Thursday, March 26, 2015

Maraykanka Oo Ka Digay Qaraxyo Islaamiyiintu Ka Geystaan Waddanka Uganda

ugoKampala:Mar,26,2015(Himilo)-War dhiillo leh oo ka digaya Weerarro argagixiso oo lagu qaado Gudaha Waddanka Uganda, ayaa waxa soo saaray Safarada Mareykanku ku leeyahay Magaalada Kampala.

Warkan ayaa lagu sheegay suurtagalnimada Weerarro argagixiso oo lagu qaado Danaha Reer Galbeedka ee Dalkaas, waxana si gaar ah loo calaamadiyey caasimadda oo iyagu ah Goobta la Badhtilmaameedsanayo.

Bayaanka safaarada ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay qorshaynayaan Kooxda Al-shabaab ooh ore weerar kan oo kale ah uga geysatay Gudaha dalkaa, “safaarada waxa ay haysaa macluumaad la xidhiidha in Al-shabab ay qorsheenayaan weeraro ay ka fuliyaan meelaha ay iskugu tagaan muwaadiniinta reer galbeedka ay ku jiraan kuwa Mareykanka,” ayaa lagu yidhi Qoraalka Safaaradda kasoo baxay.

Safaarada waxa ay safaradooda dib u dhigtay diplomasiyiin doonayay maalmaha soo socda in ay tagaan Kampala xaalad amni awaadeeda.

Digniin noocaani oo kale waxa ay dowladda Mareykanka ay soo sartay sanadii hore oo ay uga digtay Uganda in Al-shabab ay doonayan weeraro ay ka geystaan dalkaasi.

Xarakada Al shabaab ayaa sanadii 2010-ki waxa ay sheegtay weeraro ay ka gesatay magaalada Kampala oo tobaneeyo qof ay ku dhinteen.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment