Saturday, March 28, 2015

Eng C/naasir Garaad Abshir oo dhaliilay Siyaasadda Khaarajiga iyo Doorka Siyaasiyiinta Xukuumadda kaga jira gobollada Bari

Hargeysa, 28 March, 2015 (Himilo)- Eng Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah Qurbejoogga dalka Ingiriiska ee u dhashay gobolka Buuhoodle oo muddooyinkii u dambeeyey dalka ku sugnaa, ayaa dhaliilay siyaasadda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay maamul danihii qaranka ee arrimaha dibadda kaga mashquulay danahooda gaarka ah, isla markaana ay iska dhega-tirtay doorkii qurbejooggu ku lahaayeen dhaq-dhaqaaqyada dibadda ee qadiyadda Somaliland.

Waxa uu Eng Cabdinaasir oo magaalada Hargeysa ugu warramay telefishanka Universal, waxa uu xukuumadda Xisbiga Kulmiye ku eedeeyey inay tir-tirtay taariikh soo-jireen dhaxal-gal ah oo xukuumadihii ka horeeyey ay danaha qadiyadda madax-banaanida Somaliland ee gaadhsiinta beesha caalamka uga faa’idaysan jireen Qurbejoogga ku dhaqan dalalka dibadda, isaga oo sheegay in arrintaasi meesha ka baxday kaddib markii meesha laga saaray Xafiiskii Isku-xidhka Qurbejoogga.

Isaga oo arrintan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Arrimaha Dibaddu waa meesha ay ka seexatay Somaliland, waa meesha Baalashii ay ku duuli jirtay ahayd ee dadka Qurbejoogga ee albaabada kale ee Xisbiyada iyo baarlamaannada adduunyada ka jira garaaci jiray, xafiiskii iyo dadkii bilaashka ku shaqayn jiray, way ka takhaluseen.”

“Markii aanu halkan nimi ee aanu nidhi arrintii Qurbejoogga kala hadlay, cid alla cid aanu kala hadalno oo aanu arrintii gaadhsiinno ayaanu weynay, waayo dowladdu iyadaa isku mashquulsan. Markaa hadal runtaa laga sheegayaa, waa meesha (Siyaasadda Arrimaha Dibadda) ay Somaliland ka burbursan tahay. Qurbejooggu waa dadka arrinta Somaliland waday ilaa Xukuumadihii Cigaal iyo Rayaale, tanna intii hore way waydday, laakiin intii ka dambaysay markii xafiiskaas lagaga takhalusay oo qurbejoogga aan la dhegaysan ayay arrintaasi khadka ka baxday. Waxaan leeyahay, waar haddaad Somaliland-neey rabtaan aqbalaad, dadka qurbejoogga ah ayay aqbalaaddu ku jirtaa,” Sidaas ayuu yidhi Eng Cabdinaasir.

Dhinaca kale, Eng Garaad Abshir Saalax waxa uu Xukuumadda ugu baaqya inay u soo jeesato, waxna ka qabato tabashooyinka ka jira gobollada Bariga dalka, gaar ahaan Sool iyo Buuhoodle, waxaanu yidhi, “Dowladda waxaan leeyahay, waar arrimaha Bariga u soo jeesta, haddii kale bari kaddib haddii Kacdoonka dadku idinku sii bato, idinkana idiinma fiicna.”

Eng Cabdinaasir waxa uu baaq u jeediyey Shacabka ku dhaqan gobollada Bariga Dalka, isaga oo dhinaca kale muujiyey dhaliilo ka jira dhinaca isku-xidhka bulshada ku dhaqan gobollada iyo Xukuumadda, taas oo masuuliyaddeeda uu dusha ka saaray siyaasiyiin u dhashay deegaannadaas ee xukuumadda ka tirsan, waxaanu yidhi, “Wakhtigii Qoriga waa laga tagay, dadka yaynaan ka hadhin, idinkuna waddankiina dhista, waayo dadka kale ee beelaha kale ka soo jeedaa waddankoodii way dhisteen. Siyaasad ahaan, waxa laga yaabaa inay dhibaatooyin iska jiraan, oo raggii loogu talo-galay inay arrimaha bariga ka hadlaan ee halkan joogay inay ka seexdeen. Markaa waxaan leeyahay dadka, arrimuhu way hagaagi doonaan.”

Himilomeida

Hargeysa

No comments:

Post a Comment