Delhi, 25 March, 2015 (Himilo)- Xukuumada Hindiya ayaa sheegtay in budhcad-badeedka Soomaalidu u soo wareejiyeen afduubkoodii maraakiibta xeebaha dalkooda, laakiin, indhaha ku hayaan dhaqdhaqaaqyadooda, iskana cabin doonaan weeraro kaga yimaadda.
Wasiirka Gaashaandhiga Hindiya Manohar Parrikar ayaa sheegay in markii xeebaha Soomaaliya yimaadeen ciidamo ilaaliya budhcad badeedku u soo wareegeen dhinacooda, "Markii ciidamo shisheeye ilaaliyeen maraakiibta marayey xeebaha Soomaaliya, budhcad badeedkii waxay ku soo durkeen xeebaheena, inkastoo weli masaafo gaadhaysa 450 u jiraan.”
Parrikar ayaa sheegay, "Lagama yaabo inay beegsadaan Hindiya, laakiin, taxadir weyn ayaan ku eegaynaa."
Hindiya oo culays weyn ka haysto Shiinaha ayuu sheegay wasiirka Gaashaandhigu in dalkiisu ku dedaalayo xidhiidh wanaagsan oo dhexmara jaararkiisa.
"Hindiya waxay dhoolatus milateri la samaysaa wadamo badan, in ka badan afartan wadan ayaa ciidamadooda tababar ugu soo dirsada Hindiya, waxaanan qorshaynayaa inaan qalabka milateri u dhoofino wadamadaa.”
Budhcad badeedka Soomaalida oo mushkilad weyn ku heyn jiray maraakiibta mara badweynta Hindiya iyo Gacanka Carabta, kana helay malaayiin doolar ayaa xilliyadii u dambeeyey yaraatay halistoodii markii ciidamo ilaaliya baddahaa la keenay.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment