
Maxamed Cali Caynaan, ayaa sheegay in markii uu 5 bilood uu ahaa Taliye kooxda Wabar ka tirsan uu fahmay inaanay soconayn arrintani isagoo sababaynayana waxa uu yidhi “Ujeedadayadu waxay ahayd inaanu wadanka Burburino oo qabsanno oo annagu u sarrayno laakiin, waxaan u soo noqday dee maaha in wadanka la burburiyo oo Maatida,Caruurta iyo kaan Ordi karayn la burburiyo, haddii intaas la burburiyana dee waxa dambe ee aanu dhisaynaa waxba kama jiraan” ayuu yidhi Mr Maxamed Cali Caynaan.
Waxa uu Mr Caynaan sheegay inay ilaa 75 Maleeshiyo ah ku go’aansadeen inay dib ugu soo laabtaan Dawladda Somaliland, inta kalena isku dayi doonaan inay ku qanciyaan inay dalkooda ku soo laabtan balse Xukumadda ay abaal gud uga fadhiyaan.
Maxamed Cali Caynaan, waxa kale oo uu sheegay in Kooxda Wabar tiradeedu dhan tahay ilaa 300 Qof “Awooda waxaa haysta Wabar, oo Kooxdiisu waa ilaa 300, awooddooduna way iska liidataa, oo waxba ma haystaan” ayuu yidhi Mar Caynaan.
Taliye xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa isna soo dhaweeyay Nimankan soo goostay “Horta umaddani waa dad isku dan ah oo isku aragti ah. Waynu ogayn hawlo yaryar oo shaqaaqo ah oo gobolka ka bilaamay, muddo markii ay arrintu socotay ee la is fahansiiyay waxa meesha yaalana ay midhaheedii marayaan inay gurigoodii nabadgalyo ugu soo noqdeen, annaguna waanu idin soo dhawaynaynaa wixii baahiya ahna wixii nagu xidhan waanu ballanqaadaynaa inaanu wax ka qabano, wixii kalena idinkala shaqayno” ayuu yidhi Taliye Fooxle.
Badhasaabka Awdal Mr Ramaax, ayaa isna sheegay inay dawlad ahaan balanqaadayaan sidii loo qaramayn lahaa wixii baahiyo ahna wax loogala qaban lahaa Nimankan ka soo laabtay Maleeshiyada Wabar.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment