Hargeysa (Hargeysa) -Markii uu bilaabay wejigii hore ee kacdoonkii carabta ee dhawr dal uu ka curtay, ayuu sucuudigu shir qarsoodi ah ku qabtay dalkiisa, waxaana shirkaasi lagu unkay isbahaysi la dirira kacdoonka gu’ga carabta. Wadamada horsocday isbahaysigaasi eek u midoobay waxa ka mid ahaa, Sucuudiga, Cumaan, Urdun, Imaraadka iyo Masar. Isbahaysigaasi waxay ku guulaysteen inay dalka Masar dib uu qabsadaan askartii markii hore xooga ku haystay.
Waxyaabaha qorshaha cad laga yeeshay waxa ugu horaysay sidii looga hortagi lahaa ururka kacdoonka aabaha u ahaa ee Ikhwaanu muslimiinka caalamka ee laamaha kala duwan ku leh dhulweynaha bariga dhexe, hadaba burburka ku yimid is-bahaysigan ayaa salka ku haya dhawr fikiradood oo si kala duwan loo kala aamisan yahay (different ideology). Tusaale ahaan dawlada Sucuudiga iyo Urdun waxay fikir ahaan taagan yihiin in la kala saaro dagaalka lagulo jiro ururka Daacish, Shiicada iyo Ikhwaanu muslimiinka caalamiga ah, halka dalalka Masar, Cumaan iyo Imaaraadkuna ku taagan yihiin inaan marna la kala qaadin dagaalka lagulo jiro Daacish, Shiicada iyo Ikhwaanka.
Dawlada Masar waxay liiska argagixisada ku dartay ururka Ikhwaanu muslimiinka iyo ururka Xamaas oo ay isku bah-yihiin ikhwaanka, taasi bedelkeeda, dawlada Sucuudigu waxay marti qaad u fidisay madaxa arrimaha siyaasada ee ururka Xamaas Khaalid Mishacal, waan halka ay sartu ka qudhuntay. Dawlada Sucuudigu waxay doonaysaa inaan arrimaha loo gelin sidii wakhtigii hore xaaladu ahayd, tusaale ahaan ma jirto ayey leeyihiin khatar wakhtigan laga qabo ikhwaanka, balse waxa ka khatar badan shiicada iyo Daacish. Wasiirka arrimaha dibada ee Sucuudiga Sucuud Al-faysal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee MENA in la kala saaro muslimiinta qunyar socodka(ikhwaanka) iyo kuwa xagjirka ah, marka la qiimeeyo nuxurka hadalkiisa way cadahay inay dawlada Sucuudigu ka soo dabacday mowqifkii hore ee ikhwaan la-dirirka.
Prof. Daniel oo su’aal laga weydiiyey ba inuu sharaxaad ka bixiyo is-maandhaafka ka dhex aloosan is-bahaysigan ayaa yidhi” qodobbada ugu culus ee aan la isku marayn waa xaga aratida iyo qaabka loo waajahayo dhacdooyinka dunida carabta, arrinta Suuriya masar waxay doonaysaa in wadahadal laga furo (mediation), oo xalka laga wadaxaajoodo, balse Sucuudigu wuxuu leeyahay iska daa in lala hadlee, waa in la taageero jabhadaha ku kacsan ee Sunniga ah ee qunyar socodka. Taasina hore ayuu ugaga dhabeeyey, waxaanu siiyaa taageero dhaqaale iyo mid milatari., prof. Daniel wuxuu intaasi raaciyey, in dhinaca waqooyiga qaarada afrika dalalka carabta ahna iyaga la isku haysto, oo Sucuudigu wuxuu doonayaa in dalka Liibiya la taageero islaamiyiinta qunyar socodka ah (Hidden Support), haddii kale Daacish ayaa xoogaysanays, halka Masar iyo Cumaan ay leeyihiin inaan la kala dhawaysan kooxaha is-haya. Halkaasi ayey arrintu fadhidaa ayuu Prof. Daniel ku soo koobay hadalkiisa”. Dawlada Sucuudiga gaar ahaan boqorkan cusub ayaa wakhtigan wadahadal kula jira ururka Al-islaax ee ka arrimaya qaybo yar oo dalka Yeman ka tirsan, haddii qorshahaasi guulaysto waxay caqabad weyn ku noqon doontaa is-bahaysigan, ku muransan dhinaca fikirka.
Walaaca Turkiga ee Shiicada Bariga dhexe
Arrinta kale ee la filayaa ayaa ah isku soo dhawaansho dhexmara Sucuudiga iyo dalka Turkiga oo ah xarun weyn oo ay leeyihiin Ikhwaanu muslimiinku, taasina waxay soo shaac-baxday markii M/weynaha Turkigu booqosho ku tegay dalka Sucuudiga. Mar kale ayuu Prof. Daniel ka faalooday arrintaasi” haa xidhiidh cusub ayaa u socoda Turkiga iyo Sucuudiga, waxaana markhaati ka ah booqashada Erdugan, siday aniga I la tahay, waxay dhexdhexaadini u socotaa ikhwaanka caalamka iyo Sucuudiga ooh ore col daahood go’ay u ahaa( Political Hostile), dhawaana waa la arki doonaa”.
Erdugan wuxuu walaac weyn ka qabaa fiditaanka Shiicada ee Iiraan ka wado bariga dhexe iyo dabka jaarkiisa ka holcaya, arrimaha ay Erdugan kala hadlay Sucuudiga ayaa u badnaa khatarta ururuka Daacish iyo Shiicada soo fidaysa. Haddiiba ay dhacdo in Sucuudigu la heshiiyo ikhwaanka muslimiinka taasi waxay dhalin kartaa laba arrimood midkood: waa ta horee, in Masar uu Sucuudigu ku qanciyo inay ikhwaanka la xaajooto si Shiicada bariga ku soo fidaysa fikir mideysan looga qaato iyo inay Masar diido, oo xidhiidhka u jarto Sucuudiga.
Dhinaca kalena wasiirka arrimaha dibada ee Iiraan ayaa ka digay in xiisada bariga dhexe isu bedesho dagaal u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada. Wasiirka oo la hadlayey idaacada BBC-da qaybta la hadasho dibada ayaa dagaalka Suuriya ku eedeeyey dalalka Sucuudiga iyo Turkiga inay taageerayaan jabhadaha Sunniga ah ee ka soo horjeeda dawlada Suuriya. Mar la weydiiyey inay Iiraan taageerto dawlada Suuriya ayuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo.
Dawlada Iiraan waxay ka talinaysaa afar caasimadood oo bariga dhexe ku yaala, waana Baqdaad, Dimishiq, Sanca iyo Bayruud. Taasina waxay tilmaamaysaa awooda shiicada ay Iiraan daba-ka-riixayso ee ku soo xoogaysanaysa bariga dhexe. Haddii aan qorshe cad laga yeelan fiditaanka Shiicada ee bariga dhexe waxay noqon doontaa inay la wareegaan dhamaan bariga dhexe.
Walaaca Iiraan ee Daacish
Iiraan waxay xuduud la leedahay dalka Ciraaq oo ururka Daacish uu biyo dhigtay, taasina waxay walaaca iyo khatar amni ku abuurtay dawlada iiraan, oo in muddo ahba wadnaha farta ku haysay. Iiraan waxay masuul ka tahay shiicada adduunka waa siday aaminsan tahay dawladu, markaa waxay werwer ka qabtaa in urur awood badan oo Sunni ahi qabsado dalka Ciraaq, maaha oo keliya khatar amni daro, balse waa khatar kale oo Sunni ka baqis ah. Waxa kale iiraan ay cabsi weyni ka haysaa ina dawlada Ciraaq ee ay galaalka badan u leedahay faraheeda ka baxaan. Si arrintaasi iiraan uga jawaabto waxay bilowday laba dagaal oo isku dhafan.
Ta hore ayaan taageero milatari oo ay si buuxda ula garab taagan tahay dawlada Ciraaq, iyo ta labaad ah inay caalamka ka dhaadhiciso khatar ururka Daacish, balse waxay iiraan ku guuldaraystay in ciidankii Ciraaq noqdaan qaar aah taag badan lahayn, oo ururka Daacish ka itaal roonado. Arrinta kale ee iiraan ku guuldaraystay ayaa ah in reer galbeedkii ka reebeen isbahaysiga la dagaalamaya ururka Daacish. Ugu dambantii waxa la saadaalinayaa haddii ururka Daacish sii xoogaysto inay iiraan aanay fara kala laabanayn, oo aakhirka dagaal la geli doonto ururka Daacish.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, somaliland
calicoomay@hotmail.com
Baadhis iyo Xog-ururin
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment