Hargeysa, 26 March, 2015 (Himilo)- Dadweyne isugu jira madax-dhaqameed, Haween iyo Carruurta deggen xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa, ayaa isu-soo-bax ballaadhan ka dhigay xaafaddaas, kaas oo ay kaga horjeedaan taageerayaal ka soo jeedaa Beelaha Gaboobe oo shalay ku biiray Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo munaasibad soo-dhawayn ah ku qaabilay.
Isu-soo-baxa shalay ka dhacay Xaafadda Daami oo laga dareemayey inay Xisbiyada Mucaaradku ku lug leeyihiin oo dabada ka riixayaan, gaar ahaan Xisbiga Waddani, waxa ka dhex-muuqday oo dadweynaha la hadlay madax-dhaqameed ay ka mdi yihiin Boqorka Beelaha Gaboobe Boqor Axmed Ugaas Iimaan Warsame iyo Suldaan Daakir Xasan Khaliif.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo khudbad ka jeediyey dadweynaha, ayaa isu-soo-baxa dadweynaha Xaafadda Daami ku tilmaamay mid lagaga soo-horjeedo xaalad deg-deg ah oo beesha la soo daristay, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Maanta (shalay) waxa umadda soo saaray ee halkaa isugu keenay waa Xaalad deg-deg ah oo la soo deristay beesha aanu ka soo hor-jeedno ee Gabooyaha. Xaaladdaas deg-degga ahi waxa weeyi, waxaanu naqaannay umaduhu markay dhoofayaan ama ay aadayaan dalalka shisheeye marka ay dhibaataysan yihiin, Gabooye ayay isku dhiibi jireen, taana waanu soo dhawayn jiray in ummad dhibaataysan isku-dhiibaan magac-yadayada. Maanta Xukuumadda jirta iyo Xisbiga Kulmiye waxay keeneen inay urursadaan Ummad aan u dhalan Gabooyaha oo ay ku shiriyaan magaca Gabooye oo ay yidhaahdeen waa Gabooye. Waxaanu leenahay maanta dalkeenna waxa ku soo fool-leh wanaag iyo Kheyr, waxa ugu horreeya Roob-baa inoo da’ay Illaahay ha inoo barakeeyee, roobkii wuxuu keenay barakac badan, dad badan buu dhibaato u geystay. Xoolaha ay ku bixinayaan inay umado kale magacyo iyo reero ugu sameeyaan, umaddaa dhibaataysan ayaa u baahnayd inay siiyaan, laakiin maanta Gabooye uma baahna in lagu dhex-ololeeyo oo la yidhaahdo maadaama ay qaateen inay isaga tagaan xukuumadda oo ay u diga-rogtaan Xisbiga Waddani, waxay damceen inay sameeyaan arrin aan wacnayn,” ayuu yidhi Suldaan Daakir.
Isaga oo sii watay khudbadda uu dadka u jeedinayey, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaanu u sheegaynaa umadda reer Somaliland, haddaanu nahay madax-dhaqameedkii iyo Odayaashii Beesha, dadka maanta (shalay) halkaa lagu duufsaday ee lagu kaxaystay umaddayada maaha.
“Afar shakhsi baa nagaga jira, intaasna horaanu u sheegnay oo kolley qaar baa albaabada Xukuumadda taagan oo quud-daraynaya,” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Daakir.
Bannaan-baxa oo si salmi ah ku dhammaaday, waxa kale oo hadallo ka jeediyey Madax-dhaqameed, Odayaal iyo Haween ka tirsan shacabka xaafaddaas, kuwaas oo dhammaantood iska-daba maray inay beel ahaan hore u go’aansadeen taageeradooda inay kala laabtaan xukuumadda Kulmiye, sidaas awgeed, aanay beesha metelin taageerasha shalay ku biiray Xisbiga Kulmiye.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment