Ceerigaabo, 31 March, 2015 (Himilo)- Wefti ka kooban Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaad, Waxbarshada, Kalluumaysiga iyo Wasiirul-dowlaha Maaliyadda, ayaa socdaal ay ku timaameen inuu jawaab u yahay safar maalmod qaatay oo madaxweynuhu ku maray deegaannada Xeebaha waxa ay ku gaadheen gobolka Sanaag, halkaas oo ay u dhagax-dhigeen mashaariic hor leh.
Afarta Wasiir oo ay weheliyaan Masuuliyiinta heer gobol ee Sanaag, waxa ay mashaariic ka dhagax dhigeen Degaannada Conqor, Xiis iyo Maydh, kuwaasi oo laga hirgalin doono Qaboojiyeyaal ay isticmaalaan kalluumaysatada degaannadaasi.
Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglotoosiye,Wasiirka Waxbarashada Prof Faarax Geedoole, Wasiirka Kalluumaysiga Cali Buureed iyo Wasiiru dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid, waxa ay deegaannadaas u dhagax-dhigeen mashaariic lagu horumarinayo wax-soo-saarka kheyraadka badda, gaar ahaan kalluumaysiga, iyada oo dadka kalluumaysatada ah laga taageerayo adeegyo wax ka tari doona horumarinta wax-soo-saarkooda.
Wasiir Geedoole oo bulshada kula hadlay degmada Xiis, oo ay ka dhagax dhigeen Qaboojiyeyaal Kalluumaysatadu u adeegsato Kaydinta Kalluunka, ayaa sheegay in Mashruucaasi degmada ku soo celin doono Kaluumaysatada, “Insha Allah Mashruucani wuxuu noqon doonaa mid dadkii Kalluumaysatada ahaa ku soo celiya Magaalada, Horumarkuna wuu soo kala horeeyaaye dawladdeenu waxay hadda ku talo jirtaa inay meel kasta wax ka qabato,” ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadu.
Weftiga ayaa sidoo kale gaadhay Degmada Maydh oo Xukuumaddu ka fulinayso mashruuc lagu hirgelinayo Qaboojiyeyaal iyo dayax-tirka Dekedda Maydh, waxaana halkaasi ka hadlay wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac Buureed, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dekeddaas oo Talyaanigii Sameeyay oo Looxyadaasi ugu dambeeyeen cid ka dambeysayna aanay samayn, waxaynu maanta meesha u joognaa inaynu gaadhsiino halka Doonyahaasi joogaan oo Doonyuhu ku soo xidhaan” ayuu yidhi Wasiirka Kaluumaysigu.
Wasiir Xaglotoosiye, ayaa isna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi, “Warkaanu wadno iyo Mashaariicda aanu wadno waa kuwo la xidhiidho Socdaalkii Madaxweynuhu ku maray gobolkan. Madaxweynuhu markuu arkay Baahida rasmiga ah ee Goboladan taala wuxuu muhiimadda koowaad siiyay Gobollada Sool iyo Sanaag oo aad uga dambeeya Gobolada intooda kale.”
Waxgaradka degaannadaasi iyo Maamulka Sanaag ayaa ka mahadceliyay mashaariicda Xukumaddu degaannadaasi ka qabanayso oo ay uga mahad-celiyeen.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment