Tuesday, March 31, 2015

Heshiis lagu Cidhib-tirayo Nukliyeerka Iran oo loo muddeeyey qalin ku duugistiisa iyo qodobbada ugu adag

Lausanne, 31 March 2015-(Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Maxamed Jawaad Thariif, ayaa Isniintii shalay dalka Switzerland kula kulmaya Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Jarmalka, isla markaana waxay isku dayayaan inay heshiis gaadhaan ka hor xiliga kama dambeysta ah si ay isula meel-dhigaan heshiiska muddada dheer laga dhur-sugayey Barnaamijka Nukliyearka ee Iran.
Gelinka dambe oo Salaasada Berri, ayaa diblomaasiyiintu doonayaan inay gaadhaan qaab lagu hubanayo in Iran aanay sameysan doonin Hubka wax gumaada ee Nukliyeerka, iyada oo taas loogu beddelayo in cuna-qabateynta laga qaado.
Cuna-qabataynta Reer Galbeedka iyo Maraykanku saareen waddanka Iran, ayaa dhaawac weyn u geysatay dhaqaalaha dalkaas, taasoo ah wax la doonayo in loogu beddelo joojinta samaysiga Hubka Nukliyeerka ee Iran si looga qaado markay heshiiskaas lagu cadaadinayo fuliso ka dib. Hannaan dhameystiran oo heshiiskan ku saabsan ayaa la filayaa dhammaadka bisha June ee 2015-ka inuu si rasmi ah u hirgelo.
Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa Isniintii shalay sheegay in aan wali go’aan laga gaadhin sida loo burburinayo Keydka Macdanta Yuraaniyoonta la naaxiyey ee Iran ee laga sameeyo Nukliyeerka, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in dawladdaasi ay muujisay in waxyaabahaas dalka dibeddiisa la geeyo.
Waxa uu Sarkaalkaas oo sii watay hadalkiisa, intaas ku daray oo sheegay in dhoofinta qalabkani uu ahaa mid ka mida qodobbada ay labada dhinaca muddo bilo ah ka doodayeen ee aadka la isugu mari la’aa, balse immika u muuqata in la isaga soo dhawaanayo sidii hore oo uu hirgeli karo heshiiskaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, ayaa gelinkii dambe ee shalay isagu ka baxay shirkaas ka socda magaalada Lausanne ee dalka Switzerland, hase-yeeshee Afhayeen u hadlay, ayaa sheegay inuu soo laaban doono haddii laga gudbo qodobbada hadda la isaga dhadhaw yahay ee caqabadda ku ah hirgelinta heshiiska gelinka dambe ee Salaasada Berri u muddaysan.
Himilomedia
Hargeysa

No comments:

Post a Comment