooban hakiyeen Duqayntii Diyaaradahoodu ku hayeen Hawada Waddanka Yemen oo lagu Badhtilmaameedsanayey Xuutiyiinta Dagaalka ku haya Dawladdii waddankaas.

Sarkaal u hadlay Dowladda Sacuudiga ayaa wuxuu sheegay in muddo laba saacadood ah ay joojinayaan Duqeymaha ay ku garaacayaan Magaalooyinka ay ku sugan yihiin Xuutiyiin.

Sababta Sacuudiga uu u hakiyay labada saacadood Duqeymaha ayaa waxa ay tahay in Dowladda Pakistaan ay muwaadiniinta kala baxeyso dalka Yemen, sidaasi awgeedna si dhibaato aanay u soo gaadhin muwaadiniinta Pakistaan u dhashay Duqeynta ay joojinayaan.

Sidoo kale Dowladaha qaar ayaa muwaadiniintooda kala baxaya gudaha dalka Yemen, si Duqeymaha Sacuudiga uu hormuudka ka yahay aanay khasaare uga soo gaadhin.

Sarkaalkan u hadlay Dowladda Sacuudiga ayaa sheegay in natiijooyin wax ku ool ah ay ka gaadheen Duqeymaha ay ku garaacayaan falaagada Xuutiyiinta dalka Yemen.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa jab kala kulmaya Duqeymaha dhanka cirka ah ee Sacuudiga uu ka wado dalkaasi Yemen.

 

 

Himilo Media

Kenya Oo Gacanta ku Dhigtay Hablo Arday ahaa Oo Doonayey Inay Al-shabaab Ku Biiraan

wemMandhera:Mar,30,2015(Himilo)-Saraakiisha Ammaanka waddanka Kenya ayaa shaaciyey inay gacanta ku dhigeen Saddex Hablood oo Arday ahaa, kuwaas lagu eedeeyey inay qaraxyo ka Abaabulayeen Xeebta Mombasa.

Gudoomiyaha magaalada Mombasa Nelson Marwa, ayaa sheegay in saddexda Hablood lagu qabtay magaalada Ceelwaaq ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxayna dumarka ay doonayeen iney ku biiraan Alshabaab.

“Dadkaasi waxay saarnaayeen gaadhi ka tagay Mombasa waxayna doonayeen iney usafraan Soomaaliya iyaga oo Mandheera maraya si ay ugu biiraan ururka Alshabaab, qaarkoodna waxaa loo tababaray qaraxyo iney fuliyaan”ayuu yidhi gudoomiyaha Mombasa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in saddexda ruux ee laga shakiyay ay ahaayeen laba Kenyan ah iyo haweenay Tanzanian ah, oo dhamaantood ahaa arday jaamacadeed oo ka hooseeya da’da 21 sano jir.

Qabdhahaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Ummul Kheyr Saadir Cabdi oo Tanzanian ah oo la aaminsan yahay iney hogaamiye aheyd, Maryan Siciid Cabuud iyo Khadiija Abuubakar Cabdiqaadir ayaa la filayaa in maanta maxkamad ay kasoo muuqdaan.

Sida ay sheegeen saraakiil dhanka amaanka ah ayaa sheegay in saddex ruux ay doonayeen iney ku biiraan dhanka Alshabaab, oo weeraro badan ka geystay dalka Kenya.

Saraakiil kale ayaa sheegay in gabdhahaasi ay doonayeen iney ku biiraan kooxda Daacish ee ka dagaalama Syria iyo Iraq.

 

 

Himilo Media

Sunday, March 29, 2015

War Deg Deg Ah: Berkad Ku Taala Hawdka Magaalada Burco Oo Goor Dhaweyd Liqday Nin Biyo Ka Dhaaminayey

Burco (Himilo)-Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Macalin Axmed Aadan ayaa ku geeriyooday Berkad-biyood oo uu ku dhacay.oo ku taala deegaanka sanyare, ee dhinaca Hawdka kaga beegan magaalo Burco.
Marxuum Xasan ayaa ka mid ahaa dadka xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan deegaanka sanyare, waxaana la sheegay in marxuumku uu biyo ka dhaaminayey berkada, sidaasi awgeed ayaa meydka marxuumka goor dhaweyd laga soo saaray berkada isla markaana dadka deegaankaasi ayaa haatan ku guda jira sidii ay marxuumka ugu aasi lahaayeen xabaalo ku yaala deegaankaasi.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

Wasiirada Maaliyada Oo Kulan la Yeelatay Wafti Ka socda Baanka Horumarinta Afrika

https://youtu.be/JPbDJ-IBFM4

Digniin Culus Oo Xoogagga Al-shabaab u Direen Mulkiilayaasha Hutellada Muqdishho

saxorMuqdisho:Mar,29,2015(Himilo)-Xarakada Al-shabaab, ayaa digniin u dirtay Mulkiilayaasha Hutellaa Muqdisho, waxana ay ku Hanjabeen inay Weerarro dheeri ah ku qaadi doonaan Haddii aanay ka Waantoobin shirarka ay u qabanaan Masuuliyiinta Dawladda arrimaheeda ka shaqeeya.

Masuulka Xarakada u qaabilsan arrimaha Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) ayaa, ayaa ugu horrayn ka Hadlay Weerarkii ay dhawaan ku qaadeen Hutel Maka Al-mukarama, waxana uu xusay in ujeedaddii laga lahaa laga gaadhay Weerarkaas.

Gudoomiyaha Jabal, waxa uu Huteelada Faray inay ka feejignaadaan Masuuliyiinta Dawladda Federalku inay Hutelladooda soo galaan, waxana uu tilmaamay hutelkii arrimahaas lagu arko in tallaabo adag laga qaadi doono.

Digniintan haatan soo baxday, ayaa daba socotay markii ay Dagaalyahano hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab maalin kahor weerar ku galeen Hotelka Maka Al-Mukarama waxana weerarkaasi ku dileen ku dhawaad 20-qof oo isugu jira Masuuliyiin, ciidamo iyo waliba dad shacab ah.

 

Himilo Media

Maalmo Nadaafadeed Oo Xukuumaddu Iclaamisay iyo Awaamiir La Faray Maayarrada Waddanka

senoHargeysa:Mar,29,2015(Himilo)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Maanta Iclaamisay Maalin gaar ah oo Dalka oo dhan laga hirgelin doono Arrimo Nadaafadeed, waxana Hoggaanka Dawladaha Hoose ee Dalka la faray inay Arrinta Nadaafadda ku baraarugaan.

Masuuliyiin uu Hoggaaminayo Wasiirak Arrimaha Gudaha Somaliland, Xubno-na ay ka yihiin Wasiirka Deegaanka, Ku-xigeenka   iyo Xubno kale oo Badhasaabo iyo Goleyaal Deegaan iskugu jira oo maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in 7-da bisha soo socota dalka laga hir galin doono olole nadaafadeed oo qashinka lagaga ururin doono.

Wasiir Warancadde,ayaa badhasaabada iyo Maamulada Magaalooyinka faray inay maalintaasi si hagar la’aan ah u nadiifiyaan Magaalooyinka islamarkaana Bulshadu ka qayb qaadato.

“waxa loo baahan yahay in Ay nadaafada ka shaqayno dhamaan miyi iyo magaalaba,waxaanu Garanay oo ay dawladuna Garatay in Bisha Todobadeed inaanu Olole Nadaafada Ah ka bilawno Gobol walba,Halkan waxaan Amar uga Jeedinayaa Dhamaan Gobolada Somaliland Badhasaabada iyo maamulkooda in Ay Maalintaas loo Asteeyay u Diyaar Garoobaan in Gobol Walba iyo Degmo waliba isku tashato oo ay samayso olole nadaafadeed”ayuu yidhi Warancadde.

Wasiir Warancadde, waxa uu ku guubaabiyay bulshada inay maalintaasi u soo baxaan nadiifinta magaalooyinka ay ku nool yihiin isagoo ku dooday inay arrintani Citiraaf horseedayso “Hawl Galkaas nadaafadeed waxa uu noqon Doonaa mid aan la iskaga hadhin ee la isku abaal mariyo,waxaana uu noqon doonaa mid la iskaga abaal gudo oo tartan ka dhexeeyo bulshada, Sidaas awgeed Bisha Todobadeeda waxa inoo balan ah iyada oo dawladuna ka qayb gali Doonta in dadka ku nooli isku soo bax sameeyaan,hadii aynu iska nadiifino qashinka waxa la odhan doonaa kuwani waa kuwaas isku tashadee Hala aqoon sado”, ayuu wasiirku yidhi.

Marwo Shukri Xaaji Baandare,Wasiirka degaanka ayaa rajo fiican ka muujisay in 7-da bisha dalku noqon doono mid ka nadiif ah qashinka “Anagu ka wasaarada ahaan maalinta ay tahay toddobada bisha waxaanu rajo wayn ka qabnaa in Dalku koone ilaa koone Safaysan yahay maaha qawda maqashii waxna ha u qabane,iska soo bax oo meesha war-wareegna maaha,waxaana weeyaan in Maalintaas qaran qofkasta dhankiisa wax ka qabto,Sida uu qof kasta guriisa u nadiifiyo ayaa loo baahan yahay in Maalintaas loo nadiifiyo,waxaana loo baahan yahay in Ay wasaarad Waliba waxeeda la kaaladay Maalintaas laakiin looma baahna in Faro Madhnaan Ay madasha ku yimadaan”, ayay Marwo Shukri tidhi

Wasiir xigeenka Warfaafinta, Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, ayaa iyana madasha ka hadashay “Saxaafadda waxaan leeyahay hadii wasiir kasta inta uu yimaado isaga oo hogaaminaya wasaaradiisa inta uu yara taabtaabto qashinka iskaga dhaqaaqo waad sheegaysaan,maalintaas wasiir iyo shacab danta qaranka iyo nadiifinta dalka waa loowada siman yahay,Anagu hadaanu nahay warfaafintii waanu soo guran Kamaradihii ee wasaaradaha kale waxaan leeyahay hasoo ilaabina faralaydii iyo Majarafadii”.

Xukumadda Siilaanyo, ayaa bilawgii muddo xileedkeeda la kawsatay maalmo u gaar ah Qashin Ururinta balse muddo kooban shaqeeyay, iyadoo haddana ay muuqato in wakhti xilkii ka dhamaaday ay dib ugu hambabartay Ururinta Qashinka oo Goleyaasha degaanku u xilsaaran yahay.

 

Himilo Media

Nuxurka Khudbad U Ekayd Jawaab Madaxweyne Siilaanyo Ku Socota Oo Uu Maanta Guddoomiye Cirro Ka Jeediyey Furintaanka Shirweynaha Haweenka Heer Qaran Ee Xisbigiisa

khokHargaysa:Mar,29,2015(Himio)-Furintaanka Shirweynaha Heer qaran ee Haweenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa waxa Khudbad dheer ka jeediyey Guddoomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), waxana uu kaga Hadlay Arrimo Door ah oo Haatan dalka ka jira.

Khudbadda Guddoomiyaha oo u ekayd mid jawaab u ah Middii shalay uu madaxweyne Siilaanyo Jeediyey, ayaa uu kaga Hadlay Arrimaha Doorashooyinka, Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Amniga, Maciishadda iyo Arrimo kale oo Muhiim ah, waxana uu Hoosta ka Xarriiqay in Arrinta Dib u dhaca Doorashooyinka Loo Baahan yahay in Loo Saaro Guddi Kasoo Talobixisa Cidda Eedeedda leh.

Khudbadda Guddoomiyaha Oo Nuqul kamid ahi Soo Gaadhay Xafiiska Himilo, ayaa u dhignayd sidatan:

“Bismilaaahi Raxamani raxiim

Furitaanka Shirka

 

Khudbada Gudoomiyaha

Waxan ku dhawaaqayaa Furitaanka Shirka koowaad ee Garabka haweenka heer Qaran ee Xisbiga WADANI inuu maanta oo Axad ah 29March 2015 Ka furmay Huteel maansoor ee Caasimada Jamuuriyada Somaliland.

Mahad-naq

Waxaan mahad naq u soo Jeedinayaa Gudida Qaban qaabada ee shirka koowaad eeHeer qaran ee xisbiga Shacbiga oo wakhti badan tacab badan iyo Dadaal badan Ugalay qabsoomidda Shirkan balaadhan ee muhiimka ah si farashaxan iyo hal-abuurka leh, waxaanu leenayahay Haween iyo Ragba.

Waxaa kaloo u mahad celinayaa Guddoomiyayaasha Xisbiga ee Gobolada iyo Guddoomiyayaasha Garabka Haweenka ee Xisbiga ee dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka JSL oo suurta geliyay in Ergooyinku ku yimaadeen wakgtigii loo qorsheeyay.

Soo Dhawayn.

Aniga oo ku hadlaya Magaca Xisbiga WADDANI, waxaan si tiiran oo qalbi furnaan ah u soo dhawaynayaa dhamaan Ergooyinka Garabka Haweenka Xisbiga Waddani ee ka kala yimi dhamaaan Degmooyinka JSL . Waxaan leeyahay ku soo dhawaada maalinta weyn, ku soo dhawaada furitaanka shirka 1aad ee Heer Qaran ee Garbaka Haweenka kuwaas oo ka kala yimi inta u dhaxaysa Laasqoray ilaa Lawyo caddo, Burco ilaa Baki, Buuhoodle ilaa Boorama, Dhahar ilaa Dhubato, Laascaanood ilaa Laas ciidle.

Mabaadiidda Guud.

Mabaadiidda Guud ee Xisbiga WADDANI u taagan yahay waxaa ka mid ah Waddani waxaa uu u taagan yahay sugitaanka xuquuqda qaybaha bulshada dulman, isaga oo tixgalin dheeraad ah siinaya haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada.

Xisbiga Waddani waxa ka reeban waxii wax u dhimaaya midnimada dalka, dhamaansha dhul ahaaneed ee jamhuuriyada Somaliland iyo nabad galyada guud.

Xisbiga Waddani waxaa uu u taagan yahay ku-dhaqanka qaynuunka, cadaalada, sinaanshaha, xoriyada iyo wadaniyada.

Xisbiga Waddani waxaa uu u taagan yahay dheeli tirnaanta horumarka gobalada iyo u-sinaanta muwaadiniinta ee khayraadka dalka.

Xisbiga Waddani, waxaa uu taabo galinayaa in uu taageerayaashiisa baro tartanka doorashooyinka xorta ah iyo ku dhaqanka habka dimuqraadiyada.

Haweenka Xisbiga Waddani, waxaa uu aaminsan yahay in haweenku yihiin laf dhabarta umaddeena

In horumarka qaranka Somaliland noqon doonin mid hana qaada oo aan dhamaystirmin illaa inta ay haweenku ku yeelanayaan door muhiim ah.

Dumarka Somaliland waa wax-san dhala, Waxaana aan tusaale u soo qaadan karaa nimankii tiirarka dawladnimo u taagay Somaliland ee uu ka mid yahay Marxuum Cigaal AHUN iyo geesiyaashii Somaliland, waxaa dhalay hooyooyin Somaliland ah.

In qarankeenu u baahan yahay in haweenku qayb libaax leh ka qaataan arrimaha dhaqaalaha, siyaasada iyo arrimaha bulshada.

Abuuri taanka garab haween oo siyaasada xisbiga iyo horumarinta haweenka fuliya, taas maanta ayey inoo suurta gashay, waana xisbigii ugu horeeyey ee shir heer qaran ah haweenka Somaliland u qabta, garabka haweenkuna waxaa uu kaalin wayn ku yeelan doona talada iyo go’aamada xisbiga .

Xisbigu waxaa uu curinayaa xeer ilaaliya sharaftai yo xuquuqda haweenka in iyo in la meel mariyo dhamaanba qorshe-yaasha caalamiga ah ee taageerida dumarka iyo doorka maamul iyo horumarineed.

Xisbigu waxaa uu hirgalinayaa ugu yaraan 20% in haweenku ku yeeshaan hay’addaha dawlada.

Xisbiga Waddani, waxaa uu abuurayaa saamiga dumarka(Kooto). Waddani waxaa uu soo bandhigayaa 20% kooto ah aqalka golaha Wakiilada Somaliland (Waa 16 Kursi oo loo xidho), iyo goleyaasha deegaanka

Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada.

Qodobka ugu muhiimsanaa ee shacbigu ka sugaayey khudbad-sanadeedkii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ka hor akhriyey 28.March.2015, waxuu ahaa doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada.

Muxuu ka yidhi madaxweynahu arrinta doorashooyinka?.

Markaan nuxurka koobo, waxaa uu yidhi:

Waxaa ka soo baxay komishanka doorashooyinka qaranka hindise ay ka muuqato in doorashooyinku ay wakhtigoodii dhaafayaan.

Hawlaha naga’ga aadanaa doorashooyinka waan fuliyey.

Waxaa muuqata in dib-u-dhac jiro waxaan leeyahay. “Nin reer u wayni sida uu wax u ogyahay uma wada sheego, cida eeda yeelataa way soo bixi doonta.”.

Dhamaan dhinacyada ay arrintani khusayso oo dhami (Mucaarad iyo Muxaafad), waxaan u soo jeedinayaa in aynu wada-tashi iyo walaaltinimo aynu ku dhamaysanayno arrimaheena innaga oo sharcig ixtiraamayna.

Intaasi jawaab umay ahayn shacbigii madaxweynaha sida wayn khudbadiisa ugu dheg taagayey.

Arrinta doorashooyinku, waa arrin distooiri ah oo sharci ah, Madaxweynaha ayaa ka mas’uul ah illaalinta shaciga ah iyo dastuurka, waxaad moodaa in madaxweynahu cid kale farta ku fiiqayo, arrinta qabashada iyo dib-u-dhaca doorashada, doorashadu isku isku riix-riix ma geli karto, sidaas darteed waxaan soo jeedinayaa in madaxweynahu u magacaabo gudi xaqiiqo raadin ah oo madax banaan, arrintaana baadha natiijadeeda, shacbigana u soo bandhiga.

Waxaan ka warqabnaa in xukuumadu ay cidiyaha ku dagaalantay sidii ay doorashooyinku ay dib ugu dhici lahaayeen.

Arrinta talada qaran waan soo dhawaynayaa laakiin madaxweynahu talo soo jeedin qudha ayaa uu sheegay, waxaa se looga baahan yahay in isagu isagu yeedho axsaabta qaranka iyo daneeyayaasha doorashooyinka sidii dhaqanka ahaan jirtay.

Gudida doorashooyinka qaranka waxaa looga baahan yahay in ay ku dhawaaqaan wakhtiga doorashooyinka si aan daahis lahayn.(Ha waydo geed ay ku xoqatee). Waxaan soo jeedinayaa in doorashooyinku qabsoomaan Dec.2015.

 

Arrimaha dibadda.

Guud ahaan shacbigu waxaa uu qawad-san-yahay siyaasada arrimaha dibadda xukuumada Somaliland. Mudadii ay xukuumada Kulmiye ay xukunka haysay, waxaa ay Somaliland lumisay saaxiibo fara badan, waxaana ka mid ahaa All Party, mudanayaal ka tirsan baalamaanka UK oo u ololeyn jiray Somaliland.

Wada-hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaa uu madaxweynahu ka sheegay.

“Nasiib darro wada-hadaladaasi ma’ hano qaadin mana noqon wax midho dhala, waxaana u sabab ah ka dib markii madaxda Soomaaliya ka baxeen dhamaan heshiisyadaa kor ku xusan.”.

Madaxweynahu shacbigiisa iyo golayaasha uma sheegin halka looga dhaqaaqayo haddii wada-hadaladii ay ma’dhalays noqdeen.

 

Sixir Bararka Iyo Maciishada.

Iyada oo aynu ka war qabno halka maciishada iyo sixir bararku maraayo, waxaa uu shacbigu ka filaayey in madaxweynahu ka hadlo arrimaha nolashooda sida tooska ah u taabanaya ee sida aynu ognahayba ay ka mid tahay sixir bararka iyo maciishada daruuriga ah oo aad kor ugu kacaaya isla markaana aadka u wax-yeelaysay nolosha qoysaska danyarta ah hase-yeeshee madaxweynahu ma soo qaadin.

Dagaalka Yamen.

Waxaanu taageeraynaa mawqifka shirkii jaamacada carabta Sharmal-Shiikh ee xulafada khaliijka ee ay taageereen dawladaha kale ee Gobalka iyo kuwa caalamkuba kaas oo lagu doonayo in aakhirka miiska wada-hadalada lagu gaadho xalka.Yamen , waxaa aynu nahay laba dal oo deris ah, waxaa naga dhaxeeya is-dhex gal dheer iyo baayac mushtar taariikh dheer salka ku haya oo maantana socda sida oo kalena aanu jecel nahay in uu sii socdo.”

 

Himilo Media

Somaliland: Hawl-galladii ugu ballaadhnaa oo Ciidamada Amaanku fuliyeen xalay, Tirada Dad la Qab-qabtay iyo Noocyada go’aamo la dhaqangeliyey

Hargeysa, 29 March, 2015 (Himilo)- Hawlgal balaadhan oo xalay ciidamada laanta Socdaalku ka fuliyeen guud ahaan hudheelada la seexdo ee dalka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro aan la shaacin oo ka mid ahaa dad loo tegay goobahaa.
Xogo wargeyska HIMILO ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in hawlgalkaa oo biaabmay saacadu markii ay ahayd todobadii habeenimo xalay uu socday muddo shan saacadood ah, isla markaana wakhti keliya laga wada bilaabay guud ahaan Hoteellada la seexda ee ku yaala magaalooyinka waaweyn ee dalka.
Hawlgalka ciidamada laanta Socdaalka Somaliland fuliyeen oo la sheegay inuu gadhwadeen ka ahaa Taliyaha Laanta Socdaalka G/sare Maxamed Cali Yuusuf (Ina-cambaro) iyo masuuliyiinta kale ciidamada ayaa la sheegay inuu la xidhiidhay ilaalinta amaanka guud ahaan Somaliland oo ciidankani u xilsaaran yahay la socodka iyo ka warheynta dhamaan dadka ka soo gala xuduudaha kala duwan ee dalka iyo kuwa gudaha jooga ee adeegsada goobaha la seexdo ee dalka.
Ciidamada laanta Socdaalka oo hawlgalkii xalay la sheegay inay ku soo qabqabteen tiro badan oo dad ah oo aan haysan shuruucdii looga baahnaa, sida fiise-dal-ku-gal kuwooda ka yimi dalka dibadiisa ama kaadhka diiwaangelinta madaniga ah, kuwa magaalooyinka kale ka soo socdaalay ayaa dhamaantood la sheegay in loo qaaday xarumaha ciidamada Laanta Socdaalku ku kala leeyahiin magaalooyinka dalka, si baadhitaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Xubno ka mid ah masuuliyiinta hudheelada la seexdo ee xalay hawlgalada baadhitaanada ay ku sameeyeen ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa u sheegay wargeyska HIMILO inay dhaqangeliyeen go’aamo Laanta Socdaalka Somaliland ku amartay inaanay ogolaan seexashada hudheelada cid aan wadan kaadhka aqoonsiga muwaadinnimada Somaliland, ama fiise sharci ah oo dalka uu ku soo galay, isla markaana si joogto ah ugu gudbiyaan warbixinada cid kastoo ay ka shakiyaan macluumaadka ay sitaan.
Warku waxa uu intaas ku daray in ciidamdaa ammaanku hawl-gallada ku soo qab-qabteen ilaa Shan Qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, kuwaas oo dhammaantood laga qab-qabtay gudaha magaalada Hargeysa. Haseyeeshee, wararka la xidhiidha hawl-galkan ciidamada ee xalay oo lagu tilmaamay kii ugu ballaadhnaa ee Laamaha Ammaanku sameeyaan, nooma suurta-galin inaanu helno xogo xaqiijinaya tirada dadka lagu qab-qabtay hawl-gallada Ciidamadu ka fuliyeen magaalooyinka kale ee gobollada dalka.
Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland oo hore wakhtiyo kala duwan hawlgalo aan hore loo sii ogeyn u sameeyey, ayaa kii xalay ku soo beegmaya maalin ka dib markii weerar dhimasho iyo dhaawac geystay maleeshiyaadka Al Shabaab ka geysteen hudheel ku yaalay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya mid wax weyn ka tara ilaalinta nabadgelyada guud ahaan dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

Madaxtooyada oo war ka soo saartay Kulan dhexmaray Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka iyo Jaaliyadda Reer Washington

Washington, 29 March, 2015 (Himilo)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa socdaal ku joogaan dalka Maraykanka, ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Washington ee Xarunta dalkaas.

[gallery ids="17693,17692"]

Kulanka oo Casho-sharaf Jaaliyaddu ku maamuustay, waxa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey wasiiru-dawlaha wasaaradda Waxbarashada Md Axmed Nuur Faahiye iyo Taliyaha Gaarka ah Md Saylici, sida lagu sheegay wa-saxaafadeed kooban oo madaxtooyadu ka soo saartay kulankaas, kaas oo u dhignaa sidan:- “Kulankan oo ahaa mid soo dhawayn iyo is xog waraysi ay ku kala qaateen madaxweyne ku xigeenka iyo jaaliyadu ayaa ahaa mid ku bilowday jawi farxadeed oo ay jaaliyadu xog muhiima oo la xidhiidha xaalada dalka uu halkaasi ku siiyey madaxweyne ku xigeenku bulshadii halkaasi isugu timid.
Waxaanu madaxweyne ku xigeenku ugu horaynba faahfaahin dheer ka bixiyey ujeeddada safarkiisa iyo xaalada dalku marayo wakhtigan iyo ta geeska Afrikaba, waxaanu madaxweyne ku xigeenku kula dardaarmay jaaliyada reer Washington inay xoogga saaraan sidii ay dalka wax ugu soo kordhin lahaayeen ugana shaqayn lahaayeen sida muwaadiniin badaniba ay dedaal ugu jiraan in dalku uu noqdo mid ka tirsan dawladaha caalamka ee la aqoonsan yahay xil gaar ahna ay iska saaraan, kana war hayaan hawlaha dalka ka socda ee dib u dhiska waddooyinka iyo dalkaba oo uu madaxweyne ku xigeenku sheegay in lagu kala dheereeyey reer Washington-na looga fadhiyo sidii ay dhinacooda uga tiirin lahaayeen dedaalkaa.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay wasiiru-dawlaha waxbarashada oo jaaliyadda u soo jeediyey in ay noqdaan kuwo meel ay joogaanba dalka u jooga oo ku dedaala inay kaalin muuqata ka qaataan.
Ugu danbayna waxa halkaasi ka hadlay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Amb. Rashiid Gaaruf oo mahadnaq ballaadhan halkaasi uga soo jeediyey jaaliyadda ku dhaqan Washington sida sharafta iyo milkaha leh ee ay uga soo wada qaybqaateen isuguna xilqaameen inay madaxweyne ku xigeenka soo dhaweeyaan una sameeyan kulankan casho sharafta ah ee qiimaha gaarka ah leh madaama ay noqotay jaaliyadii u horaysay ee madaxweyne ku xigeenka qaabisha una casho samaysa,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka madaxtooyada.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

Madaxweynaha oo ka hadlay wadahadallada fashilmay ee Soomaaliya, xidhiidh dhex-maray Madaxweynaha Puntland, Dekedda Berbera, doorashooyinka, Ciidamada iyo qodobbo kale

Hargeysa, 29 March, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Khudbad-sannadeedkiisa shanaad ka hor-jeediyey fadhi labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilladu wada-jir ugu yeesheen xaruntooda magaalada Hargeysa Sabtidii shalay, waxaanu khudbaddaas Madaxweynuhu kaga hadlay wada-hadallada fashilmay ee Soomaaliya lagula jiray, xidhiidh dhinaca Taleefanka ku dhex-maray Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, arrinta dib-u-dhaca doorashooyinka, diiwaangelinta, codbixiyeyaasha iyo ta madaniga ah.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo Khudbad-sannadeedkiisa uu shalay jeediyey kaga hadlay qorshaha wadahallo lagu wareejinayo Maamulka Dekedda Berbera oo u socda Somaliland iyo Shirkado caalami ah oo danaynaya Dekedda, Mashaariicda horumarinta ee Xukuumaddiisa u qabsoomay sannadkii tegay, dhinacyada nabadgelyada, khayraadka dalka, gaar ahaan horumarinta Xeebaha, Madaarrada Hrageysa iyo Berbera oo uu aad ugu faanay sida loo horumariyey, biyaha, caafimaadka, waxbarashada, dhismaha waddooyinka, dhismaha xarumaha dawladda iyo qodobbo kale.

“Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal:- Khudbadani waa tii Shanaad ee Dastuuriga ahayd, oo aan ka hor-jeediyo Labada Gole, muddadii ku dhawayd shanta sanno ee aan Dalka Madaxweynaha ka ahaa.

Muddadaa, Qarankan waxaa u qabsoomay horumar ballaadhan oo saamayn iyo isbeddel weyn ku soo kordhiyey nolosha bulshada. Waxyaabahaas oo ay ka midyihiin mashaariicda kala duwan ee Biyo gelinta dalka ka socota, gaar ahaan ballaadhinta biyaha Caasimadda, oo yoolka-yagu yahay in badhtamaha sannadka 2016-ka ay cabi doonaan 90% dadka ku nool. Dhinaca Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxaad ogtihiin in kor-u-kac xoog lehi uu ku yimi tayo ahaan iyo tiro ahaanba.

Dhinaca Kaabayaasha Dhaqaalaha, waxa aan xoogga saarnay dhismaha waddooyinka gudaha magaalooyinka iyo kuwa isku xidha Gobollada Dalka. Kuwaasoo gaadhaya illaa 300 Kilometer. Waxaana noo qorshaysan sannadkan dhismaha 100 Kilometer oo kale. Sidoo kale, waxaa dalka laga hirgeliyey laba garoon diyaaradeed oo caalamiya (Berbera iyo Hargeysa).

Waxaanu yagleelnay dhismayaasha 30 Xaruumood oo isugu jira Wasaarado iyo Hay’ado, kuwaasoo oo beddelay dhismayaashii gaboobay ee Ingiriisku innooga tagay.

Horumarkaas aynu xaqiijinnay wuxuu ku suura-galay nabadgelyada EEBEHEEN inagu galladay iyo isku duubnida Xukuumadda iyo Shacbiga Somaliland.

Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka:

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal;

Waxaa aynu joogna xilli ay innoo qorshaysnaayeen Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada. Hase-yeeshe, waxa ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka hindise ay ka muuqato in doorashooyinku wakhtiigoodii dhaafayaan. Waxa aan halkan ka caddaynayaa, horena idinku sheegay in Aniga, Xukuumadayda iyo Xisbigaygaba aanu si dhab ah ugu hawlgalnay in ay doorashooyinkaasi ay wakhtigii loogu talo-galay ay ku qabsoomaan. Walaallayaal, hawlaha nagaga aaddanaa Doorashooyinka waxaa laf dhabar u ahaa saddex qodob:

  1. Diyaarinta Sharciga Diiwaangalinta Madaniga ah iyo Cod-bixiyayaasha.

  2. Saamiga Dawladda ee dhaqaalaha Doorashada iyo Diiwaangelinta.

  3. Magacaabidda Komishanka Doorashooyinka Qaranka


Waxan idiin caddaynayaa in aanu dhammaan qodobadaas ku fulinay wakhtigii munaasibka ahaa ee sharcigu tilmaamay.

Haddana, waxaa muuqata in uu dib-u-dhac jiro. Waxaan leeyahay “Nin reer u weyni sida uu wax u ogyahay uma wada sheegee, cidda eeddaa yeelata way soo bixi doonta”.

Waxaan ku kalsoonahay inay Somaliland xaalad kasta oo timaadda kaga gudubto wada tashi, isu dul-qaadasho, is-qancin iyo wada jir. Sidaa darteed, dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso oo dhan (Mucaarid iyo Muxaafidba); waxan u soo jeedinayaa in aynu wada tashi iyo walaaltinnimo aynu ku dhammaysanno arrimaheena, innaga oo sharciga ixtiraamayna. Walaalayaal, waxaa waajib innagu ah, inaynu wax walba ka hor marino danta Qarankeenna.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal;

Sidaad ka war hayseen, labadii sanno ee ugu dambeeyey 2014/2015, waxaan safarro dhaadheer ku tegay Xeebaha iyo Xuduudaha dalka, si aan ugu kuurgalo xaaladaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin dadkayga iyo dalkaygu. May ahayn markii ugu horraysay, ee waxaan hore safar ugu soo maray inta badan Gobollada iyo Degmooyinka dalka. Haddii aan warbixin kooban idinka siiyo safarkii xeebaha ee Saylac – Laasqoray oo aan muddo wiig ah ku hawlanaa, run ahaantii xeebuhu waxay leeyihiin duruuf u gaar ah oo u baahan in tixgelin gaar ah la siiyo. Sidoo kale, waa meel ay nimcooyin badani ku   duuganyihiin oo u baahan in laga faa’idaysto. Tusaale ahaan, Xeebteenu waxay dhereran-tahay 850 Kilo-meter! oo bad ah, taasoo nooc-kasta oo khayraadka badda laga helayo, nasiib darro iyadoo kalluunkeenii bannaanka usoo baxayo oo dad kale sharci darro ku guranayo, ayaa haddana dadkeenii ay ka gaajoonayaan, maxaa yeelay, waxaynu ahayn xoolo-dhaqato aan aqoon farsamada badda wax loogala-soo baxo.

Dawlad ahaan annagoo dareenkaa qabna, kana duulayna Xogihii aan soo helay, waxaanu u qorshaynay nidaam horumarineed oo ay iska kaashanayaan Wasaaradaha Qorshaynta, Maaliyadda, Kalluumaysiga iyo Ciidammada Badda, taasoo loo qoondeeyey kharash dhan ilaa $1,800,000 oo Dollar kaasoo aan la kaashannay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund). Sidoo kale, waxaanu u samaynay doon-dhooliya (Ambulance), taasoo dadka kasoo qaadaysa xeebaha marka dhibaato lasoo deristo, maadaama ay adagyihiin waddooyinka dhulkaasi. Waxaanu xoojinay Ciidammada Badda, si ay u ilaaliyaan khayraadka dalka ugana qayb-qaataan ilaalinta Ammaanka guud ee dalka, iyadoo aan amar ku siinay inay caawiyaan bulshada dhibaataysan intii awoodooda ah.

Lacagtaa $1,800,000 oo Dollar ah, oo loo qorsheeyey in lagu hirgaliyo 5 Mashruuc oo kala ah Maydh, Xiis, Lasqoray, Conqor iyo Berbera, Kharashkan oo aanu uga qoondaynay lacagta Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund).

Sidoo kale, waxaanu uga qoondaynay lacag dhan $3,100,000 oo Dollar, Deeqda aanu ka hellay EU-da, taas oo lagu hirgelinayo 4 mashruuc oo ah kaabayaasha Kalluumaysiga ee Lughaya, Saylac, Tokhoshi iyo Bula-xaar, iyo kobcinta awoodda Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal:

Sannadkan 2015-ka waxaan Safar dheer kusoo maray Xuduudaha dalka si aan u xaal ogaado, ugana war helo, waxay ku sugan-yihiin dadka reer miyiga iyo xoolaha nooli, waxaynu wada ognahay in xoolaha nooli ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dadkeena iyo dalkeena. Inkastoo Wasaaradda Xannaanada Xooluhu samaysay dedaal badan, oo aan meelo badan kula kulanay Xoolihii oo la daweenayo iyo gaadiid wareegaya, haddana waxaa muuqata in dadkeenii Miyiga noloshoodii wax weyni iska beddeleen, oo dhul badan oo daaqsinkii xoolaha ahaa loo rogay deegaan. Taasoo cidhiidhi badan ku haysa daaqsinkii xoolaha nool iyo meeshii reer-guuraagu degayey.

Waxaa haddana taa ka daran, xaalufka iyo dhulka la ootay ee aan sharciga ahayn ee deegaankii iyo daaqsinkiiba lagu baahiyey taasoo haddii aan si laxaad leh laysaga kaashan dawlad iyo shicib, mucaarad iyo muxaafad, dhulkeenu uu ku dambayn doono Saxare lama degaan ah oo aan xoolo iyo sarac toona inooga suurtogeleyn. Annagu Dawlad ahaan waxaanu wadnaa dedaalo ay hormuud u tahay Wasaaradda Deegaanku, anigoo ku amray, iminkana ku adkaynaya in Wasaaradaha ay khusayso ee W/Xannaanada Xoolaha, W/Deegaanka iyo W/Beeruhu ay arrintan dedaal iyo dardar cusub geliyaan. Waxaan Labadan Gole ka codsanayaa in aad gacan naga siisaan nagala qayb-qaadataan dedaalkaa aan ka wadno dhawrista deegaanka iyo ilaalinta iyo kor u qaadidda xoolaha nool.

Dekedda Berbera:

Muddo waxaannu dedaal ugu jirnay sidii loo heli lahaa maalgashi ku habboon Dekadaha iyo meelaha muhiimka u ah dhaqaalaha dalka, taasoo ay ugu mudantahay Dekedda Berbera. Waxaan doonaynaa in Dekedda Berbera ay noqoto mid ballaadhan oo u adeegi karta bulshada Somaliland iyo dalalka jaarka ah, waxaanay u baahantahay dhaqaale iyo aqoon lagu horumariyo si ay ula tartami karto Dekedaha mandaqada. Haddii aan loo samayn adeeg casriya iyo farsamo la jaan-qaadi karta wakhtigan, waxay ku keenaysa dib-u-dhac. Annagoo ka duulayna arrimahaa aan soo sheegay, waxaanu xidhiidho la samaynay Shirkado badan oo kala duwan oo ay ka mid-yihiin:-

  1. Bolloré oo ah shirkad Fransiiska laga leeyahay.

  2. DP Worldoo lag leeyahay Imaaraadka Carabta (UAE).

  3. Prime Africaoo Sucuudiga laga leeyahay.

  4. Kuwait Logisticsoo laga leeyahay Kuwait.


Haddaba, si aan isaga hubino una helno talada ugu wanaagsan ee waafiqi karta danaheena iyo baahiyaheena, waxaan u raadsanay cid talo naga siisa oo khabiiro ku ah sida World Banka, oo runtii daraasad qiimo badan noo sameeyey, talooyin wax ku ool ahna naga siiyay. Haddana kumaanu kaaftoomin intaasi, ee waxaanu weli wadnaa khabiiro iyo shirkado ku xeel-dheer farsamadan oo inaga caawiya waxyaabaha aynu u baahanahay marka aynu gelayno heshiis noocan oo kale ah. Ma jirto haba yaratee cid aannu heshiis la galnay wakhtigan, mana jirto cid nooga lexejeclo badan dalkan, annaga oo ah, Masuuliyiintii Qaranka loo doortay, ee loo dhaariyey.

Haddii uu hirgalo maalgashigaasi, waxaan ku rejo-weynahay in uu kor u qaadayo meeqaamka Marsadeenna, waxaanay keenaysaa shaqo-abuur iyo xirfado cusub. Ma jiraan wax innoo kordha mooyee, wax innaga dhacaya. Dedaallada maalgashi iyo ganacsi ee aannu dalka ku horumarinayno, waa in aan la carqaladayn, ee la dhiirrigeliyaa si dhaqaaleheennu u kobco.

Arrimaha Dibedda:

Jamhuuriyadda Somaliland, tan iyo intii aynu dhidibadda u taagnay ee aynu qaran noqonay illaa maanta waxaynu dedaal ugu jirnaa sidii aynu aqoonsi uga heli lahayn beesha caalamka. Dedaalkaasi marxalado badan ayuu soo maray, waxaanan rumaysanahay in aynu maanta joogno meel uu caalamka intiisa badani garwaaqsaday gooni-isutaagga Somaliland iyo geedi socodka horumarka aynu gaadhnay. Waxa xoogaystay xidhiidhka aynu la leenahay Dawladaha Deriska, Waddamada Carabta, Europe iyo America. Waxaa ugu dambeeyey in ay Golaha Deegaanka ee Cardiff u gudbiyeen Raiisal Wasaraha iyo Baarlamaanka Ingiriiska mooshin ay kaga dalbanayaan in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ka horraysay Sheffield oo tallaabadaa ku-dayashada leh hore u qaaday. Waanan uga mahadnaqaya, abaalna waynu ugu haynaa.  Waa guul aynu Qaran ahaan wada gaadhnay. Waxaynu si gaar ah ugu mahadnaqayna jaaliyadaha reer Somaliland ee arrinta ka midha dhalisay.

Xukuumadda aan Hoggaanka ka ahay, intii ay xilka haysay waxa ay hawsha aqoonsi-raadinta ka gaysatay gacan xoog leh oo muuqata. Waxa ogtihiin in aanu ku guulaysannay in ay beesha caalamku ku qanacdo inaynu nahay innaga iyo Somalia laba kala duwan (Two Separate Entities), taasina ay keentay in adduun weynuhu innagu dhiiri-galiyey in aynu wada-hadal isugu nimaadno labadeena dal.

Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya:

Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay socdeen muddo saddex sannadood aan ka badnayn, amba-qaadkoodana wada-jir Xukuumad, Baarlamaan, Xisbiyada Qaranka iyo shacbigaba halkan ayeynu ku guddoonsannay. Arrimihii ugu muhiimsanaa ee kulamadaa lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa in lays ixtiraamo, in aan la carqaladayn mashaariicda horumarineed iyo Maalgashiga ka socda labada dal, iyo in la abuuro Guddi Madax-bannaan, fadhigeedu yahay Hargeysa oo si wada jira u maamusha, ugana hagta Mashruuca Hawada Somaliland iyo Soomaaliya ee ay wakhtigan Qaramada Midoobay gacanta ku hayso. Wixii dhaqaale kasoo baxana, loo qaybsado si siman oo xaq ah. Nasiib-darro, wadahadalladaasi ma hana-qaadin, mana noqon wax midha-dhala. Waxaana u sabab ah, ka dib markii ay Madaxda Somalia ka baxeen dhammaan heshiisyadaa kor ku xusan.

Waxan ugu baaqayaa Dawladda Soomaaliya in ay si gobannimo leh u garwaaqsadaan runta iyo xaqiiqada jirta ee ah in aynu nahay maanta laba dawladood oo jaar ah, midawgii Lixdankii ina dhex maray wuxuu baaba’ay 1991-kii, 18-kii May, markii Somaliland xornimadeeda lasoo noqotay. Somaliland mar walba waxay diyaar u tahay in wada hadal lagu dhammayo khilaafka u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Somalia. Haddaba, waxaan beesha caalamka usoo jeedinayaa inay nagu dhex joogaan fagaaraha aanu ku gar-naqsanayno.

Adkaynta Nabadgelyada:

Intii aan hayay talada Dalka, waxan kor u qaaday awoodda iyo haybadda Ciidammada sida Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliiska, Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha. Waxaanan ku kalsoonahay inay maanta inoo dhisanyihiin Ciidan sugi kara ammanka Qarankan isla markaana difaaci kara cadaw kasta gudaha iyo dibaddaba. Waxaa ayaan-darro ah in masuuliin Qarankan xil ka haya ay bar-tilmaameedsadaan qaar ka mid ah Ciidammadeenna, iyagoo qoraallo u diray dalal aynu saaxiib nahay oo ay kaga dalbanayaan in ay ka joojiyaan taageerada iyo tabobbarrada ay siiyaan Ciidanka.

Waxaan leeyahay Ciidammadu dhammaan waa Ciidammadeennii, waxaanay heegan u yihiin ilaalinta ammaankeenna. Waa kuwa aynu ku seexanno ee ku deggannahay, ma geyaan in la maago ama sumcaddooda la dilo oo caawimada lagala dagaallamo. Ciidammada RRU-da, waa Ciidammada Deg-degga u hawlgala, waa Ciidammo u diyaarsan inay la dagaallamaan argagixisada iyo waxyaalaha Qarankan halista gelin kara, cadaw maaha, waxna ma dilaan, waxna ma boobaan. Umaannu samayn in ay cabbudhiyaan xorriyaatka iyo xuquuqda Muwaaddiniinta.  Waxaa qalad ah oo qadaf ku ah dhaqanka Dawladnimada in aad Ciidankii dalku lahaa, dacaayadeyso oo dunida Waraaqo liddi ku ah u qaybiso. Waxan leeyahay ka waantooba oo dib isugu noqda.

Puntland:

In dhawayd waxa ka imanayey Maamuul Goboleedka Puntland dacaayado ka dhan ah qarannimada Somaliland. Haddaba, in kastoo dhawaan uu ila soo xidhiidhay Madaxweynaha Puntland oo uu raali-gelin iga siiyay, waan soo dhaweynayaa raaligelintaas, Somaliland waxaa ka go’an nabad kula noolaanshaha waddamada deriska ah iyo in laska kaashado adkaynta Ammaanka.

Geba-gebadii:

Mudanayaal, anigoo idinka mahad-celinaya wada shaqaynta wanaagsan ee u dhaxaysa Xukuumadda iyo Golayaasha. Waxan idinka codsanaya in sida ugu dhakhsaha badan u ansixisaan Xeerarka idin hor-yaalla oo Qarankan muhiim u ah, kaasoo ay ka mid yihiin:

  1. Xeerkii La-dagaalanka Argagixisada.

  2. Xeerkii Hay’adda Duulista Hawada.

  3. Xeerkii Kootada Haweenka/Dadka laga tiro badan-yahay.


Ugu dambayn, waxan shacbka Somaliland ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan Ciidammada Ammaanka ee ku hawlan adkaynta xasilloonida Qarankan, si feyjiganna u ilaashadaan nabadgelyadooda.” Sidaa ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi Khudbad-sannadeedkiisa shanaad ee uu shalay ka hor-jeediyey Baarlamaanka Somaliland.

Himilomedia

Hargeysa

 

 

Dawladda Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay Xaaladda Yemen, taageertayna go’aanka Jaamacadda Carabta ee la-dagaallanka Xuutiyiinta

Hargeysa, 29 March, 2015 (Himilo)- Dawladda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay qalalaasaha siyaasadeed iyo kacdoonnada dagaal ee ka socda waddanka Yemen oo ka mid ah dalalka ay Somaliland Xuduudka ka wadaagaan dhinaca Badda, waxaanay taageertay go’aanka dalalka Jaamacadda Carabta ku midoobay ka qaateen kooxaha dagaalka kula jira dawladda Yemen.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inay dawladda Somaliland si buuxda u garab-taagan tahay go’aanka ay dalalka Jaamacadda Carabtu ka qaateen xaaladda Yemen, isla markaana ay taageerayso dawladda Sharciga ah ee ka jirta Yemen, aadna uga soo horjeeddo Kooxaha ka soo horjeeda dawladda ee dalkaas dagaallada ka wada.

“Muddooyinkan dambe, xasillooni-darro ayaa ka jirtay qaar ka mid ah waddamada Carbeed, waxaana ugu dambeeyey dagaallada ka socda dalka Yemen ee aynu deriska nahay. Dagaalladaasi waxay saamayn xoog leh ku yeelanayaan guud ahaanba Badda Cas iyo Waddamada ku xeeran ee aynu ka midka nahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland mar uu Sabtidii shalay khudbad dheer ka horjeediyey fadhi wada-jir ah oo ay labada Golee Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilladu ku yeesheen xaruntooda magaalada Hargeysa.

Md. Axmed-Siilaanyo waxa uu ka hadlay doorka ay Somaliland ku leedahay xasilloonida Marinka Badda Cas oo uu sheegay inuu yahay jidka isu socodka dunida inteeda badan, waxaanu yidhi; “Dawladda Somaliland waxay dalalka deriska iyo beesha caalamka intaba kala shaqaysaa, adkaynta iyo xoojinta xasilloonida mandaqadda, gaar ahaan Marin-Biyoodka Badda Cas oo hal-bawle u ah isu socodka dhaqaalaha Adduunka.”

“Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab-taagantahay mawqifka Jaamacadda Carabta ee taageeridda dawladda sharciga ah ee dalka Yemen. Waxaanay ka soo horjeeddaa kooxaha qalalaasaha ka wada dalka Yemen.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waa markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Somalilnad sidan oo kale uga hadlo qalalaasaha iyo dagaallada ka taagan waddanka Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay dawladda Somaliland sidan oo kale shaaca uga qaaddo ama u caddayso inay taageero la garab-taagan tahay dawladda waddanka Yemen ee Kooxaha Shiicada dalkaasi dagaalka hubaysan kula jireen muddooyinkii u dambeeyey.

Waddanka Sucuudiga iyo Xulufadiisa Jaamacadda Carabta, ayaa habeennimadii Arbacadu soo galaysay weerarro dhinaca Cirka ah ku qaaday Waqooyiga waddanka Yemen, gaar ahaan magaalada Sanca iyo nawaaxigeeda oo ay Kooxda Xuutiyiinta ee dawladda Yemen dagaalka kula jirtaa gacanta ku haysay, kana saartay dawladda iyo Saldhigyada gaarka ah ee ay Kooxdaasi leedahay.

Dawladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa xidhay Hawada sare ee dalka Yemen, taasoo saamayn xooggan ku yeelatay duullimaadyada diyaaradaha u kala gooshi jiray waddamada Bariga Afrika intooda badan oo ay Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ku jiraan, iyadoo duullimaadyadii iman jiray iyo kuwii tegi jiray-ba xannibmeen, ka dibna loo duway Marin kale oo aad u dheer, kaasoo halka diyaaradda Dubai ka soo kacdaa saddexda saac ku iman jirtay Hargeysa ay lix saac ku imanayso, halka ay Muqdisho oo ay afar saac ku tegi jirtay toddoba saac ku tegi doonto.

Dawladda Iran oo iyadu taageerta Xuutiyiinta Yemen, ayaa Sucuudiga iyo Xulufadiisa ugu baaqday in la joojiyo weerarrada Sucuudigu hoggaaminayo ee uu ku qaaday Xuutiyiinta Yemen markii ay ku soo

qaadeen.

Himilomedia

Hargeysa

Aragtiyaha Kala-fog ee Mucaaradka iyo Muxaafidku ka bixiyeen Khudbaddii Madaxweynaha iyo Sababta Xildhibaannada loogu diiday Su’aalo ay weydiiyaan

Hargeysa, 29 March, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo shalay hortagay Cali-Mareexaanlabada Aqal baarlamaan ee Wakiillada iyo Guurtida oo uu khudbad-sannadeedkiisii shanaad u jeediyey, taas oo inteeda badan ay xambaarsanayd xaaladda dalka ee dhinacyada ammaanka, doorashooyinka, siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Wax-qabadka Xukuumaddiisu ku tallaabsatay muddada shanta sanno ku dhow ee ay xilka haysay.

Markii uu madaxweynuhu soo-afjaray khudbaddiisa, waxa xildhibaannadii Fadhiyey golaha laga horjoogsaday inay madaxweynaha weydiiyaan su’aalo ay dalbadeen, iyada oo Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Golihiisa loogu marti ahaa xildhibaannada ku war-geliyey inaanay wax su’aalo weydiin karin Md Axmed Maxamed Siilaanyo.

Haseyeeshee, Xildhibaannada Mucaaradka ee Golaha Wakiillada oo markii fadhigu dhammaaday warbaahinta kula hadlay barxadda hore ee golaha, ayaa dhaliilay khudbadda madaxweynaha iyo in loo diido wax su’aalo ah oo madaxweynaha ay weydiiyaan. Waxaanay ku tilmaameen inaanay ahayn khudbad u qalanta in laga horjeediyo Goleyaasha Sharci-dejinta.

Xildhibaannada mucaaradka iyo Muxaafadka ee Golaha wakiillada, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay khudbadda madaxweynaha.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee Xisbiga Waddani, isla markaana ah Af-hayeenka Xisbigaas, ayaa naqdiyey khudbadda madaxweynaha oo uu ku tilmaamay mid xambaarsanayd Faanka iyo Wax-qabadka Xukuumadda, waxaanu yidhi, “Khudbadiisa waxaanu u arkay farriin cad ah oo uu Golaha Guurtida u dirayey oo ahayd muddo-kordhin ii sameeya. Haseyeeshee, khudbaddaasi may ahayn mid ku salaysan xaaladda dhabta ah ee maanta dalku marayo, waxay ahayd khudbad inteeda badan ay ka muuqatay faan oo aad mooddo in loogu talo-galay wax-qabadkii xukuumadda in lagu buun-buuniyo. May ahayn khudbad u cuntanta in goleyaasha Xeer-dejinta dalka lala soo hor-fadhiisto.”

Xildhibaan Cali Marreexaan oo isaguna ka hadlay Mudaneyaasha Muxaafidka, ayaa khudbadda Md Siilaanyo ku sifeeyey mid ka tarjumaysa isla markaana koobsaday dhammaan xaaladaha kala duwan ee dalka ka jira. “Waxay ahayd khudbad koobsatay Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, waxayna aad u xoogga u saaraysay Amniga Qaranka, sida ciidamada loo xoojiyey; booliska iyo milatariga oo madaxweynuhu sheegay inay ku filan yihiin amniga dalka oo ay yihiin ciidamo laysku halayn karo,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cali Mareexaan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo saxaafaddu weydiisay sababta uu Xildhibaannada uga horjoogsaday su’aalo ay madaxweynaha weydiiyaan, ayaa sheegay, “Maalintaas oo kale su’aalo ma leh, madaxweynuhu xaaladda waddankuu ka warramayay, dadweynuhuu u warramayaaye ee xildhibaanno uma warramayo,” Sidaas ayuu ku jawaabay Guddoomiye Saleebaan oo wariye ka tirsan telefishanka Star su’aal ka weydiiyey sababta uu xildhibaannada uga horjoogsaday inay su’aalo weydiiyaan.

Himilomedia

Hargeysa

Guddoomiyaha Kulmiye oo Xoghayaha Warfaafinta ee WADDANI ka tacsiyeeyey Geeri ku timi Wiil uu dhalay

Hargeysa, 29 March, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale oo wakhtiganna ah Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani, isaga ka tacsiyadeeyey Geeri ku timi Wiil u dhalatay oo lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Marxuum Diiriye Cabdiraxmaan Yuusuf oo ku geeriyooday dalka Jabuuti.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal xambaarsan tacsida Guddoomiiya Kulmiye u diray Boobe Yuusuf Ducaale, Ehelka iyo Qaraabada uu ka baxay Marxuum Diiriye Cabdiraxmana Yuusuf.

Dhambaalka tacsida ah oo ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Kulmiye, ayaa u qornaa sidan: “Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u Mujaahid C\Raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Isagoo ka tacsiyaynaya Geerida ku timi Inankiisii Diiriye C\Raxmaan yuusuf, oo ku geeryooday Dalka Djabouti, sidoo kale wuxuu tacsidaa gaadhsiinayaa Eheladii,qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku.

Gudoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo.”

Himilomedia

Hargeysa

Saturday, March 28, 2015

Gabadh Aabaheed u saartay Kellideeda midig oo Hargeysa lagu soo dhaweeyay

Hargeysa (Himilo)- Asma Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray oo dhawaan aabaheed Sheekh Aaden-Siiro ugu tabarucday mid ka mid ah Kalyaheeda si isaga loogu talaalo, ayaa shalay lagu soo dhaweeyey garoonta diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

[gallery columns="2" ids="17673,17672"]

Asma ayaa kalideeda Midig u saartay Aabaheed Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, kaasi oo ay la soo deristay dhibaato caafimaad oo sababtay inay fadhiisato mid ka mid ah Kelyihiisu.
Sheekh Aaden Siiro iyo Inantiisa Asma ayaa waxa lagu Qalay Cisbitaal ku yaalla Magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya, iyagoo labadooduba ka bogsaday qallinkii lagu sameeyay oo si wanaagsan loogu guuleystay.
Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ayaa markii ay Asma Sheekh Aaden Siiro ka soo degtay waxa ku soo dhaweeyay dadweyne aad u tiro badan, waxaana markaasi ka dib Asma oo saxaafaddu qolka Nashada ee Madaarka Cigaal ku waydiiyeen dareenkeeda ku wajahan go’aanka ay Aabaheed ugu saartay Kellida, waxa ay ku jawaabtay, “Wax Fiican baan sameeyay, laakiin waajibkayga ayuun baan gutay, waayo xaqa waalidku aad buu u ballaadhan yahay, wax intaa lagu gudi karana maaha,” ayay tidhi, Asma, waxaanay intaas raacisay, “Kelli aan bixiyey xataa xaq Waalid kumaan gudin, ILAAHAY mahaddiina aniga iyo Aabaheyna (Aaden Siiro) waanu caafimaad qabnaa, aad baanan u faraxsanahay,” ayay tidhi Asma.
Asma-Sheekh-Aaden-SiiroAsma Sheekh Aaden Siiro oo safarka ay kaga timid dalka Hindiya uu ku wehelinayey Saygeedu, ayaa sidoo kale sheegtay in aanu jirin wax farqi caafimaad ah oo u dhexeeya wakhitgan oo Kelli laga saaray iyo markii hore, waxaanay tidhi, “Wax Farqi ah oo aan dareemayaa ma jirto. Toddoba maalmood baan ku jiray Cisbitaalka, laakiin toddoba maalmood kaddib waxaan ku soo noqday sidii caadiga ahayd, waanan ku faraxsanahay.”
Marwo Asma Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, oo sidoo kale u mahad celisay dadkii ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, “Dadka i soo dhaweeyay aad bay u mahadsan yihiin, Ehelkayga, Saaxiibada iyo dadka kale ee i soo dhaweeyayba dhammaantood.”
Asma Sheekh Aaden-Siiro oo wax kak bara Jaamacad ku taalla dalka Suudaan, ayaa markii xaaladda Caafimaad ee Aabaheed u baahatay in gacan laga geysto, waxa ay ugu tagtay magaalada Hydrebad ee dalka Hindiya, halkaas oo uu ku yaallo cusbitaalka lagaga saaray Kellida lagu rakibay Aabaheed Sheekh Aaden-Siiro.
Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ah waalidka ay Inantiisu u saartay Kellideeda Midig, ayaa isagana caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay oo qalliinkaasi ka bogsaday, waxaana haddii Alle idmo uu dalka dib ugu soo laabanayaa dhawaan, halka Asma ay dib ugu laabaneyso dalka Suudaan ee ay kaga jirto jaamacad.
Asma Sheekh Aaden-Siiro, ayaa noqonaysa, inta laga war-qabo, gabadhii u horeysay geyiga Somaliland ee Kellideeda ku tabarucda si ay ugu bad-baadiso nolosha Aabaheed.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Hadlay Qalalaasaha Ka Socda Dalka Yemen Isla Markaana Taageeray Waddamada Carbeed Ee La Dagaalamaya Xuutiyiinta

Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa ku dhawaaqay taageerada Somaliland ee go’aanka jaamacada carabta ee ku aadan la dagaalanka xuutiyiinta, ee dhawaan dalalka ku jira jaamacada carabtu ku midoobeen.
SIILAANYOMadaxweynaha Somaliland oo ka hadlaya qalalaasaha ka socda dalka yemen iyo qorshaha Somaliland ka leedahay ayaa waxa uu yidhi:- “Muddooyinkan dambe, xasillooni-darro ayaa ka jirtay qaar ka mid ah waddamada Carbeed, waxaana ugu dambeeyey dagaallada ka socda dalka Yemen ee aynu deriska nahay. Dagaalladaasi waxay saamayn xoog leh ku yeelanayaan guud ahaanba Badda Cas iyo Waddamada ku xeeran ee aynu ka midka nahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland mar uu Sabtidii shalay khudbad dheer ka horjeediyey fadhi wada-jir ah oo ay labada Golee Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilladu ku yeesheen xaruntooda magaalada Hargeysa.
Md. Axmed-Siilaanyo waxa uu ka hadlay doorka ay Somaliland ku leedahay xasilloonida Marinka Badda Cas oo uu sheegay inuu yahay jidka isu socodka dunida inteeda badan, waxaanu yidhi; “Dawladda Somaliland waxay dalalka deriska iyo beesha caalamka intaba kala shaqaysaa, adkaynta iyo xoojinta xasilloonida mandaqadda, gaar ahaan Marin-Biyoodka Badda Cas oo hal-bawle u ah isu socodka dhaqaalaha Adduunka.”
“Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab-taagantahay mawqifka Jaamacadda Carabta ee taageeridda dawladda sharciga ah ee dalka Yemen. Waxaanay ka soo horjeeddaa kooxaha qalalaasaha ka wada dalka Yemen.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Waa markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Somalilnad sidan oo kale uga hadlo qalalaasaha iyo dagaallada ka taagan waddanka Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay dawladda Somaliland sidan oo kale shaaca uga qaaddo ama u caddayso inay taageero la garab-taagan tahay dawladda waddanka Yemen ee Kooxaha Shiicada dalkaasi dagaalka hubaysan kula jireen muddooyinkii u dambeeyey.
Waddanka Sucuudiga iyo Xulufadiisa Jaamacadda Carabta, ayaa habeennimadii Arbacadu soo galaysay weerarro dhinaca Cirka ah ku qaaday Waqooyiga waddanka Yemen, gaar ahaan magaalada Sanca iyo nawaaxigeeda oo ay Kooxda Xuutiyiinta ee dawladda Yemen dagaalka kula jirtaa gacanta ku haysay, kana saartay dawladda iyo Saldhigyada gaarka ah ee ay Kooxdaasi leedahay.
Dawladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa xidhay Hawada sare ee dalka Yemen, taasoo saamayn xooggan ku yeelatay duullimaadyada diyaaradaha u kala gooshi jiray waddamada Bariga Afrika intooda badan oo ay Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ku jiraan, iyadoo duullimaadyadii iman jiray iyo kuwii tegi jiray-ba xannibmeen, ka dibna loo duway Marin kale oo aad u dheer, kaasoo halka diyaaradda Dubai ka soo kacdaa saddexda saac ku iman jirtay Hargeysa ay lix saac ku imanayso, halka ay Muqdisho oo ay afar saac ku tegi jirtay toddoba saac ku tegi doonto.
Dawladda Iran oo iyadu taageerta Xuutiyiinta Yemen, ayaa Sucuudiga iyo Xulufadiisa ugu baaqday in la joojiyo weerarrada Sucuudigu hoggaaminayo ee uu ku qaaday Xuutiyiinta Yemen markii ay ku soo dhawaadeen magaalada Cadan oo uu ku sugnaa Madaxweynaha dalkaas oo markay soo kulaaleen uga cararay dhinaca dalka Jabuuti oo uu uga sii dhoofay magaalada Sharmal-sheekh ee dalka Masar halkaas oo uu Sabtidii shalay Shir uga furmayey dalalka Jaamacadda Carabta ku bohoobay, kaasoo ay kaga hadlayeen xaaladda Yemen iyo in la dhiso Ciidan Carbeed oo lagu midaysan yahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

Halkan ka Akhri Faaiidooyinka Caafimaad Ee Malabku leeyahay iyo cuduradda lagu daweeyo.

Hargesa (Himilomedia) -28-3-2015 Malabka dabiiciga ah oo qarnigii 16aad aad dadka adduunku ay fahmeen Faa idooyinka caafimaad ee uu u leeyahay Biniaadamkauxuu leeyahay, maadaama uu tamarta Fructose ka kooban yahay waxa uu leeyahay waxyaabo muhiimad badan u leh caafimaadka qofka, waxaana ka mid ah;

  • Waxa uu ka hortaga kansarka iyo wadno-xannuunka

  • Malabka dabiiciga ah ee shinnida laga helo waxa ku jira maadooyinka ay ka mid yihiin Flavonods iyo Antioxidants, kuwaasoo hoos u dhiga khatarta xannuunada Kansarka iyo wadne-xannuunka.

  • Waxa uu yareeyaa boogaha uur-ku-jirta ku dhaca:

  • Malabku waxa uu faa’iido u leeyahay in ay bogsadaan xannuunada amma boogaha ku dhaca uur-ku-jirta sida bakteeriyada la yidhaa mindhicarada ku keenta in boogi ku dhalato (bacterial Gastroenteritis) sida lagu iftiimiyey cilmi-baadhis dhawaan la soo saaray.

  • Malabku waxa uu ka hortagaa Bakteeriyada amma Fungal:


Warbixin uu soo saaray nin la yidhaa Peter Molan oo ah Agaasimaha Mac-hadka Cilmi-baadhista Malabka ee Jaamacadda Waikato ee dalka New Zealand ayaa tilmaantay in malabku ka hortago walxaha dhaliya cudurrada ee jidhka dibada ka soo gala. Waxa ay cilmi-baadhistu arrintaas ku sababaysay in shinnidu malabka ku tarto dheecaan (Enzyme) sameeya curiyaha la yidhaa Hydrogen Peroxide oo ka hortaga bakteeriyada iyo wixii la hal maala.

Malabku wuxuu u fiican yahay ciyaaryahannada kala duwan:

Ciyaaryahannadii hore ee ciyaaraha fudud ka qaybgeli jiray (ancient Olympic athletes) waxay cuni jireen malabka si awooddooda iyo jidhkoodu u noqdo mid dhisan. Waxa hadda daraasado cusub oo casri ah shaaciyeen in awooddooda kobciyo malabku, kana dhigo qaar haddii dhaawac soo gaadho hore u kabta.

Malabku wuxuu daawo ka yahay qufaca iyo riiraxanyada:

Malabku waxa uu daaweeya qufaca sida lagu iftiimiyey daraasad laga qaaday 110 carruur ah, kuwaasoo la siiyey malab, kadib markii qufac ay kala joojin waaayeen, halka sidoo kale joojiyo riiraxanyada amma cuncunka cunaha ku dhasa. Qofka dhibaatooyinkan ay lasoo darisaan marka kalluunka la siiyo uu si fudud u seexdo.

Waxa uu daawo ka yahay xannuunno jidhka ku dhaca:

Malabka oo ay isticmaali jireen khubaro la odhan jiray Ayurvedic Medic oo Hindiya ku noolaa 4000 sanno ka hor waxay inta badan ku daawayn jireen in ay ku dheeli tiraan qaybo badan oo jidhka ka mid ah sida araga, miisaanka jidhka ee qofka luma amma inay ku daweeyaan haweenka dhiciska dhala si ay hore ugu umulaan, kaadi-markeenka xannuunada ku dhaca amma xiiqda, shubanka iyo waliba yalaalugada.

Himilomedia

Hargeysa

 

Wax Ka Baro Cilmiga Xadiiska-W/Q Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Q. 5aad

Xadiiska Mucalalka ah waxa lagu garta:-
• Mucalalku waa xadiis leh cilo qarsoon
Garatay in mucalalku yahay xadiis caadi ah balse ciilo qarson leh xadiiskana dhawacaya.
Xadiiska Muddaribka ah waxa lagu garta:-
• Muddaribku waa xadiiska sanadkiisu is khilaafsan yahay
Waa xadiis sanadkiisu is khilaafsan yahay, mar ‘Mursal’ lagu warinayo marna ‘Musnad’ lagu warinayo.

Xadiiska Mudrajka ah waxa lagu garta:-
• Mudrajku waa hadal xadiiska lagu dhex daray se aan ka mid ahayn xadiiska
Mudrajku waa hadal saxaabi ama taabici ku fasirayo xadiiska se aan ahayn hadalkii Rasuulka, tusaale ahaan Abu Hurayra ayaa qolo si khaldan u waysaysanaysay ku yidhi “waar dhamaystira waysada maxa yeeelay waxa aan Rasuulka CSW ka maqlay isagoo leh hoog ayaa u sugnaday kuwa waysada xumeeya”. Hadalkii Abu Hurayra waa laga dhex garanaya hadalka Rasuulka CSW.

Xadiiska Mudbijka ah waxa lagu garta:-
• Mudbijku waa qofka oo xadiis ka wariya qof la siman xagga da’da ama xagga aqoonta.
Waa dad isku dhigma marka laysku soo xooriyo sharaxaada Mudbijku oo wax kala warinaya sida da’da ama aqoonta.

Xadiiska Muntafiqa iyo Muftariqa ah waxa lagu garta:-
• Waa xadiiska ay is waafaqsan yihiin qoraalka iyo dhawaqa se kala ashkhaasta ah.
Muntafiqa iyo muftariqu waa xadiis ay isku mid yihiin qoraal iyo dhawaaq se kala ashkhaas ah ama laba qof kala ah. Tusaale ahaan Bin Salmaan wuxu leeyahay; marka aad maqasho magaca Cabdilaahi haddii aad joogto Makka waxa looga yaqaan Ibnu Subayr Ibnu Cawaam. Haddii se aad Madiina joogtid waa Ibnu Cumer Ibnu Khadaab. Haddii aad joogtid Kuuffa waa Ibnu Sucuud. Basrana waa ibnu Cabaas. Halka Khurasaanna looga yaqaan Ibnu Mubaraak. Markaa waxa aad halka ka arkaysa in qoraalkii iyo dhawaqi isku mid yahay se la kala sheegayo ashkhaas ee aan la sheegayn qof.
Tusaale kale waa magacyo isku mid ah se kala ashkhaasyo ah; Salaax Bin Salaax Asaawsi iyo Saalax Bin Salaax Al-Asadi, waa isku mid se waa kala ashkhaas.

Xadiiska Mu’taliifka iyo Mukhtalifka ah waxa lagu garta:-
• Waa isku qoraal se sida loo kala odhanayo ayaa kala duwan.
Garatay in xadiiska Mu’taliifka iyo Mukhtalifka inu yey qoraal isku mid ah balse kala si loo akhrinayo amase dhibcaha un ku kala duwan (ogow dhibcuhu mar dambe ayaa la keenay) tusaale ahaan cabaas iyo cayaash luuqadda carabiga waa isku mid qoraalkeedu balse dhibcaha un ayey ku kala duwan yihiin oo cabaas waa ba’du waa hal dhibic balse ya’du waa laba dhibcood, qanaam iyo qasaam iyaduna waa dhibcana un, bashaar iyo yasaar yana waa isku mid.

Xadiiska Munkarka ah waxa lagu garta:-
• Munkarku waa xadiiska nin daciif lagu yaqaan gooni ku noqdo.
• Xukunkiisu waa daciif
Garatay in Munkarku yahay xadiis nin daciifnimo lagu yaqaanay warintiisa gooni ku noqday. Markaa wuxu noqonaya xadiis daciif ah oo aan la qadanayn lana cuskanayn. Sidoo kale haddu khilaafo nin warintiisa lagu kalsoon yahay yadna dhag loo dhigi maayo.

Qormadani waxa ay soo afmeertay taxanihii silsiladii inoo so socotay muddo ee Cilmiga Xadiiska ahayd. Waxa ay ahayd qormo aynu kaga waramaynay sida loo kala hufo aqoonta Xadiiska, taas oo haddii aan sida aynu u kala dhigdhignay loo aqoonsan lagu kadsoomi karo Xadiis aan Rasuulka CSW ka sugnayn. Waxa hubaal ah intii la socotay inay wax badan uga baxeen.

Talo iyo Tusaale diyaar baan idinka ahay
Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com
Sheekhrakuub.worpress.com
Tell:063 4408503
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND