Thursday, March 26, 2015

Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida oo Dil iyo Xadhig ku kala xukuntay laba Askari oo ku eedaysnaa Dilka Ganacsade Gacmo-dheere

Hargeysa, 26 March, 2015 (Himilo)- Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka-sida ee Somaliland, ayaa shalay xukun dil toogasho ah ku ridday Maxamed Cabdillaahi Cabdi oo ah Askari si badheedh ah toogasho ugu dilay Allaah ha u naxariistee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmo-dheere) oo ka tirsanaa Ganacsatada waawayn ee dalka, waxaanay toban sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Askari kale oo warbixin been ah siiyey Askariga dilka geystay oo uu markii dambena la saftay.
maxkamaddaGuddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland Yuusuf Faarax Sharmaarke oo xukunkan Maxkamaddu gaadhay ku dhawaaqay shalay mar uu Wrabaahinta u akhriyayey, waxa uu yidhi; “Maxakamaddu shalayba (dorraad) way gabo-gabaysay Kiiska, waxaanay 2:30-kii soo saartay xukun labada Eedaysane ku waajahan, Gacan-ku-dhiigle Maxamed Cabdillaahi Cabdi oo Askari Booliska ka tirsan ah, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah. Alifle Maxamed Axmed Ismaaciil, waxaa lagu xukumay 10 sano oo Xabsi Militari ah.”
“Eedaysanaha 2-aad Ninka wax dilay isagaa u yeedhay oo warbixin been ah oo aan jirin buu siiyay, ‘waa la I jiidhay oo Kaantarroolkii baa xoog la igu dhaafay ee soo gurmo’ ayuu ku yidhi, cid xoog ku dhaaftayna ma jirin, markuu u yimid doorkii Taliye muu ciyaarin oo xabbadda ha ridin ma odhan, Askarigiina Xabbaddii buu Ninkii ku dhuftay, markii Askarigiisii dilka geystayna muu samayn inuu gacan-ku-dhiiglaha qabto iyo inuu Marxuumkii gargaar u fidiyo toona ee wuu la saftay Askarigii dilka geystay oo difaac bay wada galeen.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidammada Somaliland Yuusuf Faarax Sharmaarke.
Waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammadu sheegay inay Maxkamaddu u cuskatay xukunnadan Xeerarka Ciqaabta guud, marin-habaabinta ama been u sheegidda Ciidammada ee xilliga nabadda iyo Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ee ka hadlaya qisaasta ama in ciddii badheedh cid kale u disha loo dilo iyo shuruucda kale ee dalka ee kiisaskan la xidhiidha ama loo adeegsado.
Allaah ha u naxariistee Ganacsadaha uu Askarigan maanta la xukumay toogashada ku dilay Axaddii toddobaadkan isagoo ka mid ahaa Wefti Wasiirka Caafimaadku hoggaaminayey oo markaa marayey degmada Sabo-wanaag ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa ahaa Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmo-dheere) oo wakhtigan nin wayn ahaa, isla markaana ka mid ahaa Ganacsatada waawayn ee Soomaaliyeed iyo kuwa Somaliland ee kontonkii sannadood ee u dambeeyey ku dhex-jiray Shaqada Ganacsiga.
Marxuumka, ayaa 24-kii bishan oo ku beegnayd Salaasadii dorraad Aas Qaran oo ay Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee dawladdu dadweynaha kala qaybgaleen loogu sameeyey Xabaalaha Naasa-hablood ee Bari-Waqooyi ee magaalada Hargeysa, markii uu Meydkiisu laba habeen yaallay Cusbitaalka guud ee Caasimadda ka dib.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment