
Markii uu War-Murtiyeedkaasi gelinkii hore ee maanta Warbaahinta ka baxay, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaaminaya Wefti isugu jira Xubno Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin gobolka ka soo jeeda dhalasho ahaan uu si lama filaan ah uga soo kicitimay gelinkii dambe ee maanta Caasimadda Muqdisho, isagoo soo gaadhay Dhuusa-mareeb, halkaas oo uu xalay kulammo albaabbadu u xidhan yihiin kula yeeshay Odayaasha Shir-beeleedka waday ee go’aammada soo saaray.
Lama oga muddada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sugnaan doono magaalada Dhuusamareeb, hase-yeeshee, ila-wareedyada laga helayo kulammada albaabbadu u xidhan yihiin ee Madaxweynaha iyo Odayaasha dhaqanka u socday xalay, ayaa tibaaxaya in arrintu meel adag gaadhay, isla markaana aad la isugu mari waayey labada ajande ee ay kala wataan Madaxweynaha iyo Odayaasha oo iyagu dhinacooda ku adkaysanaya in Shirka Maamul-u-samaynta gobollada dhexe lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb, halka Madaxweynuhuna taa ka soo horjeedo, kuna doodayo in hore la isula qaatay ee ah in shirkaas lagu qabto magaalada Cadaado ee uu waqtigan socdo qaban-qaabada Shirkaasi oo Guddiyo dawladdu u magacawday diyaarinta shirkaasi ku sugan yihiin.
Waa markii labaad ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud arrinta Shirka Maamul-u-samaynta gobollada dhexe ee Galmudug iyo Galguduud u tego magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galguduud, isagoo markii markan ka horreysay yimi bishii koowaad ee sannadkan oo markaasna uu kulammo la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee magaaladaas, ka dibna uu ku dhawaaqay in Shirka Maamul-dhisidda lagu qabanayo magaalada Cadaado ugu horreyn dhammaadka bishan March illaa bilawga bisha soo socota ee April 2015-ka. Hase-yeeshee, waxa hadda muuqda khilaaf culus oo burin kara wakhtiga iyo goobta Shirkaba.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment