Wednesday, March 25, 2015

Somaliland Waxa Laga Baran Karaa In Aqoonta Laga Maarmi Karo

Dalkasta marka la tirinayo khayraAdkiisa dabiiciga ah waxa ka mid ah dadka ama cududda shaqaalaha (Human resources) sida beeraha, badda, xoolaha, shidaalka & gaasta iyo macdanaha kale ee qaaliga ah, xeel-dheerayaasha qaarkood shaqaalaha waxay ku tilmaamaan in ay la mid yihiin lacagta adag iyo rasamaalka dalka (Human capital).
Dalalka horumaray iyo kuwa soo koraya, siyaasadda lagu hagayo ka sakow, waxa loo aaneeyaa aqoonta, xirfadda, tayada iyo tirada shaqaalaha.
Waxa la og yahay waddamo laga helo khayraad aad u badan oo haddana ka mid ah kuwa ugu saboolsan dunida markii la waayay shaqaale aqoon leh oo si haboon u maamula. Waxa jira dawlado ama madaxweyne yaal jecelaa inay dib u habayn ballaadhan ku sameeyaan maamulka iyo dhaqaalaha dalalkooda si ay kor ugu qaadaan nolosha dadka ama ay u yareeyaan heerka faqriga oo guuldaraystay markii la waayay shaqaale leh aqoontii lagu fulin lahaa qorshayaasha dawladda. Waxa iyaguna jira shirkado maal-gashi ku samayn lahaa dalalka qaarkood oo dib uga joogsaday markii ay sahamiyeen inaan laga heli Karin shaqaale aqoon iyo xirfad sare leh ama ku filan, sidaa daraadeed, waddamada Bariga Africa gaar ahaan waxay xoogga saareen aqoonta iyo tababarrada shaqaalaha dawlada, waxay dhiseen jaamacado iyo machadyo casri ah oo si weyn loo maalgeliyay.
Jaamacadaha dalalkaasi waxay hoos yimaaddaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare laakiin iyada oo ahmiyad gaar ah la siinayo kuwa shaqaalaha lagu tababarro, waxay hoos yimaaddaan xafiiska madaxweynaha ama raysal-wasaaraha.
Itoobiya waxay dhistaa jaamacadda shaqaalaha ee ugu wayn Bariga Africa (Ethopian Civil Service College), Yugaandha waxay dhistay ( Uganda Management Institute), Ruwanda waxay dhistay (Rwanda Institute of Adminstration and Management), Tansaaniya waxay samaysay ( Tanzanian College of Adminstaration and Management) oo technoloygadii u danbaysay ku qalabaysan si ay u soo saaraan tool-kii loo isticmaali lahaa horumarka oo ah shaqaale aad u jabsan.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud munaasibadaha qalin-jabinta jaamacadaha wuxuu ku celceliyaa inuu rumaysan yahay in aqoontu tahay furaha horumarka, “idinkuna waxaad tihiin rejadii iyo mustaqbalkii dalka sidaa awgeed anaguna xukuumad ahaan waxaanu tixgelin doonaa da’ yarta wax baratay”. Laakiin guubaabada iyo hadalad dhiiri gelinta ah ee madaxweynuhu ma waafaqsana ficilada iyo siyaasada xukuumadad : Tusaale ahaan markasta oo la buuxinayo jagooyinka sarsare ee ka bannaaan Hay’adaha dawlada Cv- yada loo soo gudbiyo Madaxweynaha wax faraq ah uma sameeyaan kuwa aqoonta leh iyo kuwa kale, mudnaanta waxa la siiyaa Cv-yada afmiishaaradu daba socdaan ama mid hagaaf ah oo lagu raali gelinayo qabiil kuwaas oo ummadda la hadha isagana sumcad xumo u soo jiida. Madaxweyne, bal isku day inaad wax kaga dayato mid ka mid ah hogaamiyaayshii guulaysta sida Raysalwasarihii hore ee Singapoor Lee Kuan Yew, wuxuu yidhi “My style was to appoint the best men I had to be in charge of the most important ministries”.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Richard Nixon mar lagu canaantay nin ka soo horjeedi jiray oo uu xil u magacaabay wuxuu ku jawaabay: “I did because he is the best man for the job”.
Innaga Somaliland bal aynu qiimayno aqoonta agaasimayaasha guud, madaxda Hay’adaha madaxa-banaan iyo agaasimayaasha waaxyaha ee wasaaradaha, waxa la yaab leh oo xafiisyada lagu arkaa dhalin yaro sidata shahadada sare ee Master-ka oo xog-hayn u ah masuul waxbarashadiisu ka hoosayso dugsiga sare iyo kuwo kale oo aan waxba loo dirin oo wasaaradaha dhex joog-jooga, hase yeeshee markii la soo dhawayn waayay ama aqoontoodii laga maarmay, waxay ku wareegaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ama Hay’adaha dalka ka hawl-gala.
Haddaba masuulka isaga oo aan laga fiirsan layska magacaabay (The wrong choice ) saamayn intee leeg ayuu ku yeelan karaa maamulka?
1. Maamulka oo noqda fadhiid iyo hal-abuur la’aan
2. Amarrada iyo kala dambaynta oo is dhex yaaca oo la kala garan waayo masuulka sare iyo ka hooseeya
3. Kalsooni-darro, habrasho, go’aan qaadasho la’aan iyo in uu ka baqdo inuu keeno fikrado cusub.
4. Wuxuu dayacaa hawshii loo igmaday wuxuu isku mashquuliyaa hawlo kale oo shaqadiisa ka baxsan sida guulwadayn qaab daran iyo abaabulka jifooyinka dawladda taageera.
5. Kama fogaado madaxtooyada si uu u dheg-dhegeeyo bal inuu maqlo warar tibaaxaya in wax la kala beddelayo ama la eryayo.
Gebo-gebo: Gabadha wariyaha ah ee la yidhaahdo Mary Harper buuggeeda ‘Getting Somalia Wrong’ waxay tidhi: “Somaliya waxa laga baran karaa sida ay bulsho u noolaan karto iyada oo dalka dawlad dhexe ka jirin”. Sidaas oo kale, Somaliland waxa laga baran karaa in aqoonta laga maarmi karo.

Cabdiraxmaan Cadami
abdirahmanadami@yahoo.com
himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment