Tuesday, March 31, 2015

Dooni ay Saaran yihiin Yemeniyiin Ka soo cararay Qalalaasaha dalkooda oo Xalay u dhaxday Duleedka Dekedda Berbera iyo Tirada Qaxoontigii u horreeyey oo Sabtidii Yimi

Berbera, 31 March, 2015 (Himilo)- 45 Qof oo isugu jira Yemeniyiin iyo Soomaali ka soo cararay qalalaasaha ka taagan dalka Yemen, ayaa todobaadkan soo gaadhay Somaliland, waxaanay ka soo degeen dekedda magaalada Berbera.
Sidoo kale, Dooni ay saaran yihiin Dad aan tiradooda iyo haybtooda doonta la xaqiijin, ayaa makhribnimadii shalay soo gaadhay duleedka dekedda magaalada Berbera, kuwaas oo la filayo in maanta la xaqiijiyo cidda ay yihiin iyo waddamada ay u dhasheen, kaddib marka ay halkaas gaadhaan wefti ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha Qaxoontiga ku-shaqada leh oo gelinka hore ee maanta la filayo inay gaadhaan magaalada Berbera.
Dadka ka soo cararay Qalalaasaha Yemen ee Sabtidii soo gaadhay magaalada Berbera oo u badan Yemeniyiin isla markaana ay ku jiraan tobaneeyo qof oo u kala dhashay Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa la socday Markab nooca Xoolaha ka qaada Dekedda Berbera, kaddiib markii ay muddo 12 saacadood ah ku soo jireen badda, waxaana la sheegay inay ka yimaaddeen magaalada Ticis oo dhowaan gacanta u gashay kooxaha Xuutiyiinta ee xukunka kala wareegay Dowladda Yemen.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo Wargeyska Himilo khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay isaga oo jooga magaalada Berbera, waxa uu sheegay inay Sabtidii todobaadkan dekedda Berbera ka soo dageen 45 qof oo intooda badani u dhasheen dalka Yemen.
Badhasaabka oo aanu weydiinay jiritaanka dadkaas Qaxoontiga ah, waxa uu ku jawaabay, “Qaarna immikaanu u diyaar-garoobaynaa, qaarna waa joogaan. Qolada joogtaa waxay yimaaddeen Dorraad (Sabtidii), qolada kalena gabbal-dhicii (shalay) ayay yimaadeen, in kastoon tiradooda laysoo sheegin oo mar-dhawayd uun ay doontu soo istaagtay. Waxaanu immika ku hawlan-nahay inaanu samaynayo meel dadka marka la qaabilo lagu baadho caafimaadkooda iyo waxa ay yihiin si hay’adaha dowladda qolo-waliba qaybta ay leedahay uga qayb-qaataan, taas ayaanu ku hawlanahay oo diyaarin-garaynaynaa,” ayuu yidhi Fahmi Cabdi Bidaar.
Badhasaabka oo aanu weydiinnay tirada Dadka ka yimi waddan Yemen ee Sabtidii todobaadkan soo gaadhay dalka, waxa uu ku jawaabay, “Horta dadku waxay isugu jiraan laba qolo. Qaar waa Yemeniyiin Carab ah iyo Soomaali ka soo kala jeeda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland, markaa guud ahan waxay ahayeen 45 qof. Dhowr qof oo Soomaalida kale ah mooyaane, wixii kale waxay ahaayeen Somaliland iyo Yemeni.”
Guddoomiye Fahmi oo aanu weydiinnay Sida ay Xukuumad ahaan u qaabileen Qaxoontiga ka soo barakacay dalka Yemen, waxa uu ku dooday inaanay maamul ahaan u diyaar-garoobin qaabilaadda Qaxoonti ka yimaadda dalka Yemen oo kediso ay ku noqotay, balse ay ka war-sugayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha Caalamiga ah eek u shaqada leh Qaxoontiga oo Salaasada maanta tagaya gobolka Saaxil.
“Intii Somaliland u dhalatay way soo gudbeen oo nin waliba xaafaddiisii ayuu qabtay, wixii Yemeniinta ahaa qaarkood Hargeysa ayay u soo baxeen, qaarna halkannay joogaan, Yemeniyiintuna waxay iska ahaayeen qoysas wax haysta oo ladan,” ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo aanu weydiinay inay goobo lagu daryeello u diyaariyeen Dadka Qaxoontiga ah, waxa uu ku jawaabay, “Waxay ahayd Kediso, laakiin waxa soo socday oo imanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qolooyin kale oo hay’ado ah oo Berri (maanta) imanaya, markaasaanu u qorhaynaynaa.”
Badhasaabka Gobolka Saaxil waxa kale oo uu Wargeyska Himilo u sheegay inay jiraan Qaxoonti kale oo saaran Dooni ka timi dalka Yemen, taas oo xilli habeennimo ah oo xalay ahayd soo gaadhay meel u dhow duleedka dekedda Berbera, waxaanu yidhi, “Dadkaasi waxay saaran yihiin Doon, lagamana soo dejin wali, markaas Berri uunbaanu ogaan doonaa tiradooda, waxay yihiin iyo dhalashadooda,” Sidaas ayuu ku jawaabay badhasaabka Saaxil.
Guddoomiyaha oo la weydiiyey sababta dadka qaxoontiga ah looga dejin waayey Doonta, waxa uu ku dooday maadaaama oo ay tahay xilli habeenimo ah inaanay suurta-gal ahayn inay ku soo xidhato dekedda Berbera maadama oo ay u baahan yihiin baadhitaanno lagu sameeyo, isaga oo xusay inay maamul ahaan u door-bideen xaaladda ammaan maadaama aanay kala aqoonsan karin xaaladdooda iyo cidda ay yihiin.
“Sidaas waxaanu u samaynay anigoo ilaalinaya nidaamka, haddii ay habeen tahayna, Dooni ama Markab ha ahaatee, waa in loo diyaariyo boos ay dekedda ka soo gasho, markaa sidaasaan ugu deynay dibadda inay ka joogto.Maalinta Berri (maanta) waxaanu la sugaynaa wasaaradda iyo hay’adp wada-socda oo Hargeysa ka soo bixi doona.”
Dhinaca kale, Dadka Qaxoontiga ah ee todobaadkan ka soo degay dekedda Berbera waxa ka hadlay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoonta ee UNHCR oo bartooda Twitter-ka ku baahiyey warkan, kuwaas oo ay ku sheegtay inay yihiin 32 qof oo u dhashay dalka Yemen oo waayeel iyo Carruur u badan, waxaanay hay’addu intaas ku dartay inay yimaaddeen magaalada Ticis oo u dhaxaysa Caasimadda dalkaas ee Sanca iyo magaalo-xeebeedda Cadan.
“Kooxihii u horeeyey ee ka soo qaxa qalalaasaha Yemen ayaa soo gaadhay Somaliland, xafiiska UNHCR waa heegan, waxaanu isu-diyaarinayaa inuu ka qayb-qaato isla markaana ka hawl-gala meelaha Xeebaha ah,” Sidaas waxa lagu sheegay farriin lagu faafiyey shalay barta twitter-ka ee hay’adda UNHCR.
Hay’adda UNCHR waxa ay xaqiijisay in dadkaasi muddo 12 saacadood u soo kala safrayeen xeebaha Yemen iyo Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa

No comments:

Post a Comment