Tuesday, March 24, 2015

Maxkamadda Millateriga Soomaaliya oo dil Qisaasa ku fulisay laba askari oo ciidanka dawlada ka tirsanaa

Muqdisho(Himilomedia) Laba askari oo ka tirsanaa Ciidanka Dawlada Soomaaliya, ayaa siyaabo kala gedisan loogu helay inay dilal u geysteen ,dad rayida iyo saraakilil ciidanka dalkaasi ka tirsan oo ay si qarsoodiya u dileen, iyadoo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku riday xukun dil toogasho ah,sidaana loogu fuliyay.
dil toogashoLabadan askari ayaa askari Cabdilaahi Cali Cabdi Cigaal waxay Maxkamaddu ku heshay inuu si badheedh ah uu u dilay Xuseen Cabdi iyo Sahra Sheekh Cumar
Askariga kale oo la yidhaa Cabdiraxmaan Ciise Axmed, ayay sidoo kale Maxkamaddu ku heshay inuu si badheedh ah uu u dilay Saciid Dhiblaawe Siyaad.
Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida C/laahi Xuseen Maxamed, oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in xukunkan la fuliyay, markii uu kiisku cadaaday labadaasi askari lana ogaaday inay yihiin gacan ku dhiiglayaal.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment