Tuesday, March 24, 2015

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo Xilka la wareegay iyo Agaasimihii hore oo Wax-qabadkiisa soo bandhigay

Hargeysa, 24 March, 2015 (Himilo) Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa shalay xilkii u kala wareejiyey Agaasimahii Guud ee hore Dr. Cismaan Xuseen Warsame iyo Agaasimaha Guud ee dhowaan Madaxweyne Siilanyo u soo magacaabay Dr. Yuusuf Cali Axmed oo ka dhacya huteelka Crown ee magaalada hargeysa.
vlcsnap-2015-03-23-22h35m36s89Xafladan xil-wareejin oo ka soo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan goleyaasha qaranka, madaxda hay’adaha caalamka ee wadashaqeynta ay wadaagaan wasaarada Caafimaadka, shaqaalaha wasaarada iyo martishafar kaloo lagu soo martiqaaday.
Xafladaa oo ugu horeyn masuuliyiin ka tirsan wasaarada caafimaadku ku soo bandhigeen waxqabadkii mudadii uu xilka wasaarada hayey agaasimahii la bedelay ayey sidoo kale ka hadleen xubno ka mid ahaa dhinacyada wada shaqeynta ay wadaagaan wasaarada Caafimaadka.
Dr. Cismaan oo si kooban uga hadlay waxyaalahii u qabsoomay muddadii uu xilka Wasaarada Caafimaadka hayey iyo siyaasadii Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) u dejiyey eek u shaqeynayeen ayaa sheegay in qorshahoodu ahaa sidii degmo walba u yeelan lahayd cusbitaal gaar ah si loo yareeyo culayskii Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, waxaanu yidhi, “Waxaa noo qorshaysnaa in degmo kastoo la aqoonsan yahay, oo doorashooyinka laga codeeyo yeelato cusbitaal u gaar ah, 21 degmo ayaa la aqoonsan yahay, waxaanu kordhinay sided cusbitaal cusub, guud ahaana 19 degmo ayaa leh cusbitaalo maanta, inta hadhsana waxaan filayaa in agaasimaha cusub dhamaystiri doono.
Dr. Cismaan ayaa ka hadlay in waxqabad kasta u baahan yahay qorshe loo diyaariyo, si looga baxo malo-awaal, sidaa darteedna ay ku guulaysteen inay dejiyaan siyaasadii caafimaadka waxaanu yidhi, “waxaanu dejinay siysaado badan oo caafimaadka la xidhiidha, sida siyaasada nafaqeynta, waxaan dib-u-eegis iyo kaabid ku samaynay siyaasadii dawooyinka, oo markii hore xaalkeedu hoosaysay, sidii loo kobcin lahaa, isla markaana loo heli lahaa xirfadyaqaano goobaha lagu iibiyo. Waxa la bilaabay sharciga caafimaadka. Waxa dhamaystiray Siyaasada Talaalka EPI ga. Waxa la meelmariyey siyaasada Gudniinka Fircooniga ah iyo kuwo kaloo badan.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee dhowaan Madaxweyne Siilanyo u magacaabay wasaarada Caafimaadka Dr. oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu mahadcelin u celinayo Madaxweyne Siilanyo magacaabistiisa xilkan culayska leh, una ballanqaadayo inuu u guto sida waajibkeedu yahay waxaanu yidhi, “waxaan ugu horeyn u mahadcelinayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanyo xilkan uu ii magacaabay ee hawsha weyn, dhibka iyo sharaftaba huwan, waxaanan u ballanqaadayaa in malahiisii ahaa inaan xilkan gudan karo aan sida ugu xilkasnimada badan ee mas’uuliyad ay ku jirto aan uga soo bixi doono. Sidoo kalena shacabka Somaliland-na sidaa ayaan u ballanqaadayaa, hadii ilaah yidhaahdo.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla Toosiye) oo gebagebadii ka hadlay xafladaa xilwareejinta agaasimeyaasha guud ayaa sheegay inuu kheyr u rajeynayo agaasimahii xilka laga bedelay, sidoo kalena agaasimaha cusub u rajaynayo in ilaaha u fudueeyo xilka uu qaaday.
Dhinaca kale, Warbixin kooban oo isbedelka ku yimi cusbitaalada magaalooyinka qaarkoo mudadii xilka uu hayey agaasimahii hore Caafimaadka Dr. Cismaan oo madashii xilwareejinta shalay lagu soo bandhigay ayey ka mid ahaayeen:
Cusbitaalka Ceerigaabo;
Cusbitaalka Ceerigaabo dib ayaa looga shaqeysiyey isagoo xidhmay .Waxaa lagu sameeyey dib u habayn maamul .Waxaa lageeyey dhakhtar si joogta ah uuga hawlgala .Waxaa loo helay mashruuc SSDF oo maalgelinaya Cusbitaalka lacag dhan 2.5 million
Cusbitaalka Laascaanood;
Cusbitaalka dib ayaa looga shaqeysiiyey laguna sameeyey dib u habayn maamul. Waxaa lagu soo kordhiyey dhisme cusub Waxaa loo helay mashruuc SSDF oo maal gelinaya 2.5 million
Cusbitaalka Hargeysa HGH;
Waxaa laga bilaabay dhisme cusub oo ah emergency (ICU oo hore loo furay. Waxa kale oo la dhagax dhigay, lana dhisayaa 60 payment ward oo cusub .Waxaa laga shaqeysiiyey xarun ilakaha lagaga shaqeynaaayo. Waxaa lahagaajay bilicda cusbitaalka iyo dayrka hore oo ladhisay Waxaa lagu daray waadh cusub oo lagu xanaaneeyo hooyada umusha iyo Carruurta muujayga ah ee dhallata.
Cusbitaalka Borama;
Waxaa lagu daray waadhka lagu xanaaneeyo Carruurta muujayga ah ee dhalata. Waxaa lagu daray waadh cusub oo lagu xanaaneeyo hooyada umusha iyo Carruurta muujayga ah ee dhalata.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment