Thursday, March 26, 2015

Mac-hadka Faafinta Islaamka oo Kulan-diimeed Baraarujin ah u Qabtay Ardayda Jaamacadda EELO

Boorama, 26 March, 2015 (Himilo)- Mac-hadka Faafina Islaamka ee ka hawlgala Somaliland, ayaa kulan-diimeed u qabtay qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Jamaacadda EELO ee Magaalada Boorama .

Kulan-diimeedkas oo ka dhacay Xarunta Jaamacadda EELO ku leedahay bartamaha Magaalada Boorama, waxa ka qayb galay Madaxda Mac-hadka Faafinta Islaamka, Culimo awdiin, Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Jamacada EELO, Macalimiin iyo Ardayda Jaamacadda, waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Jamacada EELO Dr Xasan Faarax oo u Mahadnaqay Machadka Faafinta Islaamka iyo Culimada wacdiga diiniga ah u jeedinayey ardayda.

“Marka hore waan ku faraxsanay inaan ka soo qayb galo madashan qiimaha badan ee wacdiga diiniga ah laga jeedinaayo, waxanan ardayda ku boorinayaa inay dhagaha u furaan oo ay si wanaagsan u dhagaystaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Jamacada EELO.

??????????Sheekh Cali Aadan ayaa muxaadiro diini ah halkaas uga jeediyay ardayda wax ka dhigta Jaamacadda EELO, isaga oo ardayda dar-daaran kala duwan oo diini ah ardayda u jeediyay, “Maadama oo aad tihiin dhalinyaro, weliba ku jira wakhtigii Jaamacadda, waxaan idinku boorinayaa inaad barashada diinta xoogga saartaan oo aad bar-bar waddaan cilmiga kale ee aad baranaysaan, waayo qofkii diinta barashadeeda xoogga saaraa, cilmiga kalena waa u fududanayaa,” ayuu yidhi Sheekh Cali.

Sidoo kale waxaa isaguna kulan-diimeedkaas Muxaadiro dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Sheekh Cilmi Ismaaciil oo ka mid ah culimada Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal, waxaanu ardayda u soo jeediyey inay iska ilaaliyaan balwadaha, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Ilaahay Qur’aankiisa waxa uu ku sheegay in diinta Islaamka la barto, markaas waa inaad xooga saartaan barashada diinta, waxanan idinku boorinayaa inaad balwadaha uu qaadka iyo sigaarku ka mid yahay aad iska ilaalisaan waayo qofkii labadaas laasimaa waa qof dhinac walba nolosha ka hadhay oo qayrkii, diintiisii iyo dadnimadiisii ay hagaas noqotay,” ayuu yidhi Sheekh Cilmi.

Gebo-gabadii waxaa kulan-diimeedkaas ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada EELO Prof Khadar Cabdi Khayre, waxaanu uga mahadnaqay culimada muxaadirada diiniga ah ka jeediyay, waxaanu yidhi, “Xafladan Muxaadirada Diiniga ah ee ardayda loogu jeediyay ee Culimada sharafta inaga mudan ku wacdiyeen waa mid sharafteeda leh, waxaanan aad ugu mahadnaqayaa ardayda sida fiican u dhagaysatay culimada waayo waxay siiyeen xiisad aad iyo aad u fiican oo mudnaanteeda leh.”

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment