Wednesday, March 25, 2015

Madaxweyne Silaanyo Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ummada ka tacsiyeeyey geerida ku timid Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa ummadda Somaliland ka tacsiyeeyey geerida ku timid taliyihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland, marxuum cilmi rooble furre (Kabaal), Illaahay naxariistii janno hawgu deeqee oo ku geeriyooday dalka talyaaniga.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxtooyada ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Booliska, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta 25/03/2015 ku geeriyooday Dalka Talyaaniga.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.
Marxuumka oo markii u danbaysay ahaa Suldaan ka mida sulaadiinta Somaliland waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay rukun ka mida rukumada qarankani ku istaagay ee uu ku meel maray wakhti badana u huray dalkiisa iyo dadkiisaba, kana soo shaqeeyey talaabo kasta oo qarankani ku talaabsaday kuna taagan yahay.

waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa bulshada Somaliland ka tacsiyeeyey geerida ku timid Marxuum Cilmi Rooble Furre Kabaal.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, wuxuu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka, qaraabada, Ciidammada Booliska, bahda madaxdhaqameedka iyo shacabka Somaliland geerida Marxuum Suldaan/General Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta (25/03/2015) ku geeriyooday dalka Talyaaniga.

Marxuum Cilmi Kabaal waxa uu door wayn ka soo qaatay dhismihii ciidammada Qaranka iyo nabadayntii waddanka, isagoo laba jeer Taliye ka soo noqday Ciidanka Booliska Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu Marxuumka naxariista janno ka waraabiyo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan inaga siiyo Aamiin.

ALLAH MAHAD LEH

Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment