
Xuseen Xaaji Xasan Guuleed, waxa uu sheegay in xukuumadda iska lahayd qaban-qaabada shirka iyo marti-qaadka wakiillada Ka socday Jaamacadaha, ujeeddasiisuna ahayd sidii laysaga kaashan lahaa dhinaca horumarinta Aqoonta, balse waxa uu sheegay inaanay guddi ahaan waxba kala socon kulanka sida gaarka ah u dhexmaray Jaamacadaha Soomaalida, isaga oo xusay in wakiilladii ka socday maamul-goboleedka Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya ay ka hadheen isla markaana muddo ka dambeeyeen Ergooyinkii kale ee Jaamacadaha dalalka Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.
“Waxaanu qabanay kulan ay yeesheen jaamacado gaadhaya 16 oo waddamadda Barriga Afrika ku kala yaal oo aan ku casuumnay, xukuumaduna la socotay, muddo laba maalmoodna ka socday Maansoor Hotel,” ayuu yidhi Xuseen Xaaji Xasan.
Agaasimaha oo la weydiiyey waxa ay Guddi ahaann kala socdaan kulanka sida gaarka ah u dhexmaray madaxda jaamacado ku yaal Somaliland qaarkood iyo kuwa Soomaaliya oo ay weheliyaan madaxda urur lagu magacaabo Heritage Institute oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay inaanu wax xog ah oo faahfaahsan ka hayn, balse “Wufuudii aanu soo casuunney markii shirku dhamnaaday dib-bay u noqdeen, marka laga reebo qoladii Puntland iyo Soomaaliya oo sheegay inay sii joogayaan maalmo,” ayuu yidhi Xuseen.
In kasta oo Xukuumaddu iska lahayd marti-qaadka Jaamacadaha waddamada Bariga Afrika ee Soomaaliya ku jirto, haddana lama oga natiijada ka soo baxay shirka Hargeysa ugu qabsoomay, haseyeeshee waxa tuhun dhaliyey kulanka gaarka ah ee dhexmaray Jaamadaha Soomalida. Himilomedia
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment