
Md Cali Yuusuf oo markii kulankaasi dhammaaday war-fidiyeennada kula hadlay xafiiskiisa, ayaa yidhi, “Waxa maanta (shalay) noo yimi xildhibaan ka socda Dowladda Sweden, xoghaye Guudna ka ah Hubka hay’adda yar-yar ee adduunka. Golaha Wakiillada, ayuu u soo jeediyey Khudbad, xildhibaannaduna su’aalo ayay ka weydiiyeen.
Innagu Xeer baynu ka samaysannay sidii loo diiwaangelin lahaa hubka yar-yar iyo wixii laga yeeli lahaa, markaa arrintaas ayuu kulanka goluhu ku saabsanaa.”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Nuxurku wuxuu ahaa dhibaatada uu leeyahay Hubka Fud-fudud ee uu dunida ku hayo oo waddamada qaarkood tirakoob laga sameeyey. Innagu waddan dagaal soo maray baynu nahay oo hubku si xad-dhaaf ah uu ugu fiday dalka, arrintaas wixii laga yeeli lahaa, ayay xildhibaannadu fikrado ka soo jeediyeen,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cali Yuusuf.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment