Copenhagen, 28 March, 2015 (Himilo)- Gudoomiye-xigeenka Jaaliyadda Somaliland ee dalka Denmark Ikran Xuseen Yaasiin ayaa sheegtay inay rajo fiican ka qabto in dalka Denmark taageero ka geysto madaxbanaanida Somaliland, isla markaana ballanqaadeen fulinta codsi ay u gudbiyeen.
Ikran Xuseen Yaasiin, oo shalay ka qeybgashay kulan hay’adda DIIS oo iskaashiga caalamiga u qaabilsan Denmark soo qabanqaabisay, oo lagaga hadlayey arrimaha Soomaalida ayaa sheegtay inay fursad u heleen qaadhsiinta laba qoraal masuuliyiinta Denmerk oo ka soo qeybgalay kulankaa.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Denmerk Mr. Martin Lidegaard oo kulankaa joobjoog ahaa ayey sheegtay Ikran Xuseen, inay u gudbiyeen qoraal ka hadlayey wadaxaajoodkii burburay ee Somaliland iyo Soomaaliya, iyo mowqifka xukuumada Somaliland ee sii socoshada wadaxaajoodka.
Kulankaa oo lagaga hadlayey dib-u-dhiska Soomaaliya ayey Ikraan Xuseen, Gud-xigeenka jaaliyadda Somaliland ee Denmark, sidoo kale sheegtay inay dalab in dalkiisu dugsi lagu barto farsamada gacanta ka dhiso Somaliland, isla markaana macalimiin keento u gudbisay Wasiirka Horumarinta iyo Ganacasiga Denmarka Mr. Morgen Jensen oo ka aqbalay, si ardayda dugsiyada sare dhamaysata u helaan xirfado ay ku shaqeystaan.
Kulanka oo Ikraan Xuseen ku wehelinayeen Cabdirasaaq Axmed Ibraahim iyo cabdirasaaq Diinaari oo labaduba u ololeeya aqoonsiga Somaliland, ayaa noqonaya mid wax weyn ku biirin doonta dedaalka shacabka Somaliland guddo iyo dibed iyo xukuumadu ugu jiraan gaadhitaanka iyo helitaanka horumar iyo madaxbanaani dalku gaadho. Himilomeida
Hargeysa
No comments:
Post a Comment