Hargeysa, 24 March, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan, ayaa shalay Golaha Wakiillada hortagay, sharraxaad qoto-dheerna ka bixiyey Xeer ay Wasaaradda Duulistu Curisay wakhti horena u gudbisay Golaha ansixintiisa ku darsaday Ajandaha Kalfadhigooda 27aad oo todobaadkii hore furmay, kaas oo ujeeddadiisu sidii loo abuuri lahaa dhismaha hay’ad madax-bannaan oo la wareegi doonta maamulka Duullimaadyada Madaniga ah ee dalka.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ugu horeyn ka hadlay fadhiga shalay ee Golaha, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Mudane Gudoomiye, mudanayaal, waxaan ugu horayn idiinka mahad celinayaa, yeedhmada uu goluhu noo yeedhay taas oo ku jirta nidaamkeena wada shaqayneed, farxad wayna way noo tahay inaanu golaha hor nimaadno aniga iyo Agaasimaha wasaaradda duulista, si aanu sharax kooban uga bixino, xeer golaha hor-yaala, kaas oo nuxurkiisu uu yahay in lagu aas-aaso hay’ad madax-banaan oo Qarankani uu leeyahay oo isu du’da, Agaasinta hawlaha duulimaadyadeena madaniga ah. Qarankan Somaliland ee aynu soo yagleelnay wakhti dheer ka hor, maantana baarka ka jaray dhawr iyo labaanka gu’ ilaayo hada ma laha hay’ad shaqadaas inoo qabata, sidoo kalena ma laha Xeer lagu maamulo hay’addaas. Hay’adaha noocan oo kale ah digreeto iyo wareegto midna laguma sameeyo, waxay u baahan yihiin xeer nidaamsan oo waafaqsan shuruucda caalamka aynu la shaqaynayno iyo xeerka hay’ada duulimaayada adduunka. Waxa kale oo uu u baahan yahay xeerkaasi in hay’adda sharci-dajinta ee qarankan ee aad idinku aad kow ka tihiin inay ansixiso,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Wasiir Xaashi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaanu rumaysanahay in baahi weyn loo qabo in la abuuro hay’addaas, waxa kale oo aanu rumaysanahay in xeerkaas la dajiyo in baahi weyn aynu u qabano, waxa ku jirta sumcaddeena qaranimo, waxa kale oo ku jirta wada-shaqaynta aynu dunida la shaqaynayno. Qarankii aynu ka go’nay ee Soomaaliya la odhan jiray waxa loo sameeyey xeer Number 13 oo September 1965-kii soo baxay oo maamuli jiray duulimaadyada madaniga ah ee wadankii Soomaaliya la odhan jiray. Wax ka dambeeyey oo aynu samaynayna ma jirto, meel-marinta xeerkan oo aad habaysaan iskuna-dubba riddaan, kana gudataan waajibkiina dastuurriga ah, wuxuu dhidibbada u adkaynayaa qaranimada dalkan iyo meel marka sumcadiisa.”
Wasiirka oo sharraxayey sida dhismaha hay’addani ula jaan-qaadi doonto nidaamyada caalamiga ah ee dowladaha dunidu isticmaalaan iyo Cidda Wasaarad ahaan ka caawisay dejinta Xeerkan iyo marxaladihii diyaarintiisu soo martay, waxa uu yidhi, “Dunidu waxay leedahay Hay’ado u qaabilsan shaqooyinkaas halka inaga ay immika Wasaaradi ka maamusho shaqadaas (Maamulka Duullimaadyada), imika waxaanu ku maamulnaa anaga oo hay’ad fulineed ah, dunida shaqadaas Wasaarado ma maamulaan duulimaadyada madaniga ah. Ujeeddada looga madax-bannaaneeyey waxa weeye waa inay noqoto hay’ad ka madax-bannaan hay’adaha fulinta, oo madax banaani leh, waa inay noqoto mid si madax-banaan u baadhi karta shilalka iyo dhibaatooyinka ka dhaca hawadeena iyo muranada ka soo baxa, baahidaas anaga oo ka duullayna waxaanu kaashanay dawladda Ingiriiska oo aanu waydiinsanay inay naga caawiyaan samayntii Xeerka, baahiduna ay tahay awood badan oo aynaan u lahayn xagga aqoontaas, waayo raggeenii hore ee aqoontaas duulimaayada madaniga ah bartay hadda way gaboobeen, waxaynu u baahan nahay dad dhiig cusub ah in la baro aqoontaas, dawladda Ingiriiska anigoo hortiina ugu mahad celinaya, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha dibada (FCO) , waxay lacag badan ku bixisay in Xeerkan ay khabiiro u soo kirayso, ilaa laba nin ayey u soo kireeyeen, labadaas oo mid uu maalin halkan golaha uu ila socday, waxay ahaayeen rag ku takhasusay duulimaadyada madaniga ah, waxay ahaayeen rag in badan ku soo shaqeeyey, iyagaa xeerkan isku soo dubba riday.”
“Waddamada iyo hay’adaha aynu wada-shaqaynaa dhamaantood waxay na waydiiyaaan ma leedihiin xeer Madax-banaan, haddii aynu xeerkan dhammayno waxaynu ka baxsan doonnaa su’aashaas weji-gabaxa ahayd, waxa aynu u heli doonaa jawaab sugan, isaga ayaana laga dheegayaa qaabka duulimaayadeena madaniga ah. Xeerkani wuxuu ka kooban yahay laba qaybood, qaybi waa Rukumada uu ku taagan yahay oo waxaynu raacanaynaa nidaamka Hay’ada ICAO, waana inaynu dunida uga ekaanaa, waa inay waafaqaan mabaadiida (Chicago Convention), ee ay dunidu ku heshiisay, waxyaabahaas waa inuu xeerkanu waafaqayaa, arrimaha qaarkood dunidu way ku kala duwanaataa, hab-dhaqan gaara ayuu wadan waliba leeyahay. Dunidu way ogoshay sida aad adigu u waafajinayso dhaqankaaga oo waa laguu ogowl yahay, laakiin waa inuu waafaqaa nidaamka caalamiga ah ee dunidu inagula shaqaynayso. Haddii uu xeerkaas mabaadiidaas ka tago wuxuu noqonayaa xeer jaba oo bar-kuma-taal ah, si aaanu arrimahaas uga taxaddirno ayaanu khuburadaas u waydiisay dawladda Ingiriiska. Khuburadaasi markii ay soo diyaariyeen xeerka waxaanu qaadnay laba tallaabo oo kale; Hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ee ICAO ayaanu waydiisannay nin kale oo khabiir ah oo aanu xeerkii u dirnay si uu isaguna u soo eego maadaama iyaguna ay naga doonayaan inaanu buuxino shuruudahooda, isaguna wuxuu qiray xeerkeenu inuu rukumadii leeyahay. Sidoo kale markii aanu intaas soo dhamaynay waxaanu u gudbinay Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland oo runtii haddii ay tahay turjimaaddii iyo diyaarinta nuqulkiisa Soomaaliga ah-ba iyagaa diyaariyey, xeerka iyagaa turjumay nuqulkiisa rasmiga ahina wuxuu noqonayaa kaas Ingiriisiga ah, waayo duni ayeynu la shaqaynayaa wixi ka xumaada turjumaadiisa isaga ayaa loogu noqonayaa, iyagaa isku soo dubba-riday sidaas ayaanu Golaha Wasiirrada ku gaynay.
Markaan soo koobo xeerkani wuxuu kala saarayaa shaqada Wasaaradda Duulistu ay immika hayso, wuxuu u kala saarayaa laba; Wasaaradda wuxuu ku reebayaa samaynta siyaasadda, Jaan-goynta, Hillaadinta iyo wixii la mid ah. Hay’addana wuxuu ka dhigayaa inay noqoto qaybtii fulinta, wayna wada shaqaynayaan.
Xeerkani wuxuu qeexayaa awoodaha Wasaaradda, kuwa Wasiirka, ka Agaasimaha hay’adda, boodhka ay hay’addu yeelan doonto iyo si la mid ah,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Hawada.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo sharaxaad ka bixinayey sida ay hay’addani u shaqayn doonto iyo muhiimadda dhammaystirka Xeerkani u yeelan doonto Qaran ahaan, waxa uu yidhi, “Dunidu qaabab badan oo kala duwan ayey u samaysataa, marka laga tago mabaadiisa ugu muhiimsan ee ay tahay in la wada adeeco, hay’adaha dunidu isku wada mid maaha, qaar waa kuwo si dhamays tiran u madax banaan oo u shaqeeya, oo waxa xukuma Boodh awood leh oo go’aamo iyo gudoono culus leh, qaarkoodana Wasaarado ama Hay’ado fulineed ayey Hoos tagaan, anagu waxaanu qaadanay qaybtaas ay Wasaarada Line Ministry-ga u tahay Hay’adda, waxana uu nidaamkaasi la mid yahay nidaamka ka jira dawaladaha ay dariska nahay ee Itoobiya iyo Jabuuti, iyo wadamado badan oo Carbeed. Maraykan iyo Ingiriis nidaamkooodu waa mid si dhamays tiran u madax banaan, maadaama aynu nahay dal yar oo curdin ah oo wali nidaamkiisa dawladnimo aanu aad u adkeyn, waxaanu dooranay nidaamkaas dadka aynu isku kabaha nahay ay leeyihiin in keenu uu jilo. lnaga oo ilaalinayna Rukumada guud ee aas-aasiga xeerkan u ah, Hay’addu sidaas ayey u dhignaan doontaa, waxaan rajeynayaa inaad idinku akhriyi doontaan, ka doodi doontaan, toosin doontaan. Xeerkan baahi weyn ayuu dalkeenu u qabaa, culaysyo badan oo caalamiyana uu nagu haya, oo maalin walba waxa nala yidhaa Xeer ma leedihiin. Immika waxaynu ku jirnaa wada-hadaladii maamulka hawada ee Soomaaliya, wuxuu xeerkani caawinayaa Meeqaamkeena aynu ku doonayno in hawadeenna aynu gaar u maamulano, wuxuu jidaynayaa inaynu nahay Qaran Madax-bannaan, wuxuu u quus goynayaa dadka uu muranku innaga dhexeeyo oo waliba iyaguna ku guda jira inay Xeer sameeyaan, Hay’adna sameeyey iyagoon xeerkiisa samayn.”
“Waxaan Golaha si xushmad leh ugu cosanaynaa in xerkaas sida ugu dhakhsaha badan loo qabyo tiro, waxaana is leeyahay Qodaxda iyo shalintaba waanu ka soo idlaynay.Aad iyo aad baana u mahad san tihiin Mudanayaal.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud.
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan, ayaa mudanayaasha Golaha Wakiiladda ugu jawaabay su’aal ku saabanayd haddii Wasaaradu wax wada-tashi ah kala samaysay shirkadaha Diyaaradaha ee Maxaliga ah wakhtigii ay Xeerka qabyadiisa diyaarinayeen, waxaanu yidhi, “Horta qoladan Airline-nada, dhinacyada ay khusayso meel kuma kala maqnin, waayo Wasaaradayadu adeeg rasmi ah ma siiso dadka, iyagaa adeegii siiya, maalin kasta galinka hore iyo galinka danbe waanu is aragnaa, laakiin waxaa jira dano is khilaafaya masaaliix ay ilaashanayaan, maanta Dalka Jabuuti, Kiiniya, Iyo Dubai dhamaan dunidaa ay ka dhoofaan oo dhan Xeerkan oo kale ayaa ka jira, markaa way ka baqaan tusaale ahaan rakaabka hadaad subaxa keento oo kale, lanbarkii ganaaxayey Jabuuti ayuu u yaalaa, Kiiniyana wuu u yaalaa, markaa Berbera iyo Hargaysa waxay u arkaan meel aan shuruuc badan lahayn, markay doonaana ay shuruucda iska jabiyaan, markaa Xeerkani Ganaaxa uu wato ee fasilaada lagu samayn doono, ayey ka sii yara cabanayaan, laakiin wax toos u taabanaya oo shaqadooda dhibataynaya maaha.”
Agaasime Cumar Cabdilaahi waxa uu intaas ku daray, “Qodobka labaad Xeer kani waxa uu soo jeedinayaa Diyaaradahii Caalamiga ahaa sidaa Wasiirku sheegay in ay Dalkeena yimaadaan, iyaguna suuqa way iska haysteen kaligood markaa taasina culays ayey ku keenaysaa, wasaarad ahaan anagu arintaas siyaasad ayaanu ka leenahay, waxaanu rabnaa in diyaaradihii caalamiga ahaana yimaadaan, kuwanina aanay kicin oo aanay musalafin, ayaamaha loo xadido, oo suuqana waanu naqanaa tirada dadka dhoofaya ee ku jira, waxa la yidhaa Free Done 5 Iyo Free Done 6 in aanu ilaalino Diyaaradaheeniina ayaamo la siiyo, wixii tasiilaad Dawladu u sameyn karto loo sameeyo oo ay ka qiimo hooseeyaan,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Md Cumar Sayid.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment