Wednesday, March 25, 2015

Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliska Somaliland Oo Maanta Geeriyooday

kabaa

Hargeysa:Mar,25,2015(Himilo)-Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland General Cilmi Rooble Furreh(cilmi kabaal), ayaa Maanta Cisbitaal ku yaalla Dalka Talyaaniga ku Geeriyooday.

Marxuum Kabaal, ayaa Halkaas loogu qaaday Xanuun dhinaca wadnaha kaga soo booday, waxana Dhimashadiisa Warbaahinta u xaqiijiyey Qaar kamid ah Ehelladiisa.

Marxuum Kabaal oo tiraba laba goor soo qabtay Hoggaanka Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa lagu beddelay Taliyaha Xilligan ee Ciidanka Boliska General Cabdilaahi Fadal.

Taliyihii hore ee ciidamada booliska ayaa la sheegay in la keeni doono dalka iyada oo loo samayn doono aas qaran.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment