Hargeysa, 25 March, 2015 (Himilo)- Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Qaaxada (TB-da) oo sannad kasta 24-ka bisha March laga xuso dunida si bulshada loogu baraarujiyo halista cudurkani leeyahay iyo sidii looga hortagi lahaa, ayaa shalay si weyn looga xusay Somaliland, waxaana munaasibad xuskan ka mdi ah lagu qabtay magaalada Hargeysa.


Dr Suhayb Axmed Xasan oo ka tirsan dhakhaatiirta ka hawl-gasha xaruntan oo ka hadashay munaasibadda lagu xusay maalinta Qaaxada Adduunka, ayaa sharraxaad ka bixisay muhiimadda uu leeyahay weynayn xuska maalintan oo ay ku tilmaantay inuu xambaarsan yahay wacyi-gelin iyo farriimo caafimaad oo bulshada loogu diro inay iska daaweeyaan haddii cudurkani ku dhacdo isla markaana ay goobaha caafimaadka ee daaweynta xannuunkan ku shaqada leh la xidhiidhaan.
Dr Axmed Siciid oo ka tirsan masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland u qaabilsan dejinta siyaasadda la-dagaalanka cudurka Qaaxada oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay wasaarad muhiimad weyn siiyaan sidii looga hortagi lahaa isla markaana cudurkani looga dabar-jari lahaa bulshada dhexdeeda iyaga oo kaashanaya hay’adaha caalamiga ah ee wada-shaqayntu ka dhaxayso.
Dhinaca kale, hay’adda World Vision oo ka mid ah hay’adaha Caalamiga ah ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland kala shaqeeya daaweynta bukaanka la il-daran cudurkan iyo ka-hortaggiisa, ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay kaga hadlay guulaha laga gaadhay la-dagaalanka cudurka iyo tirada bukaan-socodka laga daaweeyey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo hay’addu ka hawl-gasho.
Hay’addu waxa ay sheegtay iyaga oo kaashanaya isla markaana wada-shaqayn muddo toban sanno la-dagaalanka cudurkan kala-shaqaynayey 23 hay’adood,. ururro maxalli ah iyo kuwo caalami ah iyo wasaaradaha Caafimaadka Somaliland iyo Somalia, ay ku guulaysteen daawaynta 113,000 oo bukaan socod ah, kuwaas oo daawooyin ka qaatay xarumo caafimaad oo hay’adda World Vision wada-shaqayn la leedahay.
“Annaga oo ballaadhinaysa barnaamijka la-dagaalanka Qaaxada, waxaanu rejaynaynaa inaanu sannadkan 2015-ka gaadhno yoolka aanu hiigsanayno ah inaanu hoos u dhigno isla markaana yaranayno tirada dadka cudurkani ku dhaco boqolkiiba 50,” Sidaas waxa tidhi Francois Batalingaya oo ah Agaasimaha Hay’adda World Vision.
Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, Dr. Vianney Rusagara oo ah Agaasimaha hay’adda Global Fund oo maal-gelisay mashruuca la-dagaalanka cudurka Qaaxada ee hay’adda World Vision ka fuliso Somaliland iyo Somalia oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, boqolkiiba 50 bukaan-socodka uu haleelo cudurka Qaaxada, ayaan inta badan la aqoonsan isla markaana aan baadhitaan caafimaad lagu samayn, taas oo lagu sababeeyey adeegyada caafimaad ku filan oo aanay helin.
Cudurka Qaaxada oo ka mid ah xannuunada ay ugu nugul yihiin, sida fududna ay u qaadaan bulshada Soomaalida, waxa ay daawayntiisu qaadataa ilaa siddeed bilood, iyada oo qofka bukaanka ah looga baahan yahay inuu maalin kasta ka xaadiro Xarumaha Caafimaad ee lagu daaweeyo Qaaxada si loogu ilaaliyo qaadashada dawada.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment