Hargeysa, 24 March, 2015 (Himilo)- Wasiirka Duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo maanta hor tagay Golaha wakiilada, ayaa wax laga waydiiyay sababta Shirkadda Duulimaadyada Fly Dubai ooh ore ugu balan qaaday inay Somaliland Duulimaadyo ka bilaabayso ay u baajisay Duulimaadyada, waxaanu sheegay inay ku xidhay shuruudo dhanka xayndaabka madaarka ah.

“Waxa Madaarkeena qiimayn ku sameeyay Shirkaddo badan, waxaa ka mid ah Fly Dubai, waxay ahayd 5-tii bishan inay Duulimaadyo samayso, waxa kaliya oo ay u xanniban tahay Silig hal Kiiloomitir iyo badh ah, oo 13KM imika ka qabyo ah. Markii ay daraasad ku sameeyeen waxay inagu xidheen Kiiloo-mitirkaas iyo badhkaas inaynu dhamayno, waanan wadnaa,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Wasiirku waxa uu sheegay in Madaarka Hargeysa horumar sameeyay islamarkaana Shirkaddo badani danaynayaan, “Shirkadaha Madaarka Qiimaynta ku sameeyay Kenya Airways baa ka mid ah, Turkish Airways baa ka mid ah, Geeska Africa marka la eego waxaynu ka mid nahay garoomada soo Ifaya ee soo koraya ee ugu wanaagsan, wuxuun baanay ku xidhan tahay inaynu qabyadeenna gufeyno, wixii horumar ahna halkaa ka sii wadno,” ayuu yidhi Wasiirku.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment