Saturday, March 28, 2015

Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Hadlay Qalalaasaha Ka Socda Dalka Yemen Isla Markaana Taageeray Waddamada Carbeed Ee La Dagaalamaya Xuutiyiinta

Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa ku dhawaaqay taageerada Somaliland ee go’aanka jaamacada carabta ee ku aadan la dagaalanka xuutiyiinta, ee dhawaan dalalka ku jira jaamacada carabtu ku midoobeen.
SIILAANYOMadaxweynaha Somaliland oo ka hadlaya qalalaasaha ka socda dalka yemen iyo qorshaha Somaliland ka leedahay ayaa waxa uu yidhi:- “Muddooyinkan dambe, xasillooni-darro ayaa ka jirtay qaar ka mid ah waddamada Carbeed, waxaana ugu dambeeyey dagaallada ka socda dalka Yemen ee aynu deriska nahay. Dagaalladaasi waxay saamayn xoog leh ku yeelanayaan guud ahaanba Badda Cas iyo Waddamada ku xeeran ee aynu ka midka nahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland mar uu Sabtidii shalay khudbad dheer ka horjeediyey fadhi wada-jir ah oo ay labada Golee Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilladu ku yeesheen xaruntooda magaalada Hargeysa.
Md. Axmed-Siilaanyo waxa uu ka hadlay doorka ay Somaliland ku leedahay xasilloonida Marinka Badda Cas oo uu sheegay inuu yahay jidka isu socodka dunida inteeda badan, waxaanu yidhi; “Dawladda Somaliland waxay dalalka deriska iyo beesha caalamka intaba kala shaqaysaa, adkaynta iyo xoojinta xasilloonida mandaqadda, gaar ahaan Marin-Biyoodka Badda Cas oo hal-bawle u ah isu socodka dhaqaalaha Adduunka.”
“Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab-taagantahay mawqifka Jaamacadda Carabta ee taageeridda dawladda sharciga ah ee dalka Yemen. Waxaanay ka soo horjeeddaa kooxaha qalalaasaha ka wada dalka Yemen.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Waa markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Somalilnad sidan oo kale uga hadlo qalalaasaha iyo dagaallada ka taagan waddanka Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay dawladda Somaliland sidan oo kale shaaca uga qaaddo ama u caddayso inay taageero la garab-taagan tahay dawladda waddanka Yemen ee Kooxaha Shiicada dalkaasi dagaalka hubaysan kula jireen muddooyinkii u dambeeyey.
Waddanka Sucuudiga iyo Xulufadiisa Jaamacadda Carabta, ayaa habeennimadii Arbacadu soo galaysay weerarro dhinaca Cirka ah ku qaaday Waqooyiga waddanka Yemen, gaar ahaan magaalada Sanca iyo nawaaxigeeda oo ay Kooxda Xuutiyiinta ee dawladda Yemen dagaalka kula jirtaa gacanta ku haysay, kana saartay dawladda iyo Saldhigyada gaarka ah ee ay Kooxdaasi leedahay.
Dawladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa xidhay Hawada sare ee dalka Yemen, taasoo saamayn xooggan ku yeelatay duullimaadyada diyaaradaha u kala gooshi jiray waddamada Bariga Afrika intooda badan oo ay Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ku jiraan, iyadoo duullimaadyadii iman jiray iyo kuwii tegi jiray-ba xannibmeen, ka dibna loo duway Marin kale oo aad u dheer, kaasoo halka diyaaradda Dubai ka soo kacdaa saddexda saac ku iman jirtay Hargeysa ay lix saac ku imanayso, halka ay Muqdisho oo ay afar saac ku tegi jirtay toddoba saac ku tegi doonto.
Dawladda Iran oo iyadu taageerta Xuutiyiinta Yemen, ayaa Sucuudiga iyo Xulufadiisa ugu baaqday in la joojiyo weerarrada Sucuudigu hoggaaminayo ee uu ku qaaday Xuutiyiinta Yemen markii ay ku soo dhawaadeen magaalada Cadan oo uu ku sugnaa Madaxweynaha dalkaas oo markay soo kulaaleen uga cararay dhinaca dalka Jabuuti oo uu uga sii dhoofay magaalada Sharmal-sheekh ee dalka Masar halkaas oo uu Sabtidii shalay Shir uga furmayey dalalka Jaamacadda Carabta ku bohoobay, kaasoo ay kaga hadlayeen xaaladda Yemen iyo in la dhiso Ciidan Carbeed oo lagu midaysan yahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment