Hargeysa, 24 March, 2015 (Himilo)- Maayarkii hore ee degmada Gabiley, immikana ah wasiirka Wasaaradda Wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa markii ugu horraysay jawaab ka bixiyey dareenkiisa ku aaddan hadallo siyaasiiyiin ka soo jeedda degmada Gabiley iyo shacabka qaarkii ka bixiyeen Xilka Wasiirnimo ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay.

“Maalintii la I magacaabay dadku siyaabo kala duwan bay u fasirteen, aniguna waan soo dhaweeyey inuu xilkaas madaxweynuhu igu sharfo oo ii garto, siyaasiyiin kasoo jeedda Gobolkaasina markii wax la weydiiyey inaan ahay belaayo ilaahay Gabiley soo dhaafiyey. Ma jecli inaan arrintaas ka jawaabo, kamana jawaabayo, wax cuqdad ahna ma aha runtii, laakiin qof waliba oo siyaasi ahi inta aragtidiisu tahay ayuun bay tahay, waxaana aan odhan karaa annagaa is naqaaano qoladayada dhinacani (Galbeedku) siyaasadda markaanu soo gelayno, ayaanu Habaar iyo wax kusoo galnaa, waxaana aan odhan lahaa anigu adeerkay Bashiir kuuma jawaabayo, laakiin War jiraaba Cakaaruu imane, Xildhibaan Maxamed Amiin baa I beddelaye markay maalintiisa gaadho Belaayo haku sheegine Khayr ku sheeg,” ayuu yidhi Wasiirku, isaga oo u jeeda Maayarka Cusub ee loo doortay Golaha deegaanka Gabiley.
Jawaabta Wasiir Shucayb, ayaa daba-socota hadal uu Xildhibaan Bashiir Tukaale hore ugu weeraray Maayarkii hore ee Gabiley, kaas oo uu ku sheegay inay Reer Gabiley ka raysan doonaan Md Shubayb.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment