Tuesday, March 24, 2015

Wasiir Xaglo-toosiye oo si qiiro leh uga warramay Dilkii loo geystay Ganacsade Gacma-dheere oo uu Goob-joog u ahaa

Hargeysa, 24 March, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa ka warbixiyey dhacdo uu goob-joog ka ahaa oo Axaddii dorraad Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland ku dilay Alle ha u naxariistii Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma-dheere) oo ka mid ahaa Ganacsatada dalka ee Xoolaha nool u dhoofiya waddamada Khaliijka.
Marxuumka, ayaa dhintay kaddib markii Askari ka tirsan Ciidamada Booliska oo ku sugnaa Bar Kaantarool oo ku taala Tuulada Qoton-dabo ee gobolka Daad-madheedh uu xabbad ku furay Gaadhiga uu marxuumku saarnaa oo la socday Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Caafimaadka oo ka soo laabtay deegaanka Daba-gorayaale oo Md Xagla-toosiye ka soo dhagax-dhigay Xarumo caafimaad oo la dhisayo.
wasiir-Xaglo-toosiyeWasiir Xagla-toosiye waxa uu dhacdadan uu goob-joogga ka ahaa kaga warramay munaasibad uu shalay xilka ugu kala wareejinayey Agaasimaha ee Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasihii Guud ee hore, waxaanu wasiirku xusay in marxuumku u dhintay isaga oo ku hawlanaa inuu deegaankiisa ka hirgeliyo adeegyo caafimaad oo dhismayaashooda uu doonayey inuu ka qayb-qaato.
“Allah ha naxariisto Xuseen Gacmo dheere, waxaa uu ahaa nin qiime badan oo caan ka ahaa Somaliland oo dhan, waxaana uu ku dhintay u helis adeegyo caafimaad Deegaanada uu kasoo jeedo, isagaana ku qalqaaliyey, isagaana nala shaqeeyey, waxaana uu diyaar u ahaa inuu gacan ka geysto,” ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.
Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa intaas ku daray, “Shalay (dorraad) subax baanu safar halkan (Hargeysa) ka wada galnay, laba meelood oo uu isagu sababteeda lahaa inaanu dhagax dhigno, ayaanu soo dhagax dhignay, soo-noqodkiina dhexda ayaa uu ku dhintay, waxaana uu mahad celinayaa laba askari oo nala socday oo intay naftooda hureen Gacan-ku dhiiglihii oo nool iyo Qorigiisaba soo qabtay,” ayuu yidhi Md Xagla-toosiye.
Wasiir Xaglo-toosiye, ayaa si cad u sheegay in sababta ugu weyn ee marxuumkaasi u dhintay ay ahayd Dhiig-bax intii ay dhaawaciisa u soo wadeen dhinaca magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad-naqayaa Kooxdii Caafimaad oo uu hoggaaminayey Agaasime Askar, waxaana ay nagaga horyimaaddeen meesha Badar-wanaag la yidhaahdo shishadeeda, marxuumkuna aad buu u dhiig-baxay, nasiib-darrose isagoo dhintay oo naftu ka baxday ayey Agaasime Askar iyo Shaqaalihii la socday noo yimaadeen, Naf-baxaysana oo wakhtigeedii dhamaadayna lama baajin karo, waxaana ay soo qaadeen Meydkii.”
Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma-dheere), ayaa ka mid ahaa Ganacsade waaweyn ee dalka, waxaana geeridiisa ka hadlay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo Marxuumka ku tilmaamay shakhsi ka soo qayb-qaatay dib-u-dhiskii nabadeynta iyo Horumarka dalka, waxaanu tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Gacmadheere oo uu Ilaahay uga baryey naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment