Millateriga Ciraaq oo ay taageerayaan 20,000 oo malleesiyaad Shiico ah, ayaa isku dayaya inay dib ula wareegaan magaalada Tikrit oo ah magaaladii uu ku dhashay, isla markaana lagu aasay Madaxweynihii hore ee Ciraaq Sadaam Xuseen, sidoo kalena ah magaalooyinka waaweyn ee taariikhiga ah ee ay deggen yihiin Sunniyiinta laga tirada badan yahay ee Waddankaas.

“Marka aannu u aragno inay tahay suuro-gal ayaannu gudaha u geli doonnaa magaalada. Haatan Tikrit si buuxda ayaan ugu hareeraysannahay… waxaanan isku dayi doonnaa inaanay shacabka soo gaadhin wax khasaare ah oo dagaalka ka dhasha.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Ciraaq Khaled Al-Cubaydi oo Shalay Saxaafadda la hadlay.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in xoogagga ISIS ama Daacish ay gudaha magaalada ku jiraan, isla markaana ay yihiin kuwo niyad-jabsan. Isagoo intaas ku daray markii ay u habboonaato in ay geli doonaan gudaha magaaladaas, wax iska cabin ahna aanay baqdin ka qabin wakhtigan oo kaga yimaadda dhinaca Kooxda Daacish.
Hawlgalkan lagu go’doomiyay magaalada Tikrit, ayaa noqonaya hawlgalkii ugu weynaa ee ay Mareykanku ka qaybqaadanayaan ee dhinaca dhulka ah ee ka dhan ah kooxda Daacish, inkasta oo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanku ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan ka qaybgalka hawlgalkan.
Si kastaba ha, ahaatee, haddii Ciidanka dalka Ciraaq ay ku guuleystaan inay ISIS ka saaraan magaalada Tikrit waxay u noqonaysaa guul weyn oo ay gaadheen, hase-ahaatee, haddii ay ku guul-darreystaan waxay taasi fashilinaysaa hawlgallada ay ka wadaan dalkaas ee Maraykanka iyo Xulufadiisu taageerayaan ee ka dhanka ah Islaamiyiinta Daacish ee ka dagaallama inta badan Waqooyiga Ciraaq, dalka Suuriya iyo meelo kale oo ay Jabhado ka joogaan-ba.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment