Thursday, March 26, 2015

“Waxaan malaynayaa riyadayda in Soddon sano ka dib ninkii noolaada ay Madaxweyne Gabooye ah Somaliland yeelan doonto..”

 

Hargeysa, 26 March, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu rejaynayo soddonka sano ee soo socda inuu Somaliland hoggaamiyo Madaxweyne ka soo jeeda Beelaha Gabooye sida loo arkay Maraykanka oo uu Madaxweyne madaw ahi hoggaaminayo, taasoo uu ku tilmaamay lama filaan dhacday konton sano ka dib xilligii cunsiriyad ka dirirka Maraykanka madoow.

Muuse Biixi waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo Hoggaanka Sare ee Xisbiga KULMIYE shalay ku qaabbilay Taageerayaal ka soo jeeda Beelaha Gabooye ee dega Caasimadda oo sheegay inay ku biireen KULMIYE, kuwaasoo uu hormuud u ahaa Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumaddii UDUB Mahdi Cismaan Buuri.

Ka sokow Guddoomiye Muuse Biixi waxa kaqaybgalay Xafladdaas Hoggaanka Xisbiga, Hormuudka Beelaha Gabooye, Salaaddiin, Xildhibaanno, Taageerayaal iyo Marti-sharaf kale, waxaana halkaas hadallo ka jeediyey Xubno ka mid ah Siyaasiyiintii iyo Madaxda Dhaqanka ka soo jeeda Beelaha Gabooye qaarkood, waxaanay sheegeen inay horeba u ahaayeen Xisbiga Kulmiye, balse ay haatan isu imaanshahoodan ugu jawaabayaan Xafladdo kooxo kale oo Beelahooda kasoo jeedaa dhawaan ku shaaciyeen inay Kulmiye kaga baxeen.

Cuqaashii halkaas ka hadashay, ayaa si isku mid ah mid mid uga sheekeeyey waxqabad ay tilmaameen inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Beelahooda wax badan u qabtay, isla markaana ay abaal aan la illaawi karin ka mudan yahay.

Suldaan Nadiif oo isagu hormuud u ahaa Taageerayaashan KULMIYE ku biiray shalay ee Gabooye, ayaa si faahfaahsan uga warramay Wax-qabadkaas ay sheegeen in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u qabatay Beeshooda.  “Beel ahaan Madaxweyne Siilaanyo waxa uu noo qabtay wax badan oo aanan halkan kaga sheekayn karin, waxa uu naga dhisay Tacliinta, horumarka iyo iskaashiga, waxaana uu noo galay abaal aan la illaawi karin, Aniga iyo Suldaan Daakir waxa uu noo iibiyey laba Gaadhi oo dalka Baabuurta joogta ugu qaalisan, waana wax taariikhda galay.” Sidaa ayuu yidhi Sudlaan Nadiif.

Siyaasiga Mahdi Cismaan Buuri oo ka mid ah Siyaasiyiinta Beelaha Gabooye oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa xusay in cabashada kasoo yeedhaysa Beeshoodu aanay ahayn wax meel sare sii gaadhsiisan, isla markaana ujeeddadeedu tahay inuu Madaxweynuhu kor u qaado mansabyada siyaasadeed ee xilligan Beelaha Gabooye ka tabayaan Xukuumadda talada haysa. Waxaanu sheegay Mahdi inay Beesha Isaaq iyo Beelaha Gabooye yihiin kuwo beelo ahaan u siman ama u sinmi kara, balse ay muuqato inaanay Kuraas ahaan u sinnayn xilalka dawladda xilligan Somaliland ka jirta.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment