
Markii uu madaxweynuhu soo-afjaray khudbaddiisa, waxa xildhibaannadii Fadhiyey golaha laga horjoogsaday inay madaxweynaha weydiiyaan su’aalo ay dalbadeen, iyada oo Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Golihiisa loogu marti ahaa xildhibaannada ku war-geliyey inaanay wax su’aalo weydiin karin Md Axmed Maxamed Siilaanyo.
Haseyeeshee, Xildhibaannada Mucaaradka ee Golaha Wakiillada oo markii fadhigu dhammaaday warbaahinta kula hadlay barxadda hore ee golaha, ayaa dhaliilay khudbadda madaxweynaha iyo in loo diido wax su’aalo ah oo madaxweynaha ay weydiiyaan. Waxaanay ku tilmaameen inaanay ahayn khudbad u qalanta in laga horjeediyo Goleyaasha Sharci-dejinta.
Xildhibaannada mucaaradka iyo Muxaafadka ee Golaha wakiillada, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay khudbadda madaxweynaha.
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee Xisbiga Waddani, isla markaana ah Af-hayeenka Xisbigaas, ayaa naqdiyey khudbadda madaxweynaha oo uu ku tilmaamay mid xambaarsanayd Faanka iyo Wax-qabadka Xukuumadda, waxaanu yidhi, “Khudbadiisa waxaanu u arkay farriin cad ah oo uu Golaha Guurtida u dirayey oo ahayd muddo-kordhin ii sameeya. Haseyeeshee, khudbaddaasi may ahayn mid ku salaysan xaaladda dhabta ah ee maanta dalku marayo, waxay ahayd khudbad inteeda badan ay ka muuqatay faan oo aad mooddo in loogu talo-galay wax-qabadkii xukuumadda in lagu buun-buuniyo. May ahayn khudbad u cuntanta in goleyaasha Xeer-dejinta dalka lala soo hor-fadhiisto.”
Xildhibaan Cali Marreexaan oo isaguna ka hadlay Mudaneyaasha Muxaafidka, ayaa khudbadda Md Siilaanyo ku sifeeyey mid ka tarjumaysa isla markaana koobsaday dhammaan xaaladaha kala duwan ee dalka ka jira. “Waxay ahayd khudbad koobsatay Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, waxayna aad u xoogga u saaraysay Amniga Qaranka, sida ciidamada loo xoojiyey; booliska iyo milatariga oo madaxweynuhu sheegay inay ku filan yihiin amniga dalka oo ay yihiin ciidamo laysku halayn karo,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cali Mareexaan.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo saxaafaddu weydiisay sababta uu Xildhibaannada uga horjoogsaday su’aalo ay madaxweynaha weydiiyaan, ayaa sheegay, “Maalintaas oo kale su’aalo ma leh, madaxweynuhu xaaladda waddankuu ka warramayay, dadweynuhuu u warramayaaye ee xildhibaanno uma warramayo,” Sidaas ayuu ku jawaabay Guddoomiye Saleebaan oo wariye ka tirsan telefishanka Star su’aal ka weydiiyey sababta uu xildhibaannada uga horjoogsaday inay su’aalo weydiiyaan.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment