
Guddoomiye Cirro oo maanta Saxaafadda kula Hadlayey Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa ku baaqay in si degdeg ah arrintaas baadhitaanno loogu sameeyo,
“Maalmahan waxa soo baxay qaar maryo cadcad oo wixii Kulmiye ka Baxa Weerara, maanta waxaynu maqalnay Barkhad jaamac baa la weeraray oo Budhadh lagu weeraray, waxana aan cidda Amniga ka masuulka ah usoo jeedinayaa in arrimahaas la baadho.”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Cabdiraxmaan Cirro oo Hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xarriiqay in Tuhunka cidda weerarkaas geystay haatan ku egtahay xukuumadda iyo Xisbigeeda, waxana uu ka digay Cawaaqib xumo ka dhalata mustaqbalka, waxana uu yidhi,
“in masuuliyiinta la weeraraa waxay qaranka ku keeni doontaa dhib intaas ka badan, waxana ay fure u noqon doontaa dhibaatooyin badan oo waddanka ka dhaca.Tuhunkuna haatan Xukuumadda iyo Kulmiye ayuun buu ku egyahay.”
Guddoomiyiyuhu waxa uu cambaarayn dusha uga tuuray weerarka loo geystay Haldoor Barkhad Jaamac, waxana uu ka digay inay marar kale dib usoo noqoto, waxana uu yidhi,
“Haddii ay xukuumaddu dadka weerarayso oo kii ka baxa weerarayso, taasi waa ayaandarro, arrintaasina waa inaanay dib inoogu soo noqon somaliland-na waxay ku faantaa Amniga, Arrintaasna waan cambaaraynaynaa, waxana aan rajaynayaa inaanay dib inoogu soo noqon.”
Hadalka Guddoomiye Cirro ayaa ka dambeeyey War uu xalay soo saaray La-taliyihii madaxweyne Siilaanyo ee Dadka la Haysb sooco Barkhad Jaamac oo Habeenkii xalay sheegay inay Kooxo Hubaysani weerar ku qaadeen Gaadhiga uu wato.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment