
Shacabka ayaa kala dooran doona Goodluck Jonathan oo hadda fadhiya xafiiska Madaxweynaha iyo Muhammadu Buhari, ooh ore usoo hoggaamiyey ciidamada waddankaas, isla-markaana marar hore lagaga guulaystay Tartanka madaxtinimada waddankaas.
Dalka Neyjeeriya uu u qaybsan dadka aaminsan diimaha Islaamka iyo Masiixiyada ayaa inta badan haddii Madaxweynuhu noqdo Muslim waxaa kuxigeenkiisa laga dhigaa qof ka soo jeeda Masiixiiynta ku badan koonfurta Neyjeeriya,waxaana inta badan xilka Madaxweynaha ku tartama laba qof oo ka soo kala jeeda Muslimiinta & Masiixiyiinta.
Neyjeeriya oo ah dalka Qaaradda Afrika ugu dadka badan ayaa waxaa doorashada loo diiwaan geliyey dad ku dhaw 60 milyan oo qof. Waxaana doorashadu qabsooomeysaa iyada oo Boko Xaraam lagala wareegey magaaladii ugu weyndeyd ee ay ka haysteen Waqooyiga Neyjeeriya ee Gwoza.
Doorashada waxaa hadheeyey arrimaha Amaanka, Bishii February oo doorashadan qabsoomi lahayd ayaa dib loo dhigey amaanka dartiis, dalku wuxuu la daalaadhacayaa xakemeynta ururka Boko Xaram oo hadda lagula jiro dagaalo ba’an iyada oo Neyjeeriya ay u soo gurmadeen dalalka deriska ah ee dhibaatadu taabatey.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment