
Sidoonka Isra’iil ayaa la sheegay inay diblumaasiyiinta Maraykanka iyo kuwo Iran ay si qarsoodi ah xogtooda uga xadeen iyagoo adeegsanaya farsamooyin kala duwan.
Qorshaha Isra’iil ayaa ahayd inay carqaladeyso wadahadalka la xidhiidhka Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Isgaadhsiinta Diblumaasiyiinta ku sugan Switzerland ayaa la sheegay inay Isra’iiliyiinta basaaseen kadibna xogtii ay halkaasi ka heleen ku shaaciyeen warbaahinta iyo waliba Golayaasha Baarlamaanka Maraykanka si loo horjoogsado heshiis dhexmara Maraykanka iyo Iran.
Sirdoonka Maraykanka ayaa dhankoodana la sheegay inay iyaguna basaaseen sirdoonka Isra’iil kadibna ogaadeen falalka ay Isra’iil ku kacday kadib markii si qarsoodi ah loo helay hadalo ay khadka telefoonka ku sheekaysanayeen saraakiisha sirdoonka Isra’iil.
Xaaladu halkaasi kuma ekaan Isra’iil oo iska difaaceysa inay saaxiibkeeda Maraykanka ay basaastay ayaa sheegtay inaanay wax xog ah ka xadin dowlada Maraykanka, balse ay xogta ka heleen diblumaasiyiinta Iran.
Sidoo kale xubno ka socda dowlada France oo ka qeyb qaadanayey shirarkaasi ayaa la sheegay in si aan taxadar lahayn u fakiyeen xog badan oo ku aadan waan waanta u socotay shanta dal ee Golaha Amaanka (Maraykanka, France, UK, China, Russia), oo ay wehliso dowlada Germany iyo Wadanka Iran.
Jariirada Wall Street Journal ayaa qortay in Aqalka Cad ee Maraykanka uu si xun uga cadhooday basaasida Isra’iil ku kacday iyadoo u adeegsaneysay xogtaasi inay iska horkeento Xukuumada Obama iyo Golayaasha Baarlamaanka Maraykanka.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment