Isbedelada dhaqan-dhaqaale iyo horumarineed ee dunida ka dhaca guud ahaan ama gaar ahaan dalalba, in wax laga tilmaamo lana taxliiliyo isbar-bardhigna la sameeyaa ummaddana loosoo bandhigo waa lagama maarmaan muhiimadeeda ayeyna leedahay. Warbaahinta kala duwana waa mid uu xil ka saaran yahay.
Haddaba, halkan waxaan idiinku soo gudbinayaa qisooyin xusid mudan oo dalkeena ka dhacay. bal xusuusta aynu dib ugu celino 23sanno ka hor arrintii ka dhacday Qasriga looga talinayey Jamhuuriyada Somaliland oo ah Madaxtooyada hadda dalka laga maamulo. Waa axdigii Xukuumaddii uu Madaxweynaha ka ahaa (AHN ) Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, ku-xigeena uu ka ahaa Muj; Xasan Ciise Jaamac. waxa dhacay maalin ka mid ahayd muddadaa aynu sare kusoo xusnay. Akhristayaal, ha iga degdegina, aan ka yara horeeysiiyo intaanan qisadan u galin waxoogaa guud mar ah oo ku aadan Xukuumadii wakhtigaa. May 1991 ayaa lagu doortay Shirweynihii Beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland iyada oo la doortay muddo laba sanno ah. Xukuumadaasi waxay hirgalisay in dadku ku midoobo dawlad Somaliland ah, ha noqdaan dadkii halganka iyo kuwii kasoo horjeedayba. Waxay isku keentay beelihii Somaliland oo dhan si qaran cusub loo yagleelo, waxay ka hortagtay wakhtiyadda inay dhacdo wax aargoosi la yidhaa taasoo aynu maanta midheheedii hayno. inkasta oo habsami u socodkii maamulkii wakhtigaa ay saamayn ku yeelatay kala qaybsanaantii ururkii SNM. haddaba, aan hore usii socda, oo aynu usii dhawaano qisadii wakhtigaa dhacday. Maalin maalmahaa ka mid ahayd ayaa waxa Qasriga Madaxtooada kasoo baxay Madaxweyne xigeenkii wakhtigaa oo markaa ahaa ku-sime Madaxweyne, Maadaama oo Madaxweynihii dalkuna uu Dibeda kusii maqnaa, ayaa waxa uu usoo jarmaaday dhinaca suuqa, markuu saacado sii maqnaa ayaa waxa yimid wefti balaadhan oo dibeda ka yimid, waxay ku ciirtay masuuliyiintii Madaxtooyada waxaana ku adkaatay inay helaan meel ay ugu hagaagaan wayna jahawareereen, illeen wakhtigaa madaxweynaha iyo ku-xigeenkuba iyaga oo kali kali ah ayay suuqa isaga soo bixi jireen oo may jirin baabuur iyo illaalo badan oo daba yaacdaaye; intaa kadib, waxa suuqa usoo baxay kooxo hawlwadeenadii Madaxtooyada ah oo baadi-doon ah waxa laga raadinaayey meelihii uu fadhiisan jirey, way isqaybiyeen oo kooxiba dhinac ayey magaaladii ama suuqii ka gashay iyaga oo baadigoobaya Madaxweynihii, saacado badan ayaa la raadinaayey oo meel walba laga eegay, markii dambe goobihii ay tageen dadkii joogay ayey weydiinayeen “waar Madaxweyne xigeenkii ma aragteen” iyo waakii mar dhaweyd halkan lugaynaayey, waar idinku ma aragteen? iyo maya….! Goor aan goor ahayn ayaa lagasoo helay meel agagaarka hotelka Hadhwanaag ah isaga oo la fadhiya odayaal ay isku SNM ahaayeen iyaga oo ku guda jiray sheeko ku saabsan Dagaaladii halganka. “Waar Madaxweyne xigeen wefti baa kuu yimid oo intaas oo saacadood ku sugaayey anaguna meel walba waanu kaa eegnay” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ragii baadi-goobka madaxweynaha ku hawlanaa. halkii bay iska raaceen illaa madaxtooyadii si uu ula kulmo Waftigii yimid dalka.
Haddaba, waxa lagayaabaa akhristayaal inaad isweydiisaan miyaan la ogeyn weftida dalka imanaayey. Balse jawaabtu waxa weeyi; isgaadhsiin la iskula soo xidhiidhaaba ma jirin. Cidda telefoon u baahata waxay u safri jirtay Jigjiga iyo Djibouti. Intii aan macluumadka maqaalkaygan aan ku guda jiray ayaa waxaan la kulmay nin ii sheegay inuu Djibouti u tagay telefoon. Oo markuu gaadhay halkaa nin ka mid ah dadkii uu ku dagay weydiiyey “ Maxaad u timid halkan (Djibouti)” waxaan ugu jawaabay ayuu yidhi “ Telefoon aan dibeda kula hadlo ayaan u imid” dankale maan lahayne!
Gabagabdii, walaw ay jireen Shirkaddo telefoon oo dalka ka shaqayn jirey oo markii dambe xidhmay. Waxa runtii xusid mudan Maamulka iyo hawlwadeenada SHIRKADA TELESOM ee Inaga haqab tiray Baahiyaha isgaadhsiinta casriga ah iyo waliba tiro aad u badan “features” oo lagama maar maan u ah isgaadhsiinta casriga ah. In la bogaadiyo ayay dhab ahaan mudan yihiin, waxaana marka hore Mahada aynu u celinaynaa ALLE (SW) marka xigtana Khuburada hogaanka u haysa shirkada TELESOM oo koobsaday aqoonta qaybeheeda kala duwan mid maamul iyo mid farsamo intaba. Mar labaad waxaan leeyahay waad mahadsantihiin Ummadda iyo dalkana waxaad u qabateen iyo sidaad adeegyadiina kala duwan uga haqabtirteen abaalkeeda waa la idiin hayaa. Dawlad kasta oo dalka ka talisa mida joogta iyo kuwa iman doonana waxaan leeyahay hala dhiiri galiyo, wixii caqabado ku yimaadana halaga qaado. Waxa kale oo iyana xusid mudan SHIRKADA SOMTEL oo sanadihii u dambeeyey dalka ka hirgashay adeegyo badan oo muhiimana dalka kusoo kordhisay.
Cabdirasaaq Askar(Halsan Media Group)
Hargeysa , Somaliland
Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment