- Waxa uu ka hortaga kansarka iyo wadno-xannuunka
- Malabka dabiiciga ah ee shinnida laga helo waxa ku jira maadooyinka ay ka mid yihiin Flavonods iyo Antioxidants, kuwaasoo hoos u dhiga khatarta xannuunada Kansarka iyo wadne-xannuunka.
- Waxa uu yareeyaa boogaha uur-ku-jirta ku dhaca:
- Malabku waxa uu faa’iido u leeyahay in ay bogsadaan xannuunada amma boogaha ku dhaca uur-ku-jirta sida bakteeriyada la yidhaa mindhicarada ku keenta in boogi ku dhalato (bacterial Gastroenteritis) sida lagu iftiimiyey cilmi-baadhis dhawaan la soo saaray.
- Malabku waxa uu ka hortagaa Bakteeriyada amma Fungal:
Warbixin uu soo saaray nin la yidhaa Peter Molan oo ah Agaasimaha Mac-hadka Cilmi-baadhista Malabka ee Jaamacadda Waikato ee dalka New Zealand ayaa tilmaantay in malabku ka hortago walxaha dhaliya cudurrada ee jidhka dibada ka soo gala. Waxa ay cilmi-baadhistu arrintaas ku sababaysay in shinnidu malabka ku tarto dheecaan (Enzyme) sameeya curiyaha la yidhaa Hydrogen Peroxide oo ka hortaga bakteeriyada iyo wixii la hal maala.
Malabku wuxuu u fiican yahay ciyaaryahannada kala duwan:
Ciyaaryahannadii hore ee ciyaaraha fudud ka qaybgeli jiray (ancient Olympic athletes) waxay cuni jireen malabka si awooddooda iyo jidhkoodu u noqdo mid dhisan. Waxa hadda daraasado cusub oo casri ah shaaciyeen in awooddooda kobciyo malabku, kana dhigo qaar haddii dhaawac soo gaadho hore u kabta.
Malabku wuxuu daawo ka yahay qufaca iyo riiraxanyada:
Malabku waxa uu daaweeya qufaca sida lagu iftiimiyey daraasad laga qaaday 110 carruur ah, kuwaasoo la siiyey malab, kadib markii qufac ay kala joojin waaayeen, halka sidoo kale joojiyo riiraxanyada amma cuncunka cunaha ku dhasa. Qofka dhibaatooyinkan ay lasoo darisaan marka kalluunka la siiyo uu si fudud u seexdo.
Waxa uu daawo ka yahay xannuunno jidhka ku dhaca:
Malabka oo ay isticmaali jireen khubaro la odhan jiray Ayurvedic Medic oo Hindiya ku noolaa 4000 sanno ka hor waxay inta badan ku daawayn jireen in ay ku dheeli tiraan qaybo badan oo jidhka ka mid ah sida araga, miisaanka jidhka ee qofka luma amma inay ku daweeyaan haweenka dhiciska dhala si ay hore ugu umulaan, kaadi-markeenka xannuunada ku dhaca amma xiiqda, shubanka iyo waliba yalaalugada.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment