Sunday, March 29, 2015

Dawladda Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay Xaaladda Yemen, taageertayna go’aanka Jaamacadda Carabta ee la-dagaallanka Xuutiyiinta

Hargeysa, 29 March, 2015 (Himilo)- Dawladda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay qalalaasaha siyaasadeed iyo kacdoonnada dagaal ee ka socda waddanka Yemen oo ka mid ah dalalka ay Somaliland Xuduudka ka wadaagaan dhinaca Badda, waxaanay taageertay go’aanka dalalka Jaamacadda Carabta ku midoobay ka qaateen kooxaha dagaalka kula jira dawladda Yemen.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inay dawladda Somaliland si buuxda u garab-taagan tahay go’aanka ay dalalka Jaamacadda Carabtu ka qaateen xaaladda Yemen, isla markaana ay taageerayso dawladda Sharciga ah ee ka jirta Yemen, aadna uga soo horjeeddo Kooxaha ka soo horjeeda dawladda ee dalkaas dagaallada ka wada.

“Muddooyinkan dambe, xasillooni-darro ayaa ka jirtay qaar ka mid ah waddamada Carbeed, waxaana ugu dambeeyey dagaallada ka socda dalka Yemen ee aynu deriska nahay. Dagaalladaasi waxay saamayn xoog leh ku yeelanayaan guud ahaanba Badda Cas iyo Waddamada ku xeeran ee aynu ka midka nahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland mar uu Sabtidii shalay khudbad dheer ka horjeediyey fadhi wada-jir ah oo ay labada Golee Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilladu ku yeesheen xaruntooda magaalada Hargeysa.

Md. Axmed-Siilaanyo waxa uu ka hadlay doorka ay Somaliland ku leedahay xasilloonida Marinka Badda Cas oo uu sheegay inuu yahay jidka isu socodka dunida inteeda badan, waxaanu yidhi; “Dawladda Somaliland waxay dalalka deriska iyo beesha caalamka intaba kala shaqaysaa, adkaynta iyo xoojinta xasilloonida mandaqadda, gaar ahaan Marin-Biyoodka Badda Cas oo hal-bawle u ah isu socodka dhaqaalaha Adduunka.”

“Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab-taagantahay mawqifka Jaamacadda Carabta ee taageeridda dawladda sharciga ah ee dalka Yemen. Waxaanay ka soo horjeeddaa kooxaha qalalaasaha ka wada dalka Yemen.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waa markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Somalilnad sidan oo kale uga hadlo qalalaasaha iyo dagaallada ka taagan waddanka Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay dawladda Somaliland sidan oo kale shaaca uga qaaddo ama u caddayso inay taageero la garab-taagan tahay dawladda waddanka Yemen ee Kooxaha Shiicada dalkaasi dagaalka hubaysan kula jireen muddooyinkii u dambeeyey.

Waddanka Sucuudiga iyo Xulufadiisa Jaamacadda Carabta, ayaa habeennimadii Arbacadu soo galaysay weerarro dhinaca Cirka ah ku qaaday Waqooyiga waddanka Yemen, gaar ahaan magaalada Sanca iyo nawaaxigeeda oo ay Kooxda Xuutiyiinta ee dawladda Yemen dagaalka kula jirtaa gacanta ku haysay, kana saartay dawladda iyo Saldhigyada gaarka ah ee ay Kooxdaasi leedahay.

Dawladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa xidhay Hawada sare ee dalka Yemen, taasoo saamayn xooggan ku yeelatay duullimaadyada diyaaradaha u kala gooshi jiray waddamada Bariga Afrika intooda badan oo ay Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ku jiraan, iyadoo duullimaadyadii iman jiray iyo kuwii tegi jiray-ba xannibmeen, ka dibna loo duway Marin kale oo aad u dheer, kaasoo halka diyaaradda Dubai ka soo kacdaa saddexda saac ku iman jirtay Hargeysa ay lix saac ku imanayso, halka ay Muqdisho oo ay afar saac ku tegi jirtay toddoba saac ku tegi doonto.

Dawladda Iran oo iyadu taageerta Xuutiyiinta Yemen, ayaa Sucuudiga iyo Xulufadiisa ugu baaqday in la joojiyo weerarrada Sucuudigu hoggaaminayo ee uu ku qaaday Xuutiyiinta Yemen markii ay ku soo

qaadeen.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment