Tuesday, March 24, 2015

Meherad Uu Nin Chines ahi ku Leeyahay Nairobi Oo Laga Mamnuucay Dadka Madowga ah Iyo Sababaha Keenay Oo Sharraxaad Laga Bixiyey

choNairobi:Mar,24,2015(Himilo)-Warbaahinta Waddanka Kenya, ayaa si weyn uqaadaa dhigaysa Sheeko ku saabsan Makhaaxi nin Reer Chine ahi ku leeyahay Magaalada Nairobi oo laga mamcuunay inay dadka Madowga ahi soo galaan.

Masuuliyiinta Meheradaas iska leh, ayaa haatan Go’aansaday inay Bulshada u sharraxaan sababta ay sidaas u yeeleen, iyagoo tilmaamay inay ujeeddadoodu tahay sidii ay Xarakada Al-shabaab uga Badbaadi lahaayeen.

Esther Zhao waa maamumalaha makhaayaddan waxaana uu mar uu la hadlayay wargayska Daily Nation uu sheegay inay dadka madowga ah uga mamnuuceen maqaayadooda inaan lakala garan karin inuu Al-Shabab yahay iyo in kale taasina ay keentay inayba iska joojiyaan in qof African ah uu maqaayadooda wax ka iibsado.

“Si aanu u badbaadino macaamiisheena kala duwan waxaanu ku fekernay inaanu Al-Shabab uga bad baadi karno inaanu iska joojino qof madow ah oo dhan” waxaa sidaas yidhi Esther Zhao oo ah maamulaha makhaayadaas.

Mas’uulkan Shiineeska ah waxaa uu sheegay maadaama Soomaaliya oo Kenya daris la ah ay Al-Shabab ku xoogan yihiin dalka Kenyana ay si joogto ah u weeraraan ay iskaba joojiyeen qof midabkiisu madow yahay si ay uga bad baadaan in Al-Shabab weeraraan makhaayadooda .

Wadayaasha taagaasida macaamiisha makhaayadaan geynaya ayaan loo ogoleyn inay gaadiidkooda gudaha makhaayada u galaan oo banaanka ayaa lagu celiyaa.

Wargayska warbixintaan qoray ee Daily Nation oo la xidhiidhay mas’uuliyiin Kenyan ah ayaa waxay ku tilmaameen arrin jinsi faquuq ah oo uu ganacsadahaas ku kacay isagoo jooga magaalo ay dad Madow ah leeyihiin.

Dhanka kale dad badan ayaa aaminsan in ganacsadahaasi aanu fahamsaneyn in Al-Shabab ay ku jiraan dagaalamayaal cadaan ah oo qaarkood kasoo muuqday muuqaalo ay Al-Shabab ka sameeyeen weeraro ay wadankaasi ku qaadeen.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment