Friday, March 27, 2015

Muran Ka Taagan Faro-gelin Uu Dhaxal-sugaha Britain ku Sameeyey Arrimaha Siyaasadda Dalkaas

chlLondon:Mar,27,2015(Himilo)-Dhaxal-sugaha Dalka Britain Amiir Charles, ayaa lagu eedeeyey inuu farogelin ku sameeyey Arrimaha SIyaasadda ee Dalkiisa, waxana Maxkamada Sare dalkaaas UK ku taalla Amar ku bixisay in xukuumaddu shaaciso waraaqo uu hore u qoray.

Waraaqaha la sheegayo inuu Amiirku qoray, ayaa la lagu socodsiiyey Wasaaraddo dhawr ah, waxana loo arkaa tallaabooyin baalmarsan Arrimaha loo asteeyey Boqortooyada.

Dacwada la xidhiidha Waraaqaha uu Prince Charles qoray sanado kahor ayaa waxaa bilaabay jariirada The Guardian ee dalkaasi kasoo baxday oo sheegtay in loo baahan yahay in lasoo bandhigo Waraaqaha uu Amiir Charles doonayey inuu wax uga bedalo siyaasada dowlada UK.

Qoyska Boqortooyada UK ayaan sharciyan loo ogoleyn inay faraha la galaan arrimaha Xukuumada iyo siyaasada dowlada, waxaana lagu heystaa Charles inuu si toos ah isugu dayey inuu saameyn ku yeesho wasaarado kala duwan oo ay ku jiraan, Caafimaadka, Deegaanka iyo Beeraha.

Waraaqahan oo la sheegay inuu gacantiisa ku qoray Charles ayuu u gudbiyey 7 Wasaaradood waxaana qoraaladan loogu magac-daray (Black spider memos).

Go’aanka maxkamada UK ay khamiistii shalay gaadhay ayaa waxaa ka xumaaday Prince Charles iyo waliba Raysalwasaaraha UK David Cameron oo sheegay in qoraalada Amiirka uu ahaa kuwo aan loogu talo gelin in banaanka loo shaaciyo.

Qaar kamid ah Xildhibaanada xisbiyada mucaaridka UK ayaa dacwadan loo heysto Charles ku tilmaamay mid muujineysa in uusan u qalmin inuu xilka Boqortooyada ka dhaxlo Hooyadiis Queen Elizabeth oo hada xilka heysa.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment