Ololaha mooshinka ay kaga doodayaan Golaha deegaanka Cardiff, waxa qayb laxaad ka qaatay Jaaliyadda Somaliland ee waddankaas, gaar ahaan jaaliyadda magaalada Cardiff oo ah magaalada ugu badan ee ay ku noolyihiin jaaliyadda Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay ka amba-baxay garoonka diyaaraha ee Hargeysa, iyada oo wasiirka Arrimaha Dibadduna uga sii horreeyo dalka Ingiriiska, sida uu sheegay wasiirka Madaxtooyada oo sharraxay muhiimadda socdaalkooda
“Ujeeddada socdaalkayaga ayaa daaran in aan ka qayb-galno mooshin ajandihiisu yahay Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland oo la horkeeni doono fadhiga golaha deegaanka ee Cardiff waxaanan rejo badan ka qabnaa in aynu ku guulaysan doono dedaal dheer oo la sameeyey kadib,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo war-fidiyeennada kula hadlayey garoonka diyaaraha ee Hargeysa shalay ka hor intii aanay ka bixin dalka.
Wasiir Xirsi ayaa tilmaamay in Aqoonsiga Goleyaasha degaanku horseedi doonto in la geeyo dowladda Britain, waxaanu yidhi, “Waxaa hubaal ah in dedaalada noocan ahi ay Insha Allahu keensan doonaan in ajandaha Madaxbanaanida Somaliland la hor keeni doono Goleweynaha sharci-dejinta ee Boqortooyada Ingriiska iyo caalamkaba taasi oo wax badan ka tari doontaa hirgelinta iyo xaqiijinta himilada qaranka.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waan ku hamblayeynayaa jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Sheffield iyo Cardiff iyo guud ahaanba adduunka intiisa kale taasi oon ku bogaadinayo dedaalada joogtada ah ee ay ka gaystaan gudbinta iyo gaadhsiinta qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland isla markaana aan odhan karo in ay yihiin dad damiir nool isla markaana leh han iyo himilo sare,” ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyadu.
Magaaladad Cardiff ayaa ah Caasimadda Gobolka Wales ee Boqortooyada dalka Britain, ayaa la filayaa in mooshin qadiyadda Aqoonsiga Somaliland ku saabsan la horgeeyo golaha Deegaanka magaaladaas isla markaana ay wasiirradu kala qayb-galayaan.
Golaha Deegaanka magaalada Cardiff oo jaaliyadda Somaliland ee magaaladaasi sheegeen inay ka rejaynayaan inay ku taageeraan Qadiyadda Somaliland fadhi golahaasi isugu imanayo 26-ka bishan, kaas oo la horgeyn doono Aqoonsiga Somaliland.
Golaha Deegaanka Magaalada Sheffield, ayaa horaanta sannadkii 2013 aqoonsaday madax-bannaanida Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment