Saturday, March 28, 2015

Haysashadii Al-shabaab Ee Hutel Makah Al-mukarama Oo Lasoo Afjaray Iyo Xaaladda ku Soo Noqotay Gacanta Dawladda

jaroeMuqdisho:Mar,28,2015(Himilo)-Hawlgalkii kadhanka ahaa Kooxdii Hubaysnayd ee muddada dheer gacanta ku haysay Hutel Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, ayaa goor dhaweyd lasoo afjaray, waxana ciidamada Ammaanka Somalia usuurta gashay inay galaan Gudaha Hutel-ka.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mid mid u galay qolalka uu ka kooban yahay Hoteelka si ay u hubiyaan in cid ay ku jirto ama uu madhan yahay qolkaasi.

Booliiska, Nabad Suggida iyo ciidamada Milateriga ayaa hada buuxiyay Hoteelka gudihiisa, iyadoo Hoteelka gudihiisa ay ku sugan yihiin Saraakiil sar sare oo ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya.

Cutubyo katirsan Ciidamada Miino baadhista ayaa ku hawllan hubinta in walxaha qarxa Hutelka lagaga tegay, waxana ay haatan ku mashquulsan yihiin kala rogidda darbiyada Hutelka, gaar ahaan meelaha israsaasaynta ku dumay.

Howlgalkaan lagu soo afjaray weerarkii shalay Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa qaatay in ku dhaw 12-saacadood.

Wariyeyaasha Hoteelka ku sugan waxa ay soo tabinayaan in ninkii ugu dambeeyay ee ka mid ahaa raggii soo weeraray Hoteelka ciidamada ay toogteen, waana mida keentay in ciidamada ay amniga Hoteelka si rasmi ah ula wareegaan.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment