War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in hab-dhaqanka ay waddo dawladda Sweden mamnuuc ka yahay Xeerarka Siyaasadeed ee caalamiga ah; iyadoo dawladda Soomaaliya ay ugu baaqday dhiggeeda Sweden inay dhawrto madax-bannaanida Sucuudiga.

Hab-dhaqankan waxaa uu mamnuuc ka yahay hannaanka iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya waddamada kala madax-bannaan sida uu qabo Xeerarka caalamiga ah. Ahmiyadda ugu horeysa ayaa ah in la xoshmeeyo madax-bannaanida iyo qaabka dawladi u sameynayso hannaankeeda dawladnimo iyadoo aan lagu sameynaynin wax fara-gelin dibedda ah.
Tani waa mabaaddii’da aas-aasiga ah oo caalamka xasaaniyad u ah, waan sida Soomaaliya ay rejaynaso in ay u dhaqmaan dhammaan waddamada xubnaha ka ah Bulshada caalamka.
Diinteena Islaamka waa Diin barako, waxaanay dadka u keentay in ay ilaaliso sharafta iyo Xorriyadda dhammaan Aadamaha. Sidaas darteed, Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo hannaankeeda Garsoorka in ay ka dhiidhiyaan arrimahan oo kale, ma ahan dadka iyo dawladda Boqortooyada Sacuudiga ee waa dhammaan waddamada caalamka Islaamka.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafdaeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.
Xidhiidhka u dhexeeya Sacuudiga iyo Sweden ayaa isbuucyadii la soo dhaafay aad u xumaaday ka dib markii ay wasiirka arrimaha dibadda Sweden, Margot Wallström ay cambaareysay xaaladda xuquuqda bani’aadamka ee ka jirta waddankaas, isla markaana ay ku tilmaamtay mid diktaatoori ah oo ku shaqeeya Dastuur qadiimi ah oo ay uga jeeddo (Diinta Islaamka), taasoo ay Sucuudiga iyo dalalka Islaamkuba aad uga xumaadeen.
Dawlada Sacuudiga ayaa hadalkaas aad uga cadhootay iyagoo u diiday Wasiirka arimaha dibedda in ay ka hadasho kulankii Jaamacada Carabta. Sweden ayaa diidmadaas kaga jawaabtay in ay ka bexeen heshiis Millateri oo ay kula jireen Sacuudiga muddo 5 sano ah. Heshiiskaas ayaa Sacuudiga ay Sweden kaga iibsanayeen hub iyo qalab kale oo Ciidan.
Sacuudiga ayaa uga jawaabay tallaabadaan go’aan loogu yeedhay Safiirkooda u fadhiyay Caasimadda Sweden ee Stockholm, isla markaana ay joojiyaan dhammaan Fiisooyinka Ganacsiga ee ay siinayeen Ganacsatada Swedishka ah. Arrintaas ayaa Swedishku aad uga xumaadeen maaddaama oo Sacuudiga uu yahay waddan uu xidhiidh Ganacsi oo ballaadhani ka dhexeeyo Sucuudiga, tallaabada Sucuudigu qaadayna ay ku khasaarayaan Shirkado Ganacsi oo Sweden laga leeyahay. Waxaana sidoo kale, Safiirradoodii Sweden ka joogay u yeedhay dalal kale oo Islaam ah oo Imaaraadka Carabtu ka mid yahay, welina khilaafkaasi ma damin, waxaanu u muuqdaa mid sii xoogaysanaya.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment