Uumiyaha Dunida Ku Nool Lab iyo Dhedig Illaahay Waxa uu dhex-dhigay Muxubo iyo jaceyl midba mid ka kale ku doorto una noqda labada qof ee dunida nolol raaxo iyo rafaad mid walba isla qaybsada . Nolasha Aadmiga Dunida Ku Nool waxa dhamaystir iyo Hogaan wacan u noqda Marka ay is helaan laba qof oo in badan isku hamuun qabay ama dadka dunida ku nool inta kale iska doortay. Taasina Waa Sababta Illaahay Ummada U dhex-dhigay si ay isku afgartaan una noqdaan laba qof oo wada daadihiya Nolasha adduunyada. Jaceyl iyo Kalgacal ay labada qof ee dareenku ka dhexeeyaa ay dheeryihiin ummada Inta-kale Iskana Doorteen Inta ummad Dunida ku Dhaqan.
Iyadoo ay intaasiba jirto Ayaa Haddana Gayiga Aynu Ku Noolnahay Jiraan Duruufo mar walba hortaagan laba oo uu ka dhexeeyo dareen jaceyl iskana xushay dadka inta la faca doorbidayna in ay Nolasha ka gaadhaan halka uu qof waliba ku hamiyo ee guurka.
Waxay ahayd Sanadkii 2006 markii Wiil La Odhan Jiray Cismaan bartay xaafad ka mida xaafadaha ku yaala degmada gacan-libaax ee ka tirsan magaalada hargeysa Cismaan Wakhtigaa Waa 13jir aan caqligiisu Ku Filnayn Si Naftiisa uu uga badbaadiyo khatar kasta oo lasoo darista Waa wiil saaxiibo badan samaystay taasina waa astaanta lagu yaqaano wiil wakhtigaasi isku arkay astaamaha Qaangaadhnimo, Cismaan Xaafada uu bartay ama xidhiidhka la sameeyay Waa Xaafad Aad ay ugu badantahay dhalinyarta Faciisa ah, hablo iyo Wiilal Xaafada Uu Cismaan Bartay Waala wada Noolyahay Lama Kala Xishoodo Meelbaa wax lagu wadaa cunaa Laguna wada ciyaaraa Wakhtiga ay Jaaniska leeyihiin dhalinta Xaafada usoo kacaysa oo markaa tiradoodu aad u badnayd.
Dhalinta Xaafadi kolayba meelbay isugu wada yimaadaan oo lagu wadaa ciyaaraa Cismaan iyo dhalinta Xaafada wiilal iyo gabdhaba waxa la iskugu iman jiray Guri xaafadaas ka mida oo aad loogu wada ciyaari jiray. Cismaan Ciyaaraha halkaasi dhalinyartu kusoo bandhigto ama lagu ciyaarayo marwalba Waxa uu ahaa kuwa ugu horeeya ee yaqaan sida loo ciyaaro Ciyaartaas ay dhalintu xiisaynayso, Cismaan Waxaa uu wiilasha kale kaga duwanaa Ma uu ahayn nin hablaha dhexgala kuna milma Laakiin la ciyaara Kaliya Hawsha Markaa goobta lagu hayo, Arrintu Marka in badan sidaa ku socotay ee la ciyaaro ama lakala tago la isku soo noqdo, Bini’aadamka waxaan ka dhamaan oo marwalba la wehela Dookh Ama Damaca, Waxay Ahayd Ishwaaq Gabadh ka mida Halbaha Meesha Yimaada Oo Ilaahay Ku Manaystay Qurux Iyo Akhlaaq Labadaba Una Dheeraysiiyay Waayo Aragnimo Aadna U Taqaanay Lana Tartami Jirtay Cismaan Markasta Oo Ay Dhalintu Ciyaarayso, Ishwaaq Waxay Si Fudud U Galay Dareen Caashaq oo ay u qaaday Qofka ay marwalba oo dhalintu isku timaado wada xafiltamaan iskana soo horjeedaan ee aanay waxba isku ogalayn Dadka Inta badana Iskuba Xantaan Inay Ishwaaq iyo Cismaan Yihiin laba Qof oo aad iskugu Dhaw,Dareenka Ishwaaq galay Kama Maqnayn Dhinaca Cismaan balse Nin Adkaysi Baa Dilla Ayay Soomaalidu Hore U Tidhi,Ishwaaq Jaceylka Ay Cismaan U Qaaday Waxaa uu Noqday Mid Culays badan Saaray Qof Ay markaas isku soo dhawyihiin gabdhaha ay saxiibka yihiin oo la yidhaa (Hodan).
Hodan Waa ay ka Waayo aragsanatahay Ishwaaq iyo Cismaan labadaba Waana Qof hore usoo aragtay jaceyl iyo macnaha uu ku fadhiyo oo ay ka aradan yihiin labada qof ee ay imika ugu horayso Nolasha jaceylku, Cismaan Cid uu uga Cawdo ama u sheegto inuu Ishwaaq jecelyahay Ma Jirto saxiibadiina aad ayuu uga Gaabsadaa marka ay timaado waxyaabaha Noocaas oo kale ah maadaama aan hore looga baran cudurka maanta ku dhacay ka hor Balse Ishwaaq Waxa ay iyadu kaga wanaagsantahay Cismaan waxay haysataa qof ay Uga xaal waranto nafteeda oo maskaxda u dajisa una diyaarisa sidii ay ku heli lahayd Qofka uu dareenka jaceylku u hayo. Sidii waxay ku socoto labadii qof ee Dareenka jaceylku haleelayna u kala meeraystaan, Ayaa Waxa dhacday si Cismaan Loo Tijaabiyo Loona Ogaado inuu jecelyahay Ishwaaq iyo Inkale ayaa Habeen Habeenada ka mida Hodan, Ishwaaq Iyo Inan Kale Oo La Yidhaahdo Hana U Yimaadeen Wiilkii Cismaan oo Wahtigaasi La Ildarnaa Jaceylka Uu U Qaaday Ishwaaq Xaafadii ay ka dhawayd uu ka gaabsaday Ayaa looga yeedhay Gurigooda markii Uu Cismaan U Yimid Hablihii Doonayay Mise Waa Ishwaaq,Hodan Iyo Inan Kale oo Ay Saaxiibo hablaha ahaayeen Ee Hana, Kaftan Dheer iyo is-Xogwaraysi Ka Dib Cismaan Waxa loo sheegay in ay caawa usocoto oo ay doonayso inay la sheekaysato ama jecel Hana Oo la Socotay Hodan Iyo ishwaaq, Waxwalba oo uu sheego laakiin lagu qancin kari waa inuu Cismaan Hana la sheekaysto isagoo u sheegay Inaannu Wakhti Xaadirka jaceyl Diyaar u ahayn, Habeenka La kala tag Hani iska hoyatay iyadoon war wanaagsan Cismaan ka helin Balse Hani Ma ahayn Qofka Xaqiiqada U Socday Ee Waxay ahayd Waddadii Ishwaaq usoo mari lahayd Cismaan Oo Ay Maskaxdeeda Lahayd Hodan Oo Iyadu Ahayd Lodka Ka Wayn labadan Qof Ee Isjecel Haddana Aan isku Soo Dhicin,Wakhtigu Intaasi Waa uu soconayaa wagii baryaaba Waxa uu la soo toosaa Xaaladdiisa Jaceylka Cismaan Iyo Ishwaaqa sidaasi oo kale ayuu ahaa oo ay matalaysay Hodan Oo Garab La Ahayd Ishwaaq in badana Wax u faa’idayn jirtay.
Bilo ayaa sidaa ku dhamaaday wakhtigii Hana Loo Keenay Cismaan Lix-bilood ayaa ka soo wareegay Waa Ramadaan 2009Kii Maalintii koowaad ee lasoomo habeenkii markii la Afturay ayaa Cismaan Xaafadii uu hore u iman jiray oo baryahan Dambe Kabtiisu ku yarayd yimid si uu hawada iskugu yara dhigo,Waxaa uu soo hor-istaagay Tukaanka ugu wayn xaafada markaas ay ku wada noolaayeen Hodan Iyo Ishwaaq oo ahaa Jaar aad iskugu Dhaw,Xanjo ayuu tukaanka ka iibsaday isaga oo aan ka dhaqaaqin ayaa Hodan iyo Ishwaaq oo wada Socda Iyaguna Xanjo ay Dharag u cunaan soo galeen Tukaankii uu hortaagnaa Cismaan, Xanjadii hablihii Iibsade Hodan la kaftamay Cismaan Balse Ishwaaq iyo Cismaan La Isma Tuso Oo Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (INDHO ISJECEL ISMA ARKAAN)Way kala Dhacaan ismana eegaan si xishood ku jiro ayay u wadahadlaan haddiiba ay dhacdo in ay Afka isku galiso Hodan oo aad u jeclayd inay Saaxiibadeed Dhabta kala hadasho Cismaan una sheegto inay jeceshay kaftankii Tukaanka hortiisa Hodan ayaa tidhi inaga hor-dhaqaajiya meeshan waa dad badantahaye Waa ay ka dhaqaaqeen Waxay wada fadhiisteen sees aan ka fogayn xaafada ay ku noolayeen,Hodan iyo Ishwaaq iyo Cismaan Halkaas ayay sheeko Wadaaga la dhacsanyihiin oo midba mar la dhagaysanayaa,Hodan ayaa markaliya Cismaan Waydiisay Sababta Uu ula sheekaysan waayay Hana,Hadalkii oo aan afkii Hodan kasoo wada Bixin ayay Ishwaaq oo iyadu jeclayd in loo bilaabo hadalka ka hoos qaaday Kuna Tidhi Cismaan Waa Runteed Hodane Maxaad ku diiday Hana,Cismaan Oo Meesha ku kaliyaystay Ayaa ugu jawaabay Si Kaftana Nin Ishwaaq arkayaa Ma Hana Ayaa u muuqanaysa,Hodan oo iyadu kalmadaas uun ka sugaysay Cismaan In maalin uun ay afkiisa ka hesho ayaa iyadu markiiba Tidhi cismaan adiguu ku jecelyahay ee naag kale haku wareerin Ishwaaq ayaa damacday in ay iska caabido hadalka ay Hodan Tidhi Balse Isagoo hadalkii Afkii Ishwaaq Kasoo Wada Bixin Ayay Hodan Tidhi (Aniga Markaan Imika Ninkan ka tagnana ka igu wareerin markaad imika la joogtana hala dhicin ee runta kala hadal una sheeg inaad jeceshay isba waakaa kuu sheegay inuu ku jecelyahay)
Cismaan iyo Ishwaaq oo aad u kala baqanaya ayaa waxaa ka dhex kacday Hodan oo ku tidhi Haddii aad is jeceshihiin idinku dhexdiida kusoo kala dhamaysta Hadal Waafiyana ilaa yimaada.
Halkaas marka ay sheekadu marayso ee ay Hodana Iska Tagtay inankii Ishwaaq Iyo inankii Cismaan isku Afgarteen inay Wada sheekaystaan oo ay iska daayaan dadka dhexdhexaadinaya Hodana u sheegaan inay soo wada heshiiyeen Oo Waxwaliba Sidii ay ka rabtay Ay Noqdeen.
Ishwaaq iyo Cismaan Waxay Noqdeen laba Ku Faraxsan Nolasha Kalinimada Ah ee Ay Ka Baxeen Muddo Markii ay Wada Socdeen Ayaa Waxaa la guursaday inantii Hodan ee iyadu inta Badan Isku Keeni jirtay Ishwaaq iyo Cismaan. Markii la guursaday Hodan Xidhiidhkii Ishwaaq iyo Cismaan Waxaa uu noqday mid aan sidii hore ahayn maadaama ay meesha ka baxday hodan oo ahayd qofkii marwalba isku keeni jirtay Cismaan Iyo Ishwaaq.
Xidhiidhkii ka dhexeeyay Ishwaaq iyo Cismaan waxaa uu noqday mid Qof waliba Sidiisa U Gaabsaday Iyagoo waayay meel ay isku soo maraan ama iskugu yeedha Sababtoo ah wakhtigaasi oo aanay Isgaadhsiintu aad inoogu yarayd ama qaali ahayd, Cismaan iyo Ishwaaq Way is-ilaaween jaceylkiina waxaa uu noqday mid qofwalba dhinaciisa u haya oo uu ka baxay meesha jaceylkii la iswaheshanayay.
Sanad ka dib wakhtigii iskugu Danbaysay Ishwaaq iyo Cismaan Ayaa habeen Habeenada ka mida waxaa Mobilka Cismaan Number aanu aqoon u lahayn Horena aan usoo Wicin, Markii uu qabtay Mobilkii Ayaa waxaa kala hadashay inan ku tidhi “Miyaad I garanaysaa,Yaan Ahay”Cismaan Ayaa Aad ula yaabay qof soo garaacay haddana waydiinaysa Cida ay Tahay Waxaana uu ku yidhi kuma Garanayo;Ishwaaq iskuma Sheegin Cismaan Balse waxaa ay u sheegtay ereyo labadooda ka dhexeeyay uu oo markii dambe ku aqoonsaday, Cismaan Waxaa uu la yaabay Qof soo garaacday Inay Tahay Ishwaaq Iyo Inay Tahay Qof Ku Ciyaaraysa Markii dambe se waxay noqotay Ishwaaq Waxaana ay u sheegtay inuu sida ugu dhakhsaha Badan ugu yimaado Dhibaatooyin badana ay ku dhaceen intii uu ka maqnaa oo ay doonayso inuu la xaliyo. Cismaan Habeenkii ku xigayba Waxaa uu damcay inuu u tago Isagoo la yaaban dhibaatada aanu ogayn ee lasoo daristay Ishwaaq intii ay kala maqnaayeen, Waa ay isku yimaadeen Wakhtigii hore waa la isku keeni jiray Balse Imika Waxaa saddexeeya Ilaahay, Ishwaaq iyo Cismaan In Badan Ay Wada Fadhiyeen Habeenkaas Arrimo Dhawrana Waa kawada hadleen Balse muhiimada Ugu Wayn Ee Ishwaaq u socotaa waa sidii ay Cismaan Xidhiidhkoodii Usoo Celin lahaayeen, Habeenkaas Waxay Cismaan U Sheegtay inay rabto inay wada sheekaystaan oo ay dib isugu soo noqdaan Taasina Waxay u dhacday sidii ay doonaysa ee ay markii horeba kusoo talo gashay Ishwaaq.
Lasoco…….
W/Q:Ilyas Abdi Ali
Ilyasdable1994@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment