Tuesday, March 24, 2015

Md Geedoole oo iftiimiyey dhaliilo ka jira Hannaanka Wasaaradaha loogu qaybiyo Miisaaniyadda

Hargeysa, 24 March, 2015 (Himilo)- Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof: Faarax Maxamuud Cilmi (Geedoole), ayaa sheegay inay dhalliili ka jirto hannaanka Wasaaradaha loogu qaybiyo Miisaaniyadda ay ku shaqaynayaan.
wasiirka-Beeraha-300x224wasiirka-Beeraha-300x224Wasiir Geedoole, waxa uu sidaa ku sheegay Munaasibad uu Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Somaliland xilka kagala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas Prof: Geedoole, waxaana Munaasibaddaas oo shalay lagu qabtay Huteel Imperial ee magaalada Hargeysa ka qaybgalay Masuuliyiin ka kala socday Golaha Wasiirrada, Golayaasha Baarlamaanka, Hay’adaha Madaxa-bannaan ee dawladda, Agaasimayaal, Saraakiil Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah qaarkood ka tirsan, Madax iyo Marti-sharaf kale.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Geedoole oo hadal ka jeediyey Xafladdaas waxa uu u soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan in Saami-qaybinta Miisaaniyadda Qaranka lagu saleeyo ama loogu kala sad-buriyo sida ay u kala muhiiimad badan yihiin.
Wasiir Geedoole oo ka hadlaya arrintaas waxa uu yidhi; “Wasiir Samsam waxaan ku dardaarayaa, waxaan ka mid ahay Guddiga Miisaaniyadda, waxaanay dhalliili iiga muuqataa Miisaaniyadda, waxaannu kala shaqaynaa Wasiirka Maaliyadda qaabka wax loo soo saarayo. Laakiin, weli kalamaannu shaqayn qaabka loo qorshaynayo, haddii la yidhaahdo; ‘Miisaaniyadda Wasaaraddu saddex Milyan ayey ahaan jirtay oo saddexdii ayuun baan uga dhigayaa sax maaha.’”
“Laakiin, waa inay Miisaaniyaddu ku salaysnaataa ahmiyadda ay Wasaaraddu u leedahay ummadda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland. Wasaaradda Beeraha ee aan ka sii socdo waxaan ugu imid iyada oo Miisaaniyaddeedu tahay Hal Bilyan iyo lix boqol iyo 150 qof oo shaqaale ah. waa nasiib-darro iyada oo ah Wasaaraddii laga rabay inay dalka u soo saarto cunto, hadda waxay maraysaa afar Bilyan, iyada oo shaqaalaheedu marayaan laba boqol iyo dheeraad, welina waa Wasaaradaha ugu hooseeya, waxaanan Wasiirka cusub ee Maaliyadda ku dardaarayaa si dalku cunto u helo inay Wasaaraddaas ogaato.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Maxamed Aw Daahir Ibraahim, ayaa Munaasibaddaa uu shalay xilka kula wareegay isaguna hadal kooban ka jeediyey, waxaanu yidhi; “Waxaan aad ugu faraxsanahay wasaaraddan la ii soo magacaabay oo aan dhawrkii maalmood ee aan booqday qof waliba lahaa Wasiir fiican ayaa nalaga beddelay (Geedoole), taasna macnaeedu waxa weeye in shaqaalahu aad u wanagsan yihiin, waxaad arkaysaa dad badan oo marka qof cusub ama Wasiir cusub la keeno yidhaahda Alleylehe Wasiirkii hore ha la beddelo, laakiin taasi kamay dhicin Wasaaradda Beeraha. Sidaa daraaddeed, Aniguna waxaan ballan-qaadayaa in waxaan idiin hagaajiyo mooyaane anaan waxba idinka xumaynin, anigoo leh waayo-aragnimo shan iyo labaatan sano ah. Waxaan aad ugu faraxsanahay waxyaabihii faraha badnaa ee halkan laga sheegay ee qabsoomay.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment