Jabuuti, 31 March 2015 (Himilo)- Dalka Jabuuti ayaa macaash ka helay dagaallada ka socda waddanka Yemen, ka dib markii dhinaca Cirka iyo Badda waxii Maraakiib iyo diyaarado ku socday u soo weecdeen dhanka Jabuuti.
Dekedda Jabuuti ayaa ku mashquulsan rogitaanka badeecado boqollaal tan sare u dhaafay oo Maraakiib sidday u soo weeciyeen dalkaas, ka dib markii ay gaadhi kari waayeen Dekedaha Yemen dagaallada ka socda awgood.
Marsada dalka Jabuuti ee magaalada Jabuuti oo xilligan ay taagan yihiin toddoba Markab ayey laba ka mid ahi sidaan Xamuulka ganacsi oo kala duwan, halka shanta kalena Shidaal ku raran yahay. “Waan awoodnaa inaan siinno dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin ee rogitaanka badeecadaha kala duwan iyo Shidaalka ku socday Yemen ee Maraakiibtu ku rogayaan Jabuuti.” Sidaa waxa yidhi Masuul Saraakiisha Dekedda Jabuuti ka tirsan oo la hadlay Telefishanka Aljazeera. Waxaanu intaas ku daray; “Maraakiibtu maalmo badan ma sii taagnaan karaan, oo kharash gaadhaya illaa konton kun ayaa ku baxa, sababtaa ayey ugu rogayaan badeecadihii Yemen halkan (Dekedda Jabuuti).”
Magaalada Jabuuti oo ku taal afaafka marinka Baabal-mandab oo inta badan ganacsiga Adduunka boqolkiiba 40% ugu badnaan ay isticmaalaan ama maraan marinkan, ayaa masuuliyiinta Dekedda Jabuuti sheegeen inay filayaan Maraakiib badan oo maalmaha soo socda soo gaadha Dekedda, isla markaana ay leeyahiin imkaaniyaad ay ku rogaan.
Sidoo kale, Duullimaadyada Diyaaradaha ee Madaarka Jabuuti ku soo degaya, ayaa la sheegay inay kordheen, ka dib markii Boqortooyada Sucuudiga iyo xulufadiisa Jaamacadda Carabtu xidheen isticmaalka Hawada sare ee waddanka Yemen oo ay Duqaymo ka wadaan, inta badan diyaaradihii ku socday Yemen waxay u leexdeen dhanka Jabuuti, halka sidoo kale diyaaradii Qaranka Yemen loo soo weeciyey Madaarrada Jabuuti, taasoo boqollaal Rakaab Muwaaddiniin reer Yemen ahi ku xanniban yihiin.
“Wallaahi, dhibaato ayaa na haysata, waxaannu wadannaa Carruur iyo dad xanuunsanaya oo Masar ka yimi, waxaan waddamada Carabta iyo Madaxweynaha Yemen ka codsanaynaa sidii naloo gaadhsiin lahaa Yemen.” Sidaa ayay yidhaahdeen Dadka Rakaabka ah ee u dhashay waddanka Yemen ee iyagoon dalkooda gaadhin la xidhay hawada waddankooda, isla markaana Jabuuti socoto xanniban ku ah oo la hadlay Saxaafadda.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa sheegtay inay u diyaargaroobayaan qaabbilaadda boqollaal Qaxoonti reer Yemen ah oo la filayo inay soo gaadhaan Jabuuti maalmaha soo socda, isla markaana uga diyaariyeen magaalada Obokh Xero Qaxoonti oo qaadaysa illaa Shan Kun oo qof.
Shaqaalaha Hay’adaha gargaarka, ayaa sheegaya in tirada intaa ka badnaan karto, maaddaama boqollaal kun oo Soomaali ah oo qaxoonti ku ahaa Yemen la filayo inay dib ugu soo qaxaan dalka Jabuuti oo waddan ahaan ugu dhaw Yemen.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment