
Dadweynahan oo cabashadooda ku muujiyey bannaan-bax salmi ah, ayaa maamulka degmada ku eedeeyey inay si qarsoodi ah Buurta uga iibiyeen ganacsadaha Ajaanibka ah, waxaanay ku doodeen inaanay maamulka degmada cidna kala tashan arrintaas maadaama oo buurtu ku taallo dhul-daaqsimeed manafacaad u leh dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaqan deegaanno ku xeeran magaalada.
Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha deegaanka degmada Sheekh iyo Isu-duwaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee degmada Sheekh oo ka mid ah dadka eedaymaha u jeediyey maamulka degmaga, ayaa sheegay in buurtaa Qarasgoo taariikh ku leedahay magaalada Sheekh iyo Gobolka Saaxil-ba isla markaana ay caan ku tahay Macdanta noocyadeeda kala duwan, balse sababta keentay in dadweynuhu ka gadoodaan ay tahay in maamulka degmada aanu waxba kala socodsiinin, kalana tashan dadka ku dhaqan deegaanka ay Buurtu ku taallo.

Shakhsiyaad kale oo iyaguna arrintan ka hadlay, ayaa maamulka iyo xildhibaannada golaha deegaanka ku dhaliilay waxba ka weydiinin bulshada deegaanka. “Waxaanu maqalnay in la siiyey nin Carab ah oo la yidhi wuxuu saarayaa Taawar magaalada laydh loogu samaynayo, haddii ay jirto waa faa’iido, waanu u baahannahay wixii magaalada u soo kordhaya, laakiin waxa dhibaato ah marka dadkii deegaanka ku noolaa waxba loo sheegin ee cagaf iyo milatari soconayaa soo galaan,” sidaas ayay sheegeen dadweynaha bannaan-baxa samaynayey oo warbaahinta la hadlay.
Cabdi Cige Carraale oo sheegtay inuu yahay Isu-duwaha Wasaaradda Macdanta ee degmada Sheekh oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in maamulka degmadu gaadiid isugu jira cagafyo iyo iska-rogooyin Xayn-daab ku wareejinaya ka hawl-galiyey buurta iyada oo aan waxba loo sheegin dadweynaha.
“Buurta Qarasgoo waxay ka mid tahay buuraha hodanka ku ah macdanta oo anigaa dhowr jeer hay’ado geeyey meesha, maamulkii mesha joogayna wax wacyi-gelin ah looma sheegin, wuxuun baanu ku war-helnay shalay (Dorraad) iyadoo meeshii cagaf la geliyey. Waxaan leeyahay maamulku dadweynaha ha war-geliyo oo dowladdaa la wareegaysa buurtaas oo waxaas ku falaysa hala yidhaahdo,” sidaas ayuu yidhi Cabdi Cige.
Waxa ay dadweynahani ka digeen isku-dhac ka dhashay bulshada deegaanka iyo ciidamo ay sheegeen in la geeyey oo lagu wareejiyey Buurta haddii aanu maamulku go’aankaas ka noqonin, isla markaana waxay xukuumadda ugu baaqeen inay sida ugu dhakhsaha badan u soo dhex-gasho, gaar ahaan wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmada Sheekh Md Ibraahim Cabdilaahi Cabsiiye oo Wargeyska Himilo arrintan wax ka weydiiyey, ayaa gebi ahaanba dedafeeyey eedaymaha loo jeediyey ee ah inay maamul ahaan Cid gaar ah ku wareejiyeen Buurta Qaraggoo, waxaanu meesha ka saaray hawl xilligan ka socota buurtaas oo la xidhiidha cabashada dadweynaha magaalada.
“Markaan xaqiiq kuu sheego, waxaas laga hadlay waxba kama jiraan, wax ala wax meeshaas ka socda iyo Ciidan joogaa midna ma jiraan,” ayuu yidhi Maayarka magaalada Sheekh.
Haseyeeshee, waxa uu Maayarka degmada Sheekh qiray jiritaanka Qorshe maamulka degmadu odoroskiisa ku guda-jirto balse aan laysla qaadan oo Buurta Dusheeda laga samaynayo Tamarta la cusboonaysiiyey ee laga dhaliyo Korontada.
Maayarka oo aanu weydiinnay waxa ka jira Ganacsadaha Ajaanibka ah ee dadweynuhu sheegeen iyo Koronto magaalada loo samaynayo oo, waxa uu ku jawaabay, “Immika maya. Waa hindise jira oo aan wali la fulin,taasaanan u malaynayaa inay arrintu tahay oo aan isleeyahayba waa ta laga hortagayo,” ayuu yidhi maayarku.
Mar aanu weydiinnay inay u wareejinayaan Cid gaar ah iyo in Dowladda Hoose hoose fulinayso, waxa uu ku jawaabay, “Ciddii Masuul ah uunbaa samaynaysa, dadkii loo igmaday uunbaa wada, ee cid suuqa joogtaa ma samaynayso,” ayuu yidhi Maayarku isaga oo intaas ku daray inaanay maamul ahaan waxba ka ogeyn cid gaar ah oo hirgelinta mashruucaas lagu wareejiyey iyo meel lagaga wada-hadlay.
Dhinaca kale, Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo Wargeyska Himilo khadka telefonka wax kaga weydiiyey waxa uu kala socdo arrintan, ayaa sheegay in maamulka Dowladda Hoose ee Sheekh arrintaas soo gaadhsiiyey xarunta maamulka, balse waxa uu beeniyey in ganacsade ama cid gaar ah lagu wareejiyey oo mashruuc ka hirgelinayo buurtaasi aanu jirin.
“Xoghayihii degmadaa ila joogay maanta oo ii sheegay (bannaan-baxa dadweynaha). Laakiin, Wax hawshaas ah oo hadda jirta iyo buurtaas hala iibiyo iyo arrintaas hala yeelo ma jirto, waa iska barobagaadha,” ayuu yidhi badhasaabka Gobolka Saaxil, waxaanu intaas ku daray inuu arrintaas u arko wax dadka lagu kicinayo oo cid aanu magac-dhabin oo arrimo siyaasadeed uga faa’idaysanaysaa dabada ka riixayso.
Badhasaabka oo aanu weydiinnay inay jiraan Ciidamo Milatari ah oo la geeyey buurta, sida dadku ku doodeen, waxa uu sheegay inaanu waxba ka ogeyn ciidamo meesha la geeyey. “Awalba meesha waxa u dhowayd xero Ciidan, laakiin ma ogi ciidan la geeyey,” ayuu ku jawaabay Badhasaabka gobolka Saaxil.
Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiinno, ayaanay noo suurto-galin kaddib markii Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas oo aanu telefonkiisa gacanta garaacnay tiraba laba jeer uu ka jawaabi waayey.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment