Hargeysa, 26 March, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa ka hadlay geerida ku timi Allaah ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi-Kabaal) oo shalay ku geeriyooday waddanka Talyaaniga.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa uu marxuum Cilmi Rooble Furre oo markii u dambaysay ahaa Suldaan ka tirsan madax-dhaqameedka Awdal, ku tilmaamay tiir Qaranka ka baxay oo dib-u-dhiskiisii iyo horumarkiisii dowladnimona kaalin muhiim ah ka soo qaatay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo xambaarsan dhambaalka tacsida ah ee madaxweynaha iyo tilmaamaha uu ka bixiyey shakhsiyaddii marxuumka, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Booliska, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo 25/03/2015 ku geeriyooday Dalka Talyaaniga.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.
Marxuumka oo markii u danbaysay ahaa Suldaan ka mida sulaadiinta Somaliland waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay rukun ka mida rukumada qarankani ku istaagay ee uu ku meel maray wakhti badana u huray dalkiisa iyo dadkiisaba, kana soo shaqeeyey tallaabo kasta oo qarankani ku talaabsaday kuna taagan yahay.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Madaxtooyada.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistii Suldaan Cilmi-Kabaal oo ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo tacsida guddoomiyuhu u diray marxuumka lagu faafiyey, ayaa u qornaa sidan: “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, wuxuu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka, qaraabada, Ciidammada Booliska, bahda madaxdhaqameedka iyo shacabka Somaliland geerida Marxuum Suldaan/General Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta (shalay) (25/03/2015) ku geeriyooday dalka Talyaaniga.
Marxuum Cilmi Kabaal waxa uu door wayn ka soo qaatay dhismihii ciidammada Qaranka iyo nabadayntii waddanka, isagoo laba jeer Taliye ka soo noqday Ciidanka Booliska Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu Marxuumka naxariista janno ka waraabiyo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan inaga siiyo Aamiin.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Kulmiye.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment