
Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf Nuur oo ay weheliyaan jaaliyadda magaalada Washington, ayaa Md Cabdiraxmaan Saylici iyo weftiga wehelinayey ku qaabiley garoonka diyaaradaha ee Washington, iyaga oo markii dambena weftiga ku qaaday baabuurta wufuudda Caalamiga ah lagu soo dhaweeyo,loona galbiyey Hotelka ay ka degayaan oo loo sii diyaariyey.
Madaxweyne ku-xigeenka oo saxaafadda kula hadlay gegida diyaaradaha ee Washington, ayaa yidhi, “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay tiriibkii koowaad ee aan yimaaddo Maraykanka oo runtii ah socdaal dheer oo intii aan noolaa usoo kicitomo ah. Waxaan aad ugu faraxsanahay sida qiimaha leh ee ay noo soo dhaweeyeen Jaaliyadda Somaliland ee halkan deggen.”
Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa la filayaa inuu isaga dab-qaado Afar magaalo oo ay ku jirto Caasimadda dalkaas ee shalay uu gaadhay, waxaana qorsheysan inuu kulankiisa u horeeya maanta la yeesho jaaliyadda magaaladaWashington, halka maalinta Berri ahna ay u qorsheysan tahay inuu la kulmo jaaliyadda magaalada Minnesota. Sidoo kale, waxa uu madaxweyne ku-xigeenku maalmaha Jimcaha iyo Axadda ee todobaadka soo socda kulamo la yeelan doonaan Jaaliyadda Somaliland ee magaalooyinka Seattle iyo Columbus ee dalkasi Maraykanka oo madaxweynuhu ku soo af-meeri doono Safarkiisa Maraykanka, isaga oo u gudbi doono waddanka Canada oo soo-dhawaynta weftiga looga diyaar-garoobayo, isaga oo halkaas kulamo kala duwan kula qaadan doono jaaliyadaha ku dhaqan dalkaas.
Himilomeida
Hargeysa
No comments:
Post a Comment