
Imaamyada Masaajiyaddada dalkaasi ayaa arintaas deedafeeyey, waxana ay tilmaameen inay arrintaasi tahay gardarro dadka musliminta ah lagula kacay.
Afhayeenka Booliska Uganda Patrick Onyango ayaa sheegay in Iskuulada Islaamiga ah ee ay xidheen loo adeegsadey goobo lagu tababaro caruurta, kuwaas oo ay doonayaan in ay u dagaalamaan fallaago dagaal kula jirta ciidamada Uganda.
“Caruurta maskaxda ayey ka maydhayaan, waxaana ay u tababarayaan in ay noqdaan xagjiriin.qorshuhu waxa weeye markii ay weynaadaan in ay noqdaann fallaago” ayuu yidhi Patrick Onyango.
Kassim Nakibinge, oo ka tirsan Shuyuukhda Muslimiinta Uganda ayaa u sheegay Joornaalka Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda, in si caddaalad darro ah iskuulada Islaamiga ah loo badh-tilmaameedsadey, arrintanina ay tahay kaliya Marmarsiiyo aan meel gaadhsiisnay.
Boolisku waxay sheegayaan in Iskuulada la xidhey caruurta dhigataa la doonaayo in ay ka mid noqdaan Fallaagada Allied Democratic Forces ee saldhigyada ku leh dalka Kongo ee Uganda deriska la ah, iyo ururka al-Shabaab ee Soomaaliya xarumaha ku leh.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment